War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Fadhi Ay Yeesheen Ku Ansixiyey Guddi Cusub+Sawiro

0
Thursday July 30, 2020 - 18:49:33 in News by
  • Visits: 1776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Fadhi Ay Yeesheen Ku Ansixiyey Guddi Cusub+Sawiro

    War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Fadhi Ay Yeesheen Ku Ansixiyey Guddi Cusub+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Fadhi Ay Yeesheen Ku Ansixiyey Guddi Cusub+Sawiro


Muqdisho(HWN):-Golaha wasiirada dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shir ay maanta yeesheen go'aan kaga gaadhay guddi farsamo loo magacaabay Ka Talo Jeedinta Habsami u socodka Doorashooyinka.

Image may contain: 7 people, people sitting, table and indoor


Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.


Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.


Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka qaranka.


Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.

Image may contain: 1 person, sitting and table
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 7 people, people sitting, table and indoor

Loading...
Loading...