Suuqa Korontadu Xor Maaha

0
Wednesday July 29, 2020 - 14:20:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Korontadu Xor Maaha

    Qalinkii. CabdiRaxmaan Tarrabi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii. CabdiRaxmaan Tarrabi

Qodabada 11 ee dastuurka & 3 ee Xeerka Tamarta, xeer Lr. 81/ 2018, wuxuu mamnuucayaa in korontada cid gaar ah loo xidho.

 

Xeerka tamartu qodobkiisa 3aad wuxuu dawladda & shirkadaha korontada ba farayàa in kor loo qaado adeega xuquuqda macmiisha ilaalinaya, wuxuu hoosta ka xariiqayaa inay macmiishu xaq u leeyihiin in korontada ka soo gashadaan ruqsadlaha ay doonan.

 

Xeerka tamartu wuxuu shirkadaha & macaamiishu ku dhiiri galinayaa inay korontada ku kala iibsadaan qiimo macquul ah oo tartan furan ah, kuna salaysan cadaalad, macaamiishuna u siman yihiin.

 

Si loo koriyo shirkadaha korontada wuxuu ilaaliyay xuquuqda shirkadaha, wuxuu xeerku awood u siiyay inay isticmaali karaan hantida guud & ta gaarka loo leeyahay ee shaqadooda looga maarmi waayay, dawladu waa inay u fududaysaa.

 

Qodobka 24aad ee Xeerka tamartu wuxuu reebayaa dhaqan aad u xun oo shirkadaha korontadu bulshada ku hayaan, qof guri kiraystay ayaa loo diidayaa in loo soo galiyo dabka sabab macmiilkii horaa lacag lagu lahaa, xaqna looguma laha macmiilka cusub.

 

Haddaba, shikadaha korontada intooda badani waxay ku dhaqmaan ficilo baalmarsan xeerka tamarta, qiimuhu maaha macquul, qiimaha waxa jaangooya duruufaha ku xeeran suuqa, sida qiimo dhaca ama korodha shiidaalaka, u wareegida tamarta kaydsan oo qiimihii hore wax ka bedelaysa, intaas oo is bedeshay qiimihii dabka ee shirkadaha qaarkood waxba iskama bedelin.

 

Hargaysa xaafadaheeda shirkaduhu iskuma wareegaan, tani waxay ka hor imanaysaa xuquuqdii uu xeerku siiyay macmiilka inuu dabka ka gashan karo shirkaduu dantiisa ka dhex arko, waxay ka hor imanaysaa suuqii xorta ahaa & tartankii furnaa, hadaad shirkada xaafadiina joogta is qabataan waa inaad dab la'aataa.

 

Shirkadaha korontada intooda badani waxay sameeyaan dulmi, haddii qofka saacadiisu ku soo qorto 7$ shirkadu waxay kaa qaadaysaa 10$ xeerkan iyagaa dejistay, haddii saacadaadu kugu soo qorto 100$ shilin kaama daynayso.

 

Suuqa korontada waa lagu halaagsamay.

 

Qalinkii. CabdiRaxmaan Tarrabi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...