Sii Hayaha Ra'iisul Wasaaraha Oo Xariga Ka Jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 Ee Isbitaalka Banaadir

0
Thursday July 30, 2020 - 15:42:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sii Hayaha Ra'iisul Wasaaraha Oo Xariga Ka Jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 Ee Isbitaalka Banaadir

    Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban





Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudaneMahdi Maxamed Guuleedayaa maanta xarigga ka jaray Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir
oo loo qalabeeyay si casri ah.

Wasaaradda caafimaadka dalka iyo shirkadda Hormuud ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo laga hirgeliyay gudaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir oo ka kooban afar qeybood ayaa la dhigay 300 oo sariirood oo 50 kamid ah ay yihiin kuwa loogu tala galay bukaannada xaaladoodu darantahay ee u baahan in si gaar ah looga taxadaro xaaladooda caafimaad.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo u mahad celiyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha iyo qalabeynta ayaa hoosta ka xariiqay in hadii ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed la gaari karo guulo waaweyn.

Dib u dhiska iyo qalabeynta Qeybta Karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka Banaadir ayaa qayb ka ah dadaallada dowladdu ay ku horumarineyso hannaanka caafimaadka dalka.

Loading...
Loading...