Bayaan Ku Socda Baarlamaanka Somaliland

0
Sunday July 26, 2020 - 20:42:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayaan Ku Socda Baarlamaanka Somaliland

    Ururka Daami Youth Development Organization Somaliland minorities DYDO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Daami Youth Development Organization Somaliland minorities DYDO

ANSIXINTA QOODADA BEELAHA LAGA TIRO BADAN YAHAY IYO HAWEENKAEE GOOLAHA WAKIILADA IYO GOOLAYAASHA DEEGAANKA



Uurka Daami Youth Development Organization (DYDO)/UNSOM/HRPG

Waxaanu ugu baaqeynaa labada goole ee baarlamaanka Somaliland wakiilada iyo guurtidu iney ansixiyaan soo jeedinta qoondada kuraasta  beelaha laga tiro badan yahay iyo haweenka looga qoondeeyo goolayaasha baarlamaanka (Goolaha wakiilada) iyo goolayaasha dawladaha hoose ee doorashooyinka wakiilada iyo goolayaasha deeganka ee la filayo iney dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan 2020 sida ku cad heshiiskii sadexda xisbi qaran ee UCID, WADANI IYO KULMIYE.

 

Sida aynu la wada socono beelaha laga tiro badan yahay ee Somaliland wakiilo kuma laha goolayaasha la soo door to ee wakiilada iyo dawladaha hoose waxaana u sababa iyagoo ku soo bixi waayey doorasho hal qof iyo hal cod dhamaan doorashooyinkii dalka 2002 dawladaha hoose, 2005 Goolaha wakiilada iyo 2012 doorashooyinkii labaad ee goolayaasha dawladaha hoose ee Somaliland taas oo keentay in beelaha laga tiro badan yahay aaney wakiilo ku yeelan dhamaan goolayaasha la soo doorto ee dalka inkastoo ay tartameen dhamaan sadexda doorasho musharixiin ka soo jeeda beelaha laga tiro badan yahay iyagoo waayey  codkii loo baahna arintaas oo meesha ka saartey iney beelaha laga tiro badan yahay wakiilo ku yeeshaan goolayaasha la soo door to iyadoo arintaasi keentay in beelahan arimahooda aan lagu soo qaadin goolayaasha deegaanka iyo baarlamaanka iyagoo ku nool xaalad nololeed oo aad u liidata dhanka dhaqaalaha iyo arimaha bulshada dhan kastaba

Iyadoo arintaas laga duulayo ayuu dadaal wetn sameeyay ururka DYDO oo ah uru dhalinyaro oo u ololeeya xuquuqda dadka laga tiro badan yahay ee Somaliland iyagoo kaa shanaya UNSOM ay qabteeb kulamo hawshan ku saabsan iyagoo soo gudbiyey bayaan ku socda xukuumada iyo goolayaasha oo ah in kuraas qoondo gaara looga sameeyo beelaha laga tiro badan yahay goolayaasha la soo door to ee wakiilada iyo dawladaha xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa July 2018 fadhigii goolaha wasiirada ee Somaliland oo uu gudoominaayey madaxweyne Muuse Biixi waxay soo saareen soo jeedin in kuraas qoondo ah laga siiyo beelaha laga tiro badan yahay iyo haweenka goolayaasha wakiilada isla markaana u soo gudbiyey goolaha wakiilada si ay wax ka bedel ugu sameeyaan xeerka doorashooyinka goolaha wakiilada arintaas oo hada ay gacanta ku hayaan gudi hoosaadka arimaha gudaha ee goolaha wakiilada si ay ugu daraan xeerka doorashooyinka goolaha wakiilada arinta qoondada iyagoo ka duulaya soo jeedintii goolaha wasiirada Somaliland July 2020 proposed qoute bill of minority and women ugu danbeyn ururka dhalinyarada DYDO ee beelaha laga tiro badan yahay Somaliland oo kaashanaya UNSOM/HRPG waxaanu ugu baqeynaa labada goole ee baarlamaanka Somaliland wakiilada iyo Guurtidu iney ansixiyaan qoondada kuraasta gaarka ah looga qoondeeyo haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay ee goolayaasha wakiilada iyo dawladaha hoose si waafaqsan xeerarka doorashooyinka Somaliland arintaas oo haysata taageero sharci xafiiska Garyaqaan ka guud ee qaranka iyo tageero caalamiya iyo mid gudaha

 Alla mahad le

Ururka Daami Youth Development Organization Somaliland minorities DYDO

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...