Xulashada Raiisul Wasaaraha Ee Farmaajo Iyo Cabdilaahi Yuusuf ,Maxay Ku Kala Duwan Yinhiin Qalinkii Suxufi Sinyoore

0
Thursday July 30, 2020 - 10:00:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulashada Raiisul Wasaaraha Ee Farmaajo Iyo Cabdilaahi Yuusuf ,Maxay Ku Kala Duwan Yinhiin Qalinkii Suxufi Sinyoore

    Qalinkii Suxufi Sinyoore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii Suxufi Sinyoore

Waa ciwaanka maqaal uu daabacay bogga SomaliTalk Oct 14, 2004. Maalinkaas waxaa afar cishe laga joogaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.



Wariyaha oo xiganaya aragtida falanqeeyayaasha iyo guuxa dadweynaha ayaa saadaalinaya in Cabdullaahi Yuusuf uu Raysulwasaare ka dhex xulan doono Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere), Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Qanyare Afrax.

 

Sababta saddexdan Hoggaamiyakooxeed xilkaas loogu saadaalinayay waxay ahayd in ay beelahoodu Muqdisho ku badan yihiin iyo in ay iyaguna leeyihiin saameyn iyo miisaan culus.

 

Maxamed Dheere ayuu wariyuhu u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Abgaal oo Muqdisho ku badan, uuna heysto gobolka Shabeellada Dhexe, ayna isku qabiil yihiin ganacsato awood leh oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowladda,

 

Sida Abuukar Cumar Caddani oo maamulayay dekadda Ceel-Macaan iyo Bashiir Raage oo heystay garoonka Cisallay.

 

Xuseen Caydiid ayuu qoraagu ku sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Habargidir oo Xamar ku badan, isla markaana haystay  Madaxtooyadda Qaranka  ee Villa Somalia, Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo goobo kale oo istaraatiiji ah.

 

Maxamed Qanyare ayuu isagana u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Murusade oo Muqdisho ku badan, uuna leeyahay saameyn iyo awood ciidan oo xooggan, iyo in uu heysto maamulka garoonka Dayniile oo ay waagaas diyaaradaha jaadku Xamar uga soo degayeen.

 

Madaxweyne Cabdullaahi raysulwasaare kama uusan dhigan saddexdan nin mid koodna , waxaase la sheegaa in uu Maxamed Dheere si dadban ugu guuleystay, oo uu isagu keensaday Cali Geeddi.

 

15 sano kadib maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu raysulwasaare ka dhex baadigoobayaa isla beelihii uu shalay Cabdullaahi Yuusuf ka raadinayay,

 

balse sifada ay ku kala xulanayaan ayaa kala duwan. Haddii shalay la saadaaliyay in Cabdullaahi Yuusuf xulanayo raysulwasaare saameyn leh oo Hawiye ka xigsan kara

 

Maanta Madaxtooyada Soomaaliya waxay raadineysaa raysulwasaare maqaarsaar ah oo aan laheyn han siyaasadeed,Isla markaana aan  xidhiidh la laheyn beesha uu matalo, xilkana u arka hadiyad uu Farmaajo ugu deeqay oo ay tahay in uu aad u ilaashado.


In kaste oo shalay iyo maanta ay kala duruufo duwan yihiin oo ay dowladnimada Soomaaliya hanaqaadday, haddana maanta waa dib-u-dhac iyo niyadjab in halkii shalay raysulwasaare loo saadaalinayay nin adag oo jiiri kara caqabadihii adkaa ee hor yaallay dowladnimada, ay 15 sano kadib Madaxtooyadu maanta baadigoobeyso qof jilicsan oo ay ugu adeegato sidii Xasan Cali Kheyrre.


Balse waynu Arki doonaa Hadii uu soo Xulo Raiisul wasaare leh Miisaankii iyo Kartidi Xasan Cali Khayre

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...