Baraaruga Shacbigu waa Rejo iftiintay !

0
Thursday July 30, 2020 - 09:42:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baraaruga Shacbigu waa Rejo iftiintay !

    Waa in lagu Qasbo inay Qiimo-dhimis sameeyaan Shirkadaha Korontada ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa in lagu Qasbo inay Qiimo-dhimis sameeyaan Shirkadaha Korontada ...

, Raashinka, Daawooyinka, Jaamacadaha iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahay !


Asalaamu Calaykum



Marka hore waxaan soo dhawaynayaa oo aan Hambalyaynayaa Dadweynaha reer Somaliland ee ku baraarugay sidii ay iskaga dhicin lahaayeen Ganacsatada dhiigyacabada ah ee aan ka naxaynin Ummadooda la daalaa-dhacaysa duruufaha dhaqaale ee Dalka ka jira, waxaanan ku baraarujinayaa Dadweynaha inay iyaga oo isku duuban ay Culays ku saaraan ganacsatada si ay u dhimaan Ascaarta miciishada kala duwan ee cirka isku shareertay, waxaan sidoo kale Hambaylaynayaa Shirkadaha Taleefanada ee dhagaha u furay Cabashada Ummada.


Waxay ahayd bishii January 2016 aniga oo ah Wasiir ku Xigeenka Ganacsiga, aan kulan isagu yeelanay Shirkadihii Laydhka ee markaas jiray oo kala ahaa  KAAH, ALEEL, TELESOM IYO GAAFANE.


Xiligaas Wasiirka Wasaarada oo la odhan jiray Muuse Qaasim waxa uu hawl shaqo ugu maqnas Dalka Jabuuti isaga iyo Wasiirkii Macdanta ee waagaas Xuseen Ducaale.


Hadaba ganacsatadaas Laydhka waxaan isugu daray Waano,Xadiis akhrin, Baryo iyo Hanjabaad aan dhinac walba wax ka tusay, waxaanan ka dalbanay inay qiimaha laydhka jebiyaan maadaama uu qiimaha Shidaalku aad u jabay wakhtigaas. Xiligaas waxa uu ahaa qiimaha halka unit  ahaa hal doolar $1.


Kulankaas oo ay ila joogeen Madaxdii Wasaarada qaarkeed sida Agaasimo waaxyeedyo ay ka mid ahaayeen Aadan Dhagax, Maxamed Haybe, Maxamed Saleebaan iyo xubno kale waxay Shirkadihii nala qaateen inay jabiyaan qiimaha laakiin aanu siino laba Cisho oo ay ku soo shiraan.  Waxaanay aakhirkii ku shireen hudheelka Hadhwanaag ee Hargeysa iyaga oo go'aamiyay inay 79 Centi ka dhigaan Unitkii inkastoo aanu ka dalbanay inay 0.50 ka dhigaan.


Talaabadaasi waxay keentay in Maalmo gudahood ay Shirkadihii Gobolada Dalka joogay oo dhammi ay qiimihii dhibaan, waxa iyana isla maalmihiiba qiimihii dhimay Shirkadaha Korantada ee Puntland.


Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada kala duwan ee Korontada, iyo kuwa Raashinka iyo Dawooyinka soo dejiya iyo Laamaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay inay Ummadooda hoos u eegaan oo ay qiimaha jabiyaan.


Xukuumadana waxaa looga baahan yahay inay Ganacsatada ku Qasabto inay Ummada u Naxaan oo aanay dhiig-miiran, waxaana muhiim.ah inaanay khalad ka fahmin Nadaamkeena dhiirri geliya suuqa Xorta ah, balse Xukuumadu ay Xaq u leedahay inay farogelin karto Ganacsatada dhiig-miiratada noqota.


Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga, Qorshaynta iyo Arrimaha Debada.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...