Haddii Mahdi Maxamed Guuleed Noqdo Raysal Wasaaraha Dhabta Ah Ee Badala Khayre Maxaa Iska Badalaya Siyaasada Somaliland?

0
Thursday July 30, 2020 - 18:56:01 in News by
  • Visits: 3320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Mahdi Maxamed Guuleed Noqdo Raysal Wasaaraha Dhabta Ah Ee Badala Khayre Maxaa Iska Badalaya Siyaasada Somaliland?

    Haddii Mahdi Maxamed Guuleed Noqdo Raysal Wasaaraha Dhabta Ah Ee Badala Khayre Maxaa Iska Badalaya Siyaasada Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii Mahdi Maxamed Guuleed Noqdo Raysal Wasaaraha Dhabta Ah Ee Badala Khayre Maxaa Iska Badalaya Siyaasada Somaliland?



Hargeysa(HWN):-Waa dhab in ay, Dad badani Aaminsan yihiin, in dhawaan Madaxweyne Farmaajo soo Magacaabayo, Raysal-Wasaare uu ku badelanayo Saaxiibkiisii hore Xasan Cali Khayre, si uu usoo dhiso Dawlad Cusub.

Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) | Twitter


Taas oo aan aheyn tii Kheyre soo dhisey, halka dad koobanina ka Aaminsan yihiin in Mahdi Guuleed laga Saarayo kusimaha hada lagu Tilmaamay islamarkaana, uu isagu soo dhisayo Dawllada, ahaanayana Kii badelay Kheyre si uu u gaadhsiiyo una hogaamiyo Mudo kordhinta Dawllada iee Wakhtiga La Qorshaynayo, Sidoo kalena Tirada Wasiirada aan hada Xubno badan laga Badelayn.


Marka loo eego hadalhaynta, iyo Falanqaynaha Maalmihii u Dambeeyay, ee Wajiga Cusub ee ay hada Waajahdey Dawllada Federaalku ama uga Gudbi Doonto Badelaadii Kheyre kadib Waxaad Moodaa inaanay ku Koobnayn Faaladeedu Magaalada Muqdisho oo kaliya haseyeeshee, Saadaasha iyo hadalheyntu Taalo Meel kasta oo Dadka Soomaalida ahi Joogaan inkastoo, Muqdisho dheer tahay dhulka kale, Raga Malamalaynta lagu Damac Galiyay laakiin aaney, Marnaba Suurtagal aheyn in ay Madaxweyne Farmaajo u Noqdaan Raysalwasaare Marxalada Xiligan sida Cali Maxamed Geedi iyo Rag yaryar oo kale, oo iyaguna Camirey Xanshashaqa ololaha Hargtuurka ah ee Loo Dhiibay Reer Muqdisho.


Dhab ahaan Waxay Dadka Sida aadka ah u Odorosa Siyaasada Madaxweyne Farmaajo, Saadaashooda u badinayaan in Labada Talaabo ee ahaa Inqilaabkii Kheyre, iyo Cida Kursigiisa La Wareegaysaa in ay aheyd Talaabo lawada Qaadey Maalintii Fadhiga iyo Habeenkii Macno ahaan (Ambabixinta Kheyre, iyo Magacaabista Mahdi), inta kale Waxa lagu dhameysanayaa dhabar taabashada Siyaasiyiinta Beelaha, Hawiye iyo Geedi Socodka Xukuumada, oo la isbarbar Wadayo.


Sikastaba ha ahaatee, Waxa Su,aal kaliyi ka joogtaa, hadii Mahdi Guuleed Kuxigeenkii hore ee Raysalwasaaruhu Noqdo RaysalWasaaraha Dhabta ah ee hogaaminaya Mudo kordhinta iyo qabanqaabada odoroska Doorashada hal Cod, iyo hal Qof oo iyaduna ka go,an Madaxweyne Farmaajo Maxaa iska Badelaya Siyaasada Soomaalida gabi ahaanba?.


Sax Su,aal Weeyi Wanaagsan inkastoo Minqiyaaska Jawaab Bixinta Su,aasha ay iska Leeyihiin Dadweynuhu hadana Marka laga eego Doc ah In Somaliland oo uu kasoo jeedo Fikrad khaldan laga haysto, hadii Mahdi Noqdo Raysalwasaaraha dhabta ah, ee Badelay Kheyre oo aanu jirin Mid lasoo magacaabaya, Waxa xaqiiq ah in aanay habayaraatee taasi Waxba u dhimayn Somaliland islamarkaana, ay Suurtagal tahey, in arimuhu Sidii hore ee Kheyre ahaa Raysalwasaaraha ka Wanaagsanaan doonan Somaliland iyo Soomaaliyana Wadahadal Xaqiiqda ku Fadhiyaa dhex Mari doono.


Loading...
Loading...