Idaacadaha BBC iyo VOA Somali: Waraysiyadii Waxa ay Kooto ugu xidheen Afar Aqoonyahan.
Reerka Ciisaha ayaa marka ay garta qaadayaan ku furta "XADHIG OO DHAN WAX MA XIDHEE XIG MA LA HAYAA”? Sidaasi oo kale, Marka ay timaado waraysi iyo falanqeyn ku saabsan arrimaha cakiran ee dadyowga Soomaalida ah ee ku dhaqan geeska afrika, waxa ay labadan idaacadood waraysiyo joogto ah ka qaadaan afar aqoonyahan oo ay ummadda Soomaalida horwadaan muddo dheer. Miyaa la waayey kuwa lagu beddelo oo aan ahayn kuwan aad moodo inay ‘Share’ ku leeyihiin labadan idaacadood ee xayeysiiska joogta ah codkoodu uga baxo idaacadahan? Jawaabtu waa maya, waxa se jirta siyaasad ay wataan madaxda labadan idaacadood oo iyagu go’aanka iska leh hadba wixii la baahinaayo. Arrinta la yaabka lehi waxa weeyi markii uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu beddelay fikirkiisii Soomaaliya waa mid oo uu Somaliland u soo noqday ayaa gebi ahaanba laga mamnuucay inay waraysi ka qaadaan labadan idaacadood. Afar aqoonyahan oo qaarkood ay cunsuriyiin yihiin oo dafira jiritaanka ummad dhan ayaa dood kasta laga soo qaybgeliyaa, waana afartan hoose:
=Dr.
Ibraahin Faarax Bur-saliid:Wuxuu ku soo koray Kismaayo ilaa
heerkii waxbarashadiisii hoose, dhexe, sare iyo jaamacaddii. Markii Siyaad Barre
oo adeerkii ahaa dalka xoog lagaga saaray wuxuu u qaxay Kiiniya caasimad
Nayroobi. Waxaanu sii watay waxbarashadiisii oo wuxuu ku diyariyey shaahada
‘PhD’. Macalin ayuu ka noqday jaamacadda Nayroobi, waxaanu dhigayey culuunta
siyaasadda iyo xidhiidhka dibada. Wuxuu caan ku yahay inuu xaqiro
gooni-isu-taagga Soomaalilaan oo aanu isagu ogaleyn. Xittaa wuxuu soo gaadhay
in Soomaalilaan wixii doorashooyin ka dhacay ay aqoontiisu dafirto oo
dareenkiisa shakhsiga ahi uu ka xoog bato. Malahayga wuxuu ku colaadinayaa burburkii
ay SNM u geystay dawladdii adeerkii Siyaad Barre.
=Dr.
Xuseen Warsame: Wuxuu
xisaabaadka iyo ganacsiga ka dhigaa jaamacadda Calgary ee dalka Kanada, gaar
ahaan ‘ Haskayne School’. Wuxuu shahaadada Phd ku diyaariyey maamulka
xisaabaadka. Waa nin reer Soomaalilaan ah, balse aan aaminsanayn
gooni-isu-taagga Soomaalilaan. Wuxuu ahaa gacanta midig ee Prof. Axmed
Ismaaciil Samatar ka hor intii aanu beddelin fikirkiisii uu ku diidanaa
Soomaalilaan, ee aanu quusta kala iman musharaxnimadii madaxtinimo ee uu
Soomaaliya u doontay. Kooxdaa uu Dr. Xuseen Warsame ka tirsanaa ee ku soo
caanamaashay Soomaalilaan nacaybka way kala xidhiidh furteen markii ay ka
baxeen Prof. Axmed I Samatar iyo Prof. Cali Khaliif oo ay u soo noqdeen
Soomaalilaan.
Dooddii
uu qabtay machadka Heritage ee
dhacday 2018 Jabuuti, ayuu Dr. Bulxan ugu caqli celiyey in haddii maanta ay
isku biiraan Soomaalilaan iyo Soomaaliya uu Dr. Xuseen Warsame deegaankiisu uu
2% ka heli doona saamiga la siiyo Soomaalilaan. Markaa uu Xuseen wax ku yahay
Soomaalilaan oo uu 8 sanno madaxweyne ka ahaa iyo dhawr iyo labaatan sanno oo
madaxweyne ku xigeen uu ka ahaa. Waxaad ku garataa inuu cidlo taagan yahay
berigii dhaweyd ee AHN Qoraa Maxamed Baashe X. Xasan uu soo bandhigay
fikirkiisii ahaa ‘MAR KALE MIDNIMO’
wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ku taageera fikirkaasi. Haatan waa keli
socod waayey xulufadii sharka ee isku bahaysatay Soomaalilaan diidka.
=Dr.
Afyare Cabdi Cilmi: Wuxuu ka soo jeedaa Muqdisho, waxaanu ka mid ahaa
dadkii qurbaha u shaqo tegay. Maaha nin codkar ah sida kuwa kale ee aynu sare
ku soo sheegnay. Wuu se is-ilaaliyaa inuu toos colaad ugu muujiyo Soomaalilaan.
Markaad dhuuxdid fikirkiisa wuu diidan yahay isaga oo aan si cad u sababayn
sida kuwa aynu xagga sare ku soo sheegnay. Wuu qiraa waxa wanaagsan ee
Soomaalilaan u qabsoomay. Waa qunyar socode af-gaaban, wuu se la dhacsan yahay
waxqabadkii Kacaankii Af-weyne oo inta badan fikiradihiisa ka muuqata.
Jamaacadda Qadar ayuu macalin ka yahay, waxaanu dhigaa siyaasadda caalamiga ah.
Buugiisa keliya ee " Understanding the Somalia conflagration: identity,
Political Islam and Peace building” ayaa ka dhadhansanaysaa sidii u cabsan
yahay waxqabadkii Kacaankii Maxamed Siyaad.
= Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar: Waa nin reer Soomaalilaan, kana soo jeeda gobolka
Awdal. Wuxuu shahaadada ‘PhD’ ka diyaariyey jaamacadda California sannadkii
1985. Waa macalin Juquraafi, waxaanu madax ka yahay machadka Juquraafiga ee
jaamacadda Minnesota. Xagga Soomaalilaan nacaybka, hore waxa ay isku fikir u
ahaayeen walaalkiisa ka weyn Axmed Ismaaciil Samatar, hasayeeshee markii dambe
ee musharax madaxweyne u doontay Soomaaliya ee uu ka soo qoostay ayuu beddelay
fikirkiisii. Prof. Cabdi weli wuxuu aaminsan yahay in Soomaalilaan aanay xaq u
lahayn inay dawladnnimadeedii soo ceshato. Waxa aan shaki ku jirin inay saameyn
ku leedahay xaaskiisa oo reer Puntland ah, oo mararka qaarkood uu ku hadlo
erayo ka mid ah kuwa Puntland lagaga hadlo. Madaxweyne hore Aadan-Cadde ayaa
lagu haystay inay xaaskiisa oo reer Puntland ahayd ay taladiisa saameyn ku
lahayd.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!