Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia - ma Garnaqsi baa mise waa Masaalaxo?

0
Wednesday April 17, 2019 - 09:07:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia - ma Garnaqsi baa mise waa Masaalaxo?

    Bishan April 4teedii 2019, ayaa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishan April 4teedii 2019, ayaa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland, Maxamed Cabdillahi Cumar, kaga baaqay Institute-ka Chatham House ee London ku yaal in ay Somaliland hesho meel ay ku garnaqsato.

Waa hal daw ah, laakiin falanqayn baaka furan, inagoo caawimo bidi doona sida loo qeexoerayadawadahadal iyo garnaqsi.



Wada-hadal waa is-dhaafsi fekrado iyo tibaaxo iyadoo la isu hor fadhiyo fool-ka-fool, kuna dambaysa tafaawud (negotiation); oo ah dariiqo ku hagi karta wada-hadalka heshiis. Muranka ka dhex-aloosan labo dhinac ee mufaawadadda ku jira, waxa laga samayn karaamasaalaxo (conciliation), taas oo ah in dhinac 3aad u fudaydiyo isku soodhowaynta labada dhinac ilaa inta lagagaadhayoheshiis labada dhinacba ku raali yihiin.Dariiqada noocan ahi ma laha sifo sharci ah oo maxkamadeed.


Waxa iyana Jirta dariiqo labaad oo loogu yeedhi karo "kala-saarid",arbitration, taas oo loo baahan yahay in uu marka hore jiray heshiis sharci ahi (legally binding agreement) oo u dhexeeyey labodhinac. Waxa dariiqadan aad u adeegsada nooca maxkamadaha loo yaqaan "tribunals-ka". Go'aanka ay ridaana, dabcan, racfaan waa ka furan yahay.


Ta saddexaad-na waa dariiqada "garnaqsiga",taas oo ah in daraf kastaa u soo bandhigo maxkamadda caddaymo la taaban karo iyo markhaatiyo taageeraya dooddiisa ama dedafayntiisa, oo ku aaddan muranka markaa taagan. Go'aanka ka soo baxaana waa gartii-oo-la-naqay (adjudication).


Haddaba marka aad raacdo eray-bixintaa kore, wada-hadalada u dhexeeya Somalilandiyo Somalia:


(1) Ma noqon karaan garnaqsi ilayn Somaliland ma aha dal la aqoonsan yahay oo caalamka ku leh is-ahaansho sharci ah (persona juidico). Haddii taasi jirto mar hore ayey Somaliland arrinka hor dhigi lahayd maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.


(2) Mana noqon kartokala-saarid (arbitration), ilayn Somaliland iyo Somalia, ma jiro heshiis ama cahdi ay wada-galeen oo la yaqaanaaye.


Waxa ay isugu soo dhuran in dariiqadda keliya ee suuragal ah ee furani tahay "wada-hadal iyo mufaawdo", beesha caalamakuna ku garab-gasho, masaalaxana ka dhex samayso, waana sidaas sida beesha caalamku ku talisay, madaxda Somaliland-na ku qanacday. Ha ka didin musaalaxah diintaa ina fartay.

Ex-wasiir Maxamed Cabdillahi Cumar wuu garanayaa, waa se ogaan garab mar. Alloow sahal amuuraha.


Wa Bilahi Towfiiq

Maxamauud Cabdillahi Axmed

London, UK

[email protected]

16/04/2019

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...