Xayndaabka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Halaga Fogeeyo shakhsiyaadka Musuqa Iyo Fowdada

0
Wednesday April 17, 2019 - 09:21:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayndaabka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Halaga Fogeeyo shakhsiyaadka Musuqa Iyo Fowdada

    Aan Xuduuda Lahayn Ku Si Foobey Madaxda Sarefar Baa Ku Godan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aan Xuduuda Lahayn Ku Si Foobey Madaxda Sarefar Baa Ku Godan.
Qarnigu waa kii 21aad is bedelada dunida ka dhacaya ayaa kuwo is rogrog iyo caajiyib badan. Madaxweyne Muuse Biixi " BERRI MAANTA KA WANAAGSAN"
Waxaan qalinka u qaatay in caqliga wanaagsani shaqeeyo in qabyaalada qaranimada mid kasta booskeeda la dhigo, In boobka xaraanta iyo dhaca hantida qaranka la joojiyo lagan bilaabo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, sida Beyle Xamar u dhisay loo dhiso, in la joojiyo dhaawaca iyo dhiig baxa qarranka iyo hagar daamooyinka guda ee dowlada dhexdeeda ka dhacaya waxaa kow ka ah, isla xisaabtan, shalay maanta iyo beri ku dhisan, haddaba Mudane Madaxweyne, Mudane Wasiir, Mudane Madaxweyne K/Xigeen, Mudane Agaasime Guud "waxaad ku jirtaa cahdi iyo dhaar" hadaad xil qarran nasiib u hesho jooji. dhagaraha qaranka ee ay u daran tahay musuqmaasuq (Corruption = M + D - A):" Corruption equals monopoly plus discretion minus accountability." lunsi hanti qarran, eeg shaqaalihii iyo xubnihii shalay ku sifoobey ee boobay hantida qaranka diiwaankooda haday Wasiirtahay haday, agaasime tahay, haday maamule tahay. "Trying to cover the sun with one finger" ma dhici karto in qoraxda hal far lagu qariyo. Wasaarada Horumarinta Maaliyadu waxaa hormuud u ah Laba waxood opo dakhli ururinta Waajibaadkoodu yahay Waa Kastamda iyo Cashuuraha Berriga Xeerarkooduna waa 72/2016 iyo 73/216, Wasiirku Markuu yimaado wuxuu xilala ku taxaa dad cusub oo ay ka Abaaniyeen Madax sarsare xildhibaano iyo ganacsato, dadkaas oo ay yar tahay inay lee yihiin Hunaan, Karti, Dedaadaal Daacdnimo iyo amaano, inta badan kuwo ugu musuqa badan ayaa la magacaabaa.. Shaqaalaha ku dhow dhow ama xaqiiqoo yinka jira waxay tilmaamaan in Wasiirkii hore ee Maaliyadu Yuusuf Mohamed Cabdi ahaa ugu yaraan shakhsi Shaqalaaha kala yaqaan waxaa lagu ma jiirtaa in uu Wasaaradda Maaliyadda ka qabtay qooroweyntii musuqmaasuqa iyo boobka kula baxay Baarqabada bilaa xuduuda ah iyo magacyada argagaxa. kuwaas oo laga dhex siibey xididadana loo saaray sannad ka hor markii xilkaas loo magacaabay Sarkaal muddo dheer WHM ka hawlgelayey, nasiib daro waxay soo miiraabeen Markii Wasiirkaas la bedeley oo masuuliyiin cusub la magacaabay oo qaar ka mid aha shakhsiyaad la soo shaqeeyey laba Wasiir oo ka mid ahaa kuwii taariikhda ama rikoodhka musuqa eexda iyo boobka iyo fowdada Qaranka qaaday,una baahan in Wasaaradda Maaliyada in hogaamin iyo hanaan noocaas ahi aanu ku soo noqon, ku waas oo aad moodo inay dalkaba cadow ku yihiin. Waxaad ka arki kartaa cashuuraha Berriga oo 11 Sano Madaxdii joogtey ee sida gafana ku mamatay in dib boodhka looga jafay, goobo Kastamada ah, qaarkood masuuliyiin madaxtooyada ku dhow ayaa daba ka riixaysa, Wasiir Sacad Cali Shirena maaha Wasiir ku maqan aam u jeedda inuu ogaado horta yaa musuq maasuq galay (XERO BAHAL KU JIRO XOOLO KUMA DHAQMAAN) waxaad moodaa inuu shirar xaflad ku mashquulay oo nuxurkii shaqadiisiiba dad kale iska wataan. Waxaa jira saraakiil sarsare oo iska dhiga dad nadiif ka ah fusuqa balse haddii dib loo baadho xiliyadii ay xilalka hayeen ahaa ila danayso oo Madaxweynaha been loo rijiyey ama museeyey ah.


Waa in dib loogu noqdo Diiwaanka musuqa Wasaarada Horumarinta Maaliyadda oo shakhsiyaadka Musuqa ku suntani aanay hawaysan xil iyo inay shaqada sii joogaan. Waa in Bedelada lagu sameeyo tallo loo dhan yahay oo qofka shaqada qaranka ku wanaagsan aan eex iyo qaraabo kiil lagu caydhsan, waa in la joojiyo bedelada badan si Qorshaha Maaraynta Maaliyadu(PFM) u taabo Qaado..... Waxaan soo jeedinayaa in waax kastaa oo Dakhli dib loo eego masuuliyiinta ugu musuqa badan oo calal aqal top tenka/Tobanka ugu horeeya loo taago Kaadhka cas. oo aanay dib usoo noolaan. Waxaan ku soo gebogebaynaa Gudin yahay imaad goyseen hadaan badhkay kugu jirin Mudane Madaxweyne la soco Talaabooyinka ka jira Wasaaradda horumarinta maaliyada iyo Isbedelada masuuliyiinta illaha dakhliga lagu sameeyo " WADAANTA ISHA KA XUMAATAA FAYLKA AYAY LA TAGTAA"
Tallo:-
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda maaha goob xigto iyo qabiil gaara lagu ururriyo, inaadeerkaa, saxiibkaa, mid aad isku jaalle tihiin, xooxaysi, waa tuubadii nolosha ee qarranka, Wasiir, Agaasime, kadaa kooxaysiga iyo inta kooban ee aad taqaano, qarranka Ku xulo Aaminaad Aqoon, Karti, Hufnaan iyo Xalaal quudashanimo, ka dheerow Nin Suldaan, Wasiir iyo Xiul dhibaan wado. ufur malaf Dadka ku sifoobey musuqa iyo tuugada qaranka ee la yaqaano hantidooda si ay xil uga caagaan haddii kale boobka qaranka ayaa lagu beretamayaa. Waxaas aynu soo tilmaanay oo dhami waa masuuliyada saaran madaxda sare.

Wa billahi tawfiiq
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...