Beesha Habarjeclo Oo Hargeysa Ka Bilawday Shirar Doceedyo Lagu Dardar Gelinayo Baaqii Boqor Buurmadow.

0
Thursday July 30, 2020 - 16:52:54 in News by
  • Visits: 2496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Habarjeclo Oo Hargeysa Ka Bilawday Shirar Doceedyo Lagu Dardar Gelinayo Baaqii Boqor Buurmadow.

    Beesha Habarjeclo Oo Hargeysa Ka Bilawday Shirar Doceedyo Lagu Dardar Gelinayo Baaqii Boqor Buurmadow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Habarjeclo Oo Hargeysa Ka Bilawday Shirar Doceedyo Lagu Dardar Gelinayo Baaqii Boqor Buurmadow.


Magaalada Hargeysa ayaa maalmihii la soo dhaafey waxa ka socdey shirar doceedyo ay yeelanayeen Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Masuliyiinta ka soo jeeda Beesha Barriga Burco Shirar doceedyan ayaa ay u jeedkisa ay daaranaayen qodobadan hoos ku xusan:-




1. Sidii Beeshasi u mideyn laheyd Murashaxiinta ka soo jeeda beeshasi ee ku hirdamaaya hanashada Gudomiyanimada Xisbiga Kulmiye ee shirweynihiisa la qabanaayo.


2. Tabashada ay qabaan qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Iyo Ganacsatada Beeshasi oo ah iney ku hungooben dhisitaankoodii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.


3. In Beeshasi Madaxweynu Siiyo Saamiga ay ka tabanayaan Xukuumadiisa iyo Hanaanka Xukuumadu u Bixiso Mashaariicda.


Kulamadan ayaa qaar ka mid ah waxey ka dhaceen Guriga Xildhibaan Obama ee Magaalada Hargeysa, iyadoo halkaasi lagu saarey Guddi Xildhibaano ah oo Madaxweynaha kala Soo Hadli Doonta tabashooyinka beeshu qabto.


Geesta kale iyana ilo xog ogaal ah ayaa ii xaqiijiyey iney jiraan kulamo doceedyo uu la yeelanayo Madaxdhaqameedka iyo Ganacsatada Beesha Barriga burco Hoogamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sida la ii xaqiijiyey kala hadlaayey Sidii Beeshu cududeeda ugu biirin laheyd Xisbigaasi oo Hoogamiyaha la sheegay inuu damacsan inuu u tartamo gudomiyanimada Xisbigaasi marka la gaadho shirweynaha Xisbiga.


Beesha barriga Burco ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ay ka soo yeedhayeen Cabashooyin dhanka Saamigooda Xukuumada ah iyo Hanaanka Xukuumadu u bixiso Mashaariicda laga fulinaayo Dalka.

Loading...
Loading...