Sompower Waxay Isticmashaa Hantidii Shacabka

0
Wednesday July 29, 2020 - 14:11:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sompower Waxay Isticmashaa Hantidii Shacabka

    Abdirahman Hassan Waayeel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abdirahman Hassan Waayeel

Mashruucii ugu balaadhnaa ee laga fuliyo Hargeisa xiligii dawladdii madaxweyne Cigaal AHN iyo daahir Rayaale waxa uu ahaa mashruucii #warshadda_laydhka_ee_Hargeisa.

Mashruucaas waxaa ku baxay hanti iyo dhaqaale aad u faro badan marka aad eegto;

-dhismihii warshadda iyo mashiinaddii waaweynaa.

-Transformaradii dab dhaliyayaasha ahaa ee la dhigay jidadka iyo xaafadaha Hargeisa

- Dhismayaashii loo dhisay transformerskaas.

- Sabadihii dhaadheeraa ee dhamaan jidadka Hargeisa barbar yaacayey.

- Xadhkii xooganaa ee dabka qaadayey.

Dhamaan hantidaasi waxay si fudud gacantooda u gashay shirkadda adeega laydhka Hargeisa monopolyga ku haysata ee #Sompower.

 

Iyadoo hantidaa shacabku leeyahay isticmaalaysa, shirkadaasi waxay hadana halkii unit kaga iibisaa $0.63 waana qiimaha dunida ugu qaalisan ee adeegan lagu iibiyo.

Sidoo kale shirkadani waxay isticmaashaa mashruuc #Solar_energy ah oo dunida kale inoogu deeqday.

Waxaa waxwalba ka sii daran waxay shirkadani isticmaashaa nooc saacadaha laydhka ah oo xawaaraha ay jarayaan sareeyo mana aqbalaan noocyadda kale ee saacadaha.

Hadaba, Shacabku waa inay si uun uga tashadaan shirkadan.

 

Xigasho Abdirahman Hassan Waayeel


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...