Turkiga Oo Wada Xeelad Uu Kaga Badbaado Cunoqabateyn Maraykanku Ku Soo Rogo
WASHINGTON (HWN) — Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in maamulka Madaxweyne Donald Trump aanu cunaqabateynin Turkiga haddii ay
Shiidaalka ka soo qaataan Iiraan iyo
isla markaana hub ka soo iibsadaan Ruushka.
Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Mr. Ibrahim Kalin ayaa sheegay inaanu filaynin in Maraykanku uu cunaqabateeyo Turkiga, hase ahaatee ay diyaarsadeen qorshe adag oo ay arrintaas ku wajahayaan haddii ay dhacdo.
Dawladda Turkiga ayaa sawaariikhda S-400 ka iibsatay dalka Ruushka, taasina waxay sababtay in xiisadi soo kala dhex gasho cilaaqaadkii Maraykanka iyo Turkiga.
Turkiga ayaa doonaya inuu shiidaal ka soo iibsado Iiraan bisha dambe, waxaanay wadaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ay doonayaan inay kaga badbaadaan cunaqabateyn Maraykanku ku soo rogo.
Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...