Dalka Jabuuti Oo Noqday Shirkad Qoyska Ismaaciil Ku Shaqaysto, Shirkadaha Ay Leeyihiin Iyo Muuse Biixi Oo Dariiqa Geelle Haya

0
Monday July 27, 2020 - 19:13:03 in News by
  • Visits: 3362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dalka Jabuuti Oo Noqday Shirkad Qoyska Ismaaciil Ku Shaqaysto, Shirkadaha Ay Leeyihiin Iyo Muuse Biixi Oo Dariiqa Geelle Haya

    Dalka Jabuuti Oo Noqday Shirkad Qoyska Ismaaciil Ku Shaqaysto, Shirkadaha Ay Leeyihiin Iyo Muuse Biixi Oo Dariiqa Geelle Haya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Jabuuti Oo Noqday Shirkad Qoyska Ismaaciil Ku Shaqaysto, Shirkadaha Ay Leeyihiin Iyo Muuse Biixi Oo Dariiqa Geelle Haya

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mudo 20 sanadood ah oo uu hayey xukunka dalkaasi waxa uu ka dhigay shirkad si gaar ah ugu adeegta isaga iyo qoyskiisa.

Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geele | Somalidiasporanews.com


Madaxweyne Geelle ayaa goobaha dakhliga iyo awoodaha ugu sareeya ee dalka ku taxay xubno ka soo jeeda qoyskiisa isaga oo si gaar ahna diirada u saaray in caruurtiisu ay macaash badan ku helaan awooda dawladnimo ee uu gacanta ku hayo.


Madaxweynaha somaliland ayaa dhankiisa raacaya dariiqa uu jeexay Ismaaciil Cumar Geelle isaga oo ku hawlan sidii ay qoyskiisu uga faa,iidaysan lahaayeen awooda dawladnimo ee uu hayo isaga oo u samaynaya ganacsiyo waa weyn oo uu ilaa hada ka hawlan yahay.


Hadaba halkan hoose ka akhriso sida uu Madaxweynaha Jabuuti qoyskiisa ugu gacan galiyey awoodii dhaqaale ee dalka.


1.Ismaaciil Cumar Geele-Wuxuu Madaxwaynaha dalka ahaa ilaa 1999 kii.


2.Khadra Xayd Xaaska Madaxwaynahu waxay gaar u leedahay Shirkado Ganacsi,waxaanay Saamayn Togan ku leedahay Talada dalka.


3.Sacad Cumar Geele waa Madaxweynaha Walaalkii waxaanu la wareegay goobta koowaad ee dakhliga dalku ka soo baxo waana maamulaha guud ee dekeda jabuuti.


4.Caynaanshe Ismaaciil Cumar Geele waa Madaxwaynaha inankiisa waxaanu Kooto u haystaa Soo dajinta Caanaha.


5.Liibaan Ismaaciil Cumar Geele waa madaxweynaha curadkiisa waxaanu haystaa warshada baastada.


6.Naguud Kaamil waa wiil ay nin hore u dhashay dhashay Marwo Khadra Xayd waana Xoghayaha Raysal wasaaraha.


7.Jaamac Cilmi cokiye waxa sodog u ah madaxweynaha waxaanu qabaa Haybado Ismaaciil Cumar Geele waana Wasiirka Caafimaadka jabuuti.


8.Faadumo Cawo Ismaaciil Cumar Geele ninkeeda Tomi oo u dhashay Dalka Ivory Coast waxa uu leeyahay Shirkada Duulimaadyada ah.


9.Jaamac Cali Geele,waa madaxweynaha inaadeerkii waxaanu haystaa hay’adda labaad ee ugu dakhliga badan oo ah wakaalada korontada.


10. CabdiqaadirKaamil waa raysal wasaaraha Jabuuti oo qaba madaxweynaha inaadeertii oo uu xilka ku helay.


11. Xasan Cali Bahdoon waxa uu xil sare ka hayaa dawlada waana ninka qabo inanta ay Khadra Xayd u dhashay ninkii hore.


12. Almis Maxamuud Xayd waxay walaalo yihiin marwada madaxweynaha waana maamulaha hay’adda duulimaadyada oo ah tan sadexaad ee ugu dakhliga badan dalka.


13. Geele Cumar Geele waa Maamulaha Xidhiidhka Arimaha dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah waana wiil ay walaalo yihiin madaxweynaha.


14. Xasan Siciid Madoobe Waa Taliya Sirdoonka waana qaraabada Madaxwaynaha.


15. Janaraal Sekeriye Ibraahin waa Taliyaha Ciidamada waana qaraabada Madaxwaynaha.


16. Maxamed Jaamac waa taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada,waana qaraabada madaxwaynaha.


Kuwaas iyo kuwo kale oo Tiro badan ayaa isku xeeray ilaha dakhli iyo xilalka dawlada,halka inta badan dadka reer jabuuti ay dayacan yihiin lana deris yihiin duruufo dhaqaale oo ay u dheer tahay xadhig,cabudhin iyo caga juglayn ay dawladu ku hayso.



Waxa Diyaariyey Suxufi Maxamed Muuse Sakaaro
Loading...
Loading...