Maalinta Carafo , Waa Maalinta Sinaanta , Caddalada , Walaaltinimada Aduunka

0
Thursday July 30, 2020 - 09:34:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Carafo , Waa Maalinta Sinaanta , Caddalada , Walaaltinimada Aduunka

    W/Q: Cali Maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Maxamed Biixi



Maanta waxa la taagan yahay CARAFA , dadkii xahka wada tegey oo dhami halkaas ayey isugu (buurta carafa) yimaadeen oo illaahay (jalla jalaaluhu) ku wada caabudayaan , rasuulkiisiina muxamed (snk) ahaatee wada dabagaleen .



Halkaas (carafo) ayey dhar qudhana ka wada siman yihiin , midab kasta oo ay kala lahaayeenna , ama af kasta oo ay ku kala duwanaayeenba , ama jinsiyad kasta oo ay ka soo kala jeedeenba , (kuligood waxay wada leeyihiin: labbayka al=lahumma labayk . labbayka laa shariika laka labbay ....) . maalinta carafa , dadku ma kala laha ( kanaa boqor ah , kanaa madaxweyne ah , kanaa amiir ah , kanaa taajir ah , kabaa faqiir ah , kanaa nin ah iyo tanaa dumar ah ) , kanaa madaw , kanaa cad , iyo kanaa cas toona ) .


Dadku maalinta carafo way wada siman yihiin ,


miyaanay ahayn arin layaab leh oo wax laga barto ?


waxna lagu qaato ?


14 qarni ka hor ayey diinteenna islaamka ah ee suubani siday inoo sheegtay , oo tidhi (cid cid ka saraysaa ma jirto , cid cid kale ka fadli badani ma jirto , ee waxa qudha ee lagu kala sareeyaa waa taqwada ilaahay ) ,


Qawaaniintan iyo shuruucdan iminka ummadaha kale samaysteen , ammadda muslimka ahi muddo dheer ka hor ayey ku dhaqmaysay .


Diinta islaamku qofka banii aadamka ah , way qiimaysay , waanay karaamaysay , xuquuqdiisana way sugtay .


Laakiin maanta waxa dunida muslimka ka jira dhibaatooyin fara badan oo dulmigu ka mid yahay (adoonsi , dagaalo,jahli , faqri ,xagjirnimo aan islaamnimo ahayn ) .


Dunida muslimka waxa soo martay sinaan badan iyo hoggaamiye yaal badan oo kala duwan , oo qaarkood kurdi ahaayeen sida (salaax al-diin al-ayuubi) , nuuradiin al-turkumaani , qudus al-mamluuki , maxamed al-faatix iyo qaar kale oo badan .


Maalinta CARAFO na waa ka markhaati , in diinta islaamka dadku wada siman yihiin .


Hadaba maalinta carafo , maxaynu wax uga baran weynay ?


Maxaynu ugu dhaqmi weynay sidaas oo kale ?


Maxaynu wax uga qaadan weynay ?


Duruusta badan ee ay leedahay maalinta carafo maxaynu ugu dhaqmi weynay ?


Maxay dadku carafo ugu dhoofaan , haddii aanay waxba ka soo baranayn ?


Hadaba haddii aad carafo istaagtay oo aanad waxba ka soo baran , hadday tahay dhinaca akhlaaqdaada ama dhinaca dhaqankaaga , ama dhinaca caqligaaga iyo garaadkaaga , waa kuu ayaan darro .


Haddii aanay maalinta carafo noloshaada wax ka bedelin , waxaad tahay qof indha'la , oo dhego'la ,oo weliba qalbiga iyo caqliguba xidhan yihiin .


Maalinta carafo , waa maalin duruus badan xanbaarsan , ee wax ka baro . ilaahayna ka bari inuu ku fahan siiyo .


Illaahayna jalla jalaalihu dadka muslimiinta ah , haka aqbalo xajkooda (aaamiin)

Xaj mabruur wasacyin mashkuur .


WA CIID MUBAARAK ,WA KULLU CAAM WA ANTUM BIKHAYB

W/Q: Cali Maxamed Biixi


[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...