Muranka Ethiopia iyo Masar 27/7/20

0
Monday July 27, 2020 - 18:13:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muranka Ethiopia iyo Masar 27/7/20

    By: Khadar Adam Aw Muuse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By: Khadar Adam Aw Muuse

Qaybintii gumaystayaashu qaybiyeen Africa  1880kii waxay qaarada ku soo kordhisay iska horimaado (conflict ) isla waqtigaana Masar waxaa qabsaday Britain sanadkii 1882kii ,Ethiopiana waxay la dagaalantay Italianiga kuna jabisay goobta laiyaadhaa Adwa 1896kii.waxayna noqotay dalka kaliya ee Afrikaankaa ee xafitay madax banaanidiisii. Gumaystayaashiina waxay abuureen dalal badan oo ku xeeran wabiga Nile sida (Eritrea, Uganda, Rwanda,Burundi, Kenya, iyo Tanganika) ,waxyna u diyaariyeen tartan dhinaca khayraadka dabiicigaa iyo goboladooda.



Sikastaba ha ahaatee, Masar nolasheedu waxay ku tiirsan tahay  biyaha wabiga Nile ,waayo, waxay u badantahay dhul beereed , dhamaystirkii la dhamays tiray Suez Canal  sanadkii 1896kii. Masar waxay awooday in ay hesho dariiq bada cas, iyo badwaynta Hindiya, gacan kuhaynta Britishka aweed Masar waxay kasbatay macaash badan oo baayacmushtri oo ilaa Hindiya ,gumaysiga fransiisku isna waxa uu dariiq u helay dalka  Indochina  kuwaas oo ah lagumaystayaal macaash badan.


Qarnigii 19aad  Masar waxay noqotay furaha khayraadka dalaka Asian ,inkastoo Masar wali ku tiirsan tahay Nile ,gacan ku hyanta khayraadka wabiga Nile na waxa uu noqday hadalka ugu way ee gumaystayaasha, fransiiska iyo Britain waxay si aad ah ugu tartameen (Nile basin) saandkii 1898kii goobta Fashoda, isla sandkaa 1899kii labada gumaystayaal waxay gaadheen heshiis in fransiisku la wareego wabiga  Congo,England ay lahato (white Nile) niilka cad,


Dhacdadii Fashoda waxay darensiisay in dalal badan oo yaryar oo yurubiyanii ay fahmaan wabiga Nile, waxayna ogaadeen in biyaha wabigu ka yimaadaan (equatorial lakes) Britain waxay waqti badan iyo tamar  ku lumisay  sidii ay u kordhin lahayd biyo dhaca Nile ka cada .


Waxaanu noqday mashruuca ugu qaalisan Africa ,sandkii markii 1984 kii ay soo baxeeday jabhada (Sudan people’s Liberation Army ) oo aha dadkii deegaan ahaan u noolaa niilka sare (indigenous) kadib markii uu dhamaystirmay 300 mile Jonglei Canal uu dhamaystirmay ,kaas oo qaadayey 4 billion cubic meters biyaha  niilka cad ah,


Sandkii 1959kii heshiiskii u dhaxeeyey Masar iyo Sudan wuu dhamaystirmay ka hor itii aanay dallka ku yaala Nile ka sare aanay qaadanin xoriyadoodii,


heshiiskaasi waa kale oo uu Masar u ogolaanyaa dhisida biyo xidheenka (Aswan High Dam) kaas oo dhamaystirmay sandkii 1971 dii, waxaa kale oo sandkii 1966kii dhamaystirmay (Roseires Dam) oo dhaca Nile ka blue ,waxaa kale oo dhamaystirmay (Khashma al Girba Dam ,waxaanu dhamaystirmay 1964kii , oo dhacan Atbara  Sudan ,


Heshiiskana waxa uu saamayn taban ku yeeshay dalalka Nile ka sare dhaca,kaas siinaaya dhiirin madaxwaynahii Nyerere kadib markii loo magacaabay madxwaynaha Tanzania’s madaxwayanhii ugu horeeye ,waxaanu ku adkaystay in gumaystayaashii hore heshiisyadoodii aanay noo ahaanayn qaar aanu ku siijirno, kuwaas oo aanu iyaga la saxeexeen,,


Waxaa kale oo dhacday in Boqor haile Selassie uu dhaliilay madxwaynahii Masar in uu Ethiopia ka reebo heshiiska biyaha wabiga Nile, uuna qorshysto in uu dhiso Aswan Dam, taasina waxay sababtay in kala goaan kiniisadahii  Ethiopia Orthodox,iyo Orthodox  Alexandia, oo xidhiidh lahaa 1600 oo sandood in ay kala dhaqaan(divorced)   


Taasina waxay sababtay in madxwaynahiiMasar Nasser uu dhiirigaliyo muslimiintii Eritrea ee la midoobay Ethiopia dagaalkii labaad ka dib, in ay ka goaan Ethiopia,waxaa kale oo uu dhiiri galiyey muslimiintii somaalia in ay xorimadooda u dagaalamaan (Ethiopi’s Ogaden region)


Halkaas marka aymarayso ayaa Ethiopia waxay dagaal la gashay Somaliya  sanadahii 1977-78, waxayna xafidatay Ogaden ,waliba 30 sano  oo dagaal Eritrea ah ,xulafadii Masar waxa ku kaceen qiimo aad u wayn ,Haile Selassie na waa la afganbiyey sanadkii 1974tii, 1993kii Eritrea waxay ku guulaysatay in ay Ethiopia siiso xoriyadeedii ,intaa kadib Etoobiya waxay noqoatay dal bilaa bad ah ( landlocked country )


Badhtamhii sideedanaadkii 1980kii ,roobabkii buuralayda Ethiopia dib bay udhaceen waxayna sababeen biyo yaraan wabiga xagiisa hoose iyo xagiisa sareba, million Ethiopian waxay u dhinteen macaluul iyo abaaro uu sababay dagaalak daba dheeraaday ee Eritrea ,Masarna waxay hakisay oo ay wayday dhaqdhaqaaqii awoodii biyaha Aswan waxaanu u dhawaaday in uu xidhmo,  xili goosadkii waxsoosaarkuna  uu baabo,


Run ahaana,Masaridu waxay fahantay in biyo xidheenkeeda way nee Aswan Dam in aanu helay wax xal ah oo ah ku  tiirsanaanteeda ay ku tiirsan tahay biyaha Nile ka sare , sandkii 1987kii, sanadii  cadaawada ka dib ,madaxwaynayashii Mubaarik iyo Mengistu waxay bedeleen luuqadii hanjabaadaha iyo iska horimaadada waxayna ku bedeleen heshiin  iyo wada shaqayn,


Intaas kadib sandkii 1990kii Ethiopia roobabkeedii way soo noqdeen si aan la arag, madaxwaynahii waqtigaa Xusni Mubaarik waxa uu laban laabay dadaalkiisii ku aadanaa dhisida Toshka Canal,  kaas oo bilaabmay waqtigii maamulkii Sadat,kaas oo noqn lahha mashruuca ugu qaalisa aduunka ee gacan  waraabka, qorshahan waxa uu qaadanayaa 10% ,biyaha harada  Nasser ee galbeed Masar laga jeexay, taasina waxay kordhisay baahida biyaha Nile , iyagoo waliba ku dhegan siina wada 1959kii heshiiskii siinaayey 55billion cubic meters oo biyah Nile kaa ah,


Taana waxaa ka cadhooday oo diiday Ethiopia raysal wasaraheedii waqtigaa Meles Zenawi ,waxaanu yidhi  "waa maxay sababta ay Masar biyaha wabiga Nile ugu duwayso   dhulka saxarahaa dhul Akhdar ah (green ) beero ah , anagu Ethiopian baanu nahay waxaanu leenhay 85% biyaha wabiga Nile . taasi waxay inagu tahay doqoniimo in aynu isticmaali wayno kuna quudin wayno nafaheena” intaas kadibna waxa uu bilaabay qorsheeyeyna  biyo xidheenka (grand renaissance Dam)


Xeerarka caalamigaa ee biyhahuna ilaa hada may xalin la haanshah biyaha Nile ,heshiiskii Hesinki ee sandkii 1966kiina u soo jeediyey uun " in si cadaalad ah loo wadaago " (equitable share ) waxayna fikradaasi dib u soo cusboonaatay 1977 ,shirwaynahii umadaha midoobay ,hadana in si cadaalad ah loo wadoogo biyah Nile waxay dib u soo noolaatay sanadkii 1999kii markii dalka Nile Basin  ku xeeran ay isla gaadheen heshiis  ,laakiin qaraarkaasi muu xalinin shegashadii Masar iyo Sudan ee ahayd in leeyahiin xuqquq tariikhiya ,dalka Nile ka sarena ay leeyahiin in  si cadaalada ha loo wadago biyaha Nile,


Iyadoo taasi jirto ayaa 2010kii dallka Nile ka saree e kala ah Ethiopia, Kenya,Uganda,Rwanda, Burundiiyo  Tanzania , waxay kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo lagu raadinayo wadaagida biyah (water share) ,Masar iyo Sudan way diideen heshiiskaas maxaa yeelay waxa uu ka hor imanayaa xuquuqooda taariikhigaa ee biyaha Nile.


Gabogabadii

Ethiopia in ay diido heshiisyadii lagu dulmaayey biyaheeda iyo xaqa ay u leedahay in ay ka faaiidaysto ,waa mid ay caalamku arkaan waxbadan way soo dulqaadatay .dalalka geeska afrikcan waa in ay taladooda mideeyaan sidii ay u bedeli lahaayeen heshiisyadii gumaystayaashii u dejiyeen biyaha wabiga waayo somaalidu waxay tidhaahdaa " dheriba ninkii u dhow baa lafaha kala baxa”


By: Khadar Adam Aw Muuse

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...