Dulimigii Ma Raago, Beryahan Wuu Degdegaya, Anigoon Ku Diganaynkhaireba Ku Daawada.

0
Monday July 27, 2020 - 10:24:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulimigii Ma Raago, Beryahan Wuu Degdegaya, Anigoon Ku Diganaynkhaireba Ku Daawada.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.C.W.R.B)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.C.W.R.B)


WAXAN SALAAN KHAASA U SOO DIRAYAA,

BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-Dulimiga lagu heshiiyaa,Daahidiisa mooyee,

Dakharadu ku yeeliyo,Doogtisu kugu maqan,

Dunida ruuxa laga jaro,Isagay dantiis tahaye,

Dubayaasha aakhiro,Laysla doonayaa daran.

 

2-Daanshod xaragadiyo,Dinaxyaynta kibiree,

Danyartii bakhtiyayse,Dibirada la huruden,

Dadku wuxu u baahna,Aydaan dareemayn,

Daruraha la gaadhe,Hoosba looga degayaa.

 

3-Digasho ugama jeedee,Dunida iyo xaalkeede,

Duruus lagu  badhadho,Digniin bay inoo tahay.

Derskaaga kii dilay,wad kaa durugsan ma ahe,

Damiirku ha shaqeeyo,Dibna ha looga fiirsado.

 

4-Doorshada u socotan,Labadisi daaniyo dameer,

   Yaanay noqonine,Dooxda sida midhaha daray,

   Hana ku qaadan duuduub,Doorkan foojignado,

  Daadiyo kuwii hore,Dibnaba haygu soo celin.

              Ismail abdilahi handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...