Gees Iyo Ilaa Gees, Gobol Gobol Kolay Tahay, Guuri Waa Qabiilkiye, Guriguri U Baadhoo
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.C.W.R.B)
WAXAN SALAAN KHAASA U SOO DIRAYAA BAHDA H/W,
IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
GURMADIYO DAGAAL GELI,GUMAAD GAWRACIYO DILA,
GARBADUUB XIDHIYO GODOB,GEESI LOOGU YEEDHDO,
GARDARO GARAB LA SIIYIYO,GARTA EEXDA LOO NAQO,
GUURTI BEENA LAMA GALO,GUDONKEDNA LAMA FURO,
GARAAD RUUX LA BIDAYO,XILWEYN GUUDKA SAARTOO,
GEFAYOO OGSOONOON,GUDANAHAYN WAAJIBAADKII,
GO.ANKEDA MEEL YAAL,GEESNABA LOOGA BAYDHAYN,
GUNIMADA ADUUNYADAN,GODKA AAKHIRONA NAAR,
DOORASHAA LA GELAYA,NABAD HADDII KU GAADHAN,
GEES IYO ILAA GEES,GOBOL GOBOL KOLAY TAHAY,
GUURI WAA QABIILKIYE,GURI GURI U BAADHOO,
GARASHIYO AQOONIYO,XAARAAN QAAR KA GAABSADA,
GABADOO LA DHUUNTOO,GUULAHEN KA MAGAN GALA,
GARANAAYA DIINTANA,DANTA GUUD WIXII HADHAY,
LAGU GAADHI KARAYON,GELINAN KU MADHIN XULA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!