Saami Qaybsi Xaq Ah Oo Sugan Baa La Rabaa.

0
Monday July 27, 2020 - 10:13:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Saami Qaybsi Xaq Ah Oo Sugan Baa La Rabaa.

    Waa qalinkii: Baxnaan xaaji aden diiriye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa qalinkii: Baxnaan xaaji aden diiriye

Sideedaba dadku  ama wax buu wada lahaadaa ama wax buu kala lahaadaa.Somaliland hadii la doonayo in wax la wada lahaado , waa in la helaa saami qaybsigii wax lagu wada lahaan lahaa.Anigu golayaasha wakiilada iyo guurtidaba waxan  hayaa min laba fikradood oo wax lagu wada lahaan karo.



Golaha wakiilada ee somaliland waa 82 xubnood .56 ka mida hada waxaa leh beesha dhexe 26 ka midana waxaa leh beelaha darafyada. Waa saami qaybsi xaqiiqda ka fog oon sinaba wax loogu wada lahaan karin. Hadaba si wax loo wada lahaado waa in labadan fikradood oo aad isugu dhow ama la odhan karo waaba isku mid ,mid la qaataa.fikirka hore waa in beesha dhexe qaadato 46 xubnood beelaha darafyaduna qaataan 36 xubnood . isku gayn waa wa 82 xubnood.


Fikirka labaad waa in beesha dhexe haysato 56 ka  xubnood ay hada haystaan beelaha darafyadana la siiyo  44 xubnood. Isu gayn waa :100 xubnood. Anigu shaqsiyan waxan raacsanahay ta hore aniga oo eegaya dhaqaalaha wadanka.


Guurtida waxan odhan lahaa  iyana in la qato labadan fikradood mid. Fikirka hore waa in guurtida la yareeyo oo tiradooda laga dhigo 42 xubnood . waa lixda gobol ee waaweyn ee somaliland oo la siiyo min 7 xubnood.


Fikirka labaad waa in golaha guurtida la fadhiisiyo salaadiintii iyo garaadadii soo jireenka ahaa oo ka ugu  yari tirsanayo ilaa 4 awoow ee aan aheyn kuwan gacan ku rimiska ah ee caano boodhaha lagu daadiyey.


Ugu danbayn waxan ku soo xidhayaa tixdan uu tiriyey abwaan ; axmed colaad.


Wuxu yidhi: lacagtiyo ladaadyada kursigu malaha liibaane

 labadaba rag badan baa ku lumay lahashadoodii.

Waa qalinkii: Baxnaan xaaji aden diiriye

                       Sweden.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...