Somaliya Oo Siduhu Shalay U Go'ay (Abdi-Shotaly).

0
Monday July 27, 2020 - 10:19:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Siduhu Shalay U Go'ay (Abdi-Shotaly).

    Qore:-Abdi-Shotaly

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:-Abdi-Shotaly

Maxay carartaa, waa curyaanoo, cago ma lahee. Illaah waa caadil, oo uma hiisho daalin, umnad daacad ah denbi waxshnimo ka galay. iyaka oo wax ay sameeyeen jirin, Weilba inta ay raasamaal-kooddii ( Waa Xornimo'e) ay walaalnimo iyo somali jacayl ku keeneen, iyaka oo aan dad ahayn  Koonfuri gacanta ka saaray, kuwii wax ka dhigay-na damcay in ay dusha kaga kaajaan, isuna qaateen in ay wax dheer yihiin, una bixiyey qaldaamiin, holandiis. na odhan jirey baabuur dhigo dheer, baa reer waqooyi ku yimi Xanar, ee ha na dhaafeen. Duulku waa wax aan dadnimo meel ka soo gelin, oo been iyo khiyaamo wax ay ku dhacaan mooyaane, aan diin iyo iimaan kale lahayne, waa ummad yar iyo weyn, dhedig, lab, caruur iyo ciroole mid-ba-midka kale ka daba wareegaayee, oo sidee baad baha-bahaa ugaga hoos baxdaa mooyee, aan farsamo daacad ah abid lagu arag. hadaad wax isku darsa-taana uba haysta in ay kaaga maroojin karaan xoog ama kaa qaadi karaan-ba. Illaah ha u naxariisto'e Tima-cade, waa kuwii uu ka gabyaayey ee uu lahaa " Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma'e" Weligood dawladi u dhismi-mayso, waayo koonfuri wax is Dhaama ma laha, is-mana qabtaan, mana heshiin karaan, ana waa farxadaydda oo burbur-koodda dan baa iigu jirta. wax inoo kala qarsoon baaba aan jirine.

 

Somaliya  baa mar kale afka u dhacday, oo siddii beed dhulka lagu dhuftay bash shalay tidhi.Waxa la yidhi "Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye" Maamulkii kan mareexaan ee cuqdadda qabaa, uu wax ku cuni jirey ee loo yaqaano " Somalia" baa shalay akhristaw uu siduhu si wacan ugu go'ay. ilayn waa baro uu dulmi fadhiyaaye sidee bay u degtaa?. Abid-kood-ba wax bay soo malmaluu-qaan aan cago ku taagnayn, oo ay maalmo ku sheekeeyaan wax dawlad ku magacaa-baan baanu somali u dhisnay, cishooyin markay ku xaw-xaw-sadaan, ee aduunka beentay ku dawersan jireen wax loogu tuuro, bay mar kale noqotaa " Qabyo waa halkeeddii " Back to square one" oo la isku qabasdaa magaaladda disha muuqa dadka ( Waxad u taqaanaan Muqdiso). Dabeed waxay u kala baxaan Hawiye, Daarood, iyo qaar kale oo sidda xoolaha la iskaga maamusho. kuwaas oo aan abid loo ogolayn in ay maamulka qabtaan. Bal la yaabka jira, iyaka oo sidaas isu cidhib tiraaya, oo xaal-koodu yahay " Allaw rey iyo Allaw roonaa" oo hogaanka loo ogol yahay oo keliya "Majeerteen, Ab-gaal,Murusade, Mareexaan"  Bay hadana ku doodaan waa " Waa maamul loo siman yahay" Ilayn waa wax ay beeni dhaqan u tahaye. Waxa intaas ka sii daran, oo aad la yaabaysaa, kuwa sidaas isu eryanaayaa, oo aan mar qudha saaxiga isla keenaynin. Waxay ku riyoodaan Reer Waqooyi" Baan rabnaa iyo wax ay ku sheegaan midnimo.Yaa u soo gelaaya yiciistan isku raran.

 

"Waxan ku soo xakameeyey maqaalkan, oo ay sheekadu u eeg tahay, dacawaddii intay casarkii yeelihii reerka caawa guuraaya ka cuntay, ku qososhay markii ay is yidhaaheen awrka rara. ilayn ma jiraan xadhko wax lagu raraaye. Waxa kaloo la yidhi " Laba bide beerka iska og" Waxan uga jeedaa Reer Waqooyi iyo dugaaga ay soo taba-bareen " Mafiyadda Talyaanigu" Waa koonfure, Sinaba uma wadda shaqayn karaan, wax ka dhexeeyaana ma jiraan, wixii khiyaaliga ahayaa ee Somali-weyn la odhan jirey-na haw fadhiyina. amuur-taasi way ku deysaye.  Sidaas oo ay isu haystaan, baa misana haddii Reer Waqooyi u yimaado, oo wax ku darsadaan-ba, ay kuligood meel uga soo wadda jeesanayaan, waana waxa keliya ee heshiis ku dhex mari karo, kuwa ku hirda-maaya "Koofuland" Taasina maaha wax dib u dhici Kara, in ay mar kale isu-tag iyo midnimo timaado, waayo wixii hore uga dhacay baa la oga. Maah-maah baa ahayd " Mar I dage Alle ha dago, laba jeer i dagana aniga hay dago" Weligiin yaanay wax idiin hagaagin, haddii aad rogmay-saan iyo haddii kale-ba, jiidh sanqadaa iiguma kiin yaalo, ee badda ku dhaca ilaa yoomal-diin, naxariisi inama dhex taalle.

* N.B Mar I Dage Alle Ha Dago, Laba Jeer I Dagana Aniga Ha Dago!

Qore:-Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...