Wasaaradda Deegaanka Oo Ka Hadashay Wiil Sawir Ku Galay Buurta Daallo

0
Wednesday July 29, 2020 - 15:28:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 5022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Deegaanka Oo Ka Hadashay Wiil Sawir Ku Galay Buurta Daallo

    Wasaaradda Deegaanka Oo Ka Hadashay Wiil Sawir Ku Galay Buurta Daallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Deegaanka Oo Ka Hadashay Wiil Sawir Ku Galay Buurta Daallo

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ka hadashay Wiil dhalinyaro ah oo naftiisa khatar geliyay, Kadib markii Wiilkaasi uu sawir ku soo galay geed ka lusha Jar dheer oo ku yaalla buurta Daallo ee gobolka Sanaag.


Sawirka uu Wiilkan dhalinyaradda ah oo todobaadkan si weyn la iskula dhex wareegayay baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka ayay dad weynuhu intooda badan ku tilmaamayeen in uu naftiisa halis geliyay.


Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo maanta warbaahinta kula hadashay xafiiskeedda ayaa wax aad looga naxo ku tilmaantay ficilka uu wiilkaasi ku kacay.

"Halkan waxaan doonnayaa inaan ka iftiimiyo dhacdo ka dhacday gobolka Sanaag, gaar ahaan Buurta Daallo, dhinaca laagga wayn halkaas oo Wiil dhalinyarro ahi uu sawir ku galay jarka dheer Geed ku yaalla. Sawirkaas oo Wiilkaas dhalinyaradda ahi uu soo geliyay Barraha bulshaddu ku wada xidhiidho, ka wasaarad ahaanna aad baannu uga naxnay markii aannu aragnay sawirkaas, waxa jira Buurro fara badan oo dadku tagaan.

Waa qof u badheedhay innuu naftiisa dilo, annagu uma aragno qof maskaxdiisu caaddi tahay innuu halkaas u badheedho oo dhalinyaradda kalenna tuso inay isaga u suurto-gashay oo uu weliba sawir ku soo galay. Dhacdadaasi waxay ahayd mid foolxun oo laga wada naxay, wasaaradda deegaanku meelkasta ma ilaalin karto, laakiin dadku inay is ilaaliyaan oo naftoodda ilaaliyaan ayaa loo baahan yahay, waa inaad ogaataa khatarta kaaga iman karta jarkaas dheer oo dhulka u jira ilaa 2,000 feet, dhalinyaradduna inay ku daydaan maaha waa arrin khatar oo naftaaddu halis ku geli karto, wasaarad ahaanna wixii waajibkayaga ah waanu ka gudanaynaa." Ayuu Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...