Guul-waddaynta Duur oo qaaday Wado burbur ku keeni karta Xisbiga WADDANI & Go'aanka laga eegayo Guddoomiye Cirro!!

0
Sunday March 03, 2019 - 20:05:44 in News by Super Admin
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guul-waddaynta Duur oo qaaday Wado burbur ku keeni karta Xisbiga WADDANI & Go'aanka laga eegayo Guddoomiye Cirro!!

    Faallo:-Hadhwanaagnews Hargaysa(HWN):-Ismari waa'a Xoogan ayaa weli u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,Waxaa burburay isku dayo la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Hadhwanaagnews Hargaysa(HWN):-Ismari waa'a Xoogan ayaa weli u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,Waxaa burburay isku dayo la  doonayay in labada dhinac la isugu soo dhaweeyo.Hasa yeeshee Siyaasiyiin ka mid ah Xisbiga WADDANI ayaa Saadaasha wakhtigu muujinaysaa inay u Janjeedhsameen Dhanka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyagoo damacoodii Mucaaridnimo dhaafsanaya Xil ay ka qabtaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur ka hor intii aanu ku biirin Xisbiga WADDANI Waxa uu ka mid ahaa Xisbiga Kulmiye, isagoo soo qabtay Jagadda Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Ku biirista Mudane Duur ee Xisbiga Waddani waxay dad badani u arkayeen inuu dhisayo Murashixii Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay isku Jufo hoose yihiin.

Kadib natiijadii doorashadda Madaxtooyadda Waxaa soo baxday hadal hayn xoogan oo ku saabsan in Siyaasi Maxamed Nuur Caraale duur uu Madaxweynuhu u xulanayo inuu mar kale qabto Jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha amase Xannaanadda Xoolaha oo Takhasuuskiisa Shaqo yahay, hasa yeeshee filashadaas ayaa noqotay mid beenowday kadib markii laga waayay Liiskii golaha Wasiiradda.

Xisbiga WADDANI ayaa qaadacay go’aan Madaxweyne Muuse Biixi ku Iclaamiyey in Xuskii Munaasibadii 18-kii May ee Sannadkii tegay laga soo hor marinayo lana qaban doono 15-kii Isla Bishaas, kadib markii ay ku beegantay Bishii barakaysnayd ee Ramadaan, ha yeeshee Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Xildhibaan Waabeeye oo labadooduba ka mid ah Beesha Gudoomiye Cirro ayaa dhan iska dhigay go’aankii Xisbigooda, isla markaana Xukuumadda kala qayb-galay Munaasibaddii 18-ka May ee ay Xiligeedii ka soo hor marisay.

Siyaasi Cali Cantar Gudoomiyaha guddida anshax ee xisbiga WADDANI ayaa dharaarahaasi Shaaciyey in marka ay dhamaato bishii barakaysnayd ee Ramadaan ay Guddida anshaxa ee WADDANI ay Anshax-marin doonnaan Siyaasi Duur iyo Xildhibaan Waabeeye .

Hasa yeeshee dhawaaqa Guddoomiyaha Guddida anshaxa ee Xisbiga WADDANI ayaa hal bacaad lagu lisay noqday, iyadoo falanqeeyayaal badani ay u arkayeen in anshax marin lagu sameeyo labadan Siyaasi aanay ka suurto galayn dhanka Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Maadaama ay aad isugu dhow yihiin.

Dhinaca kale, Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa Mar kale ka soo dhex Muuqday Wefti uu hogaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Sannadkii tegay Socdaal ku tegay Boqortooyadda Sucuudiga,Siyaasi Duur dhamaanba Kulamadii Madaxweyne ku xigeenku la qaatay Mas’uuliyiintii uu la Kulmay wuu ku wehelinayay. Sidoo kale, markii Weftigu dalka dib ugu soo laabtay waxa uu Ex Wasiir Duur Warbaahinta u sheegay in safarkaasi ahaa Mid guulo wax ku ool ah u soo hooyay qaranka Somaliland.

Dadka lafa gura Siyaasada ayaa aaminsan in Socdaalkaasi aanu wax guul ah u soo hoynin Somaliland, Maadaama ay Sucuudigu ilaa hadda ka xidhan yihiin in loo dhoofiyo Xoolaha nool ee Somaliland.

Mar kale ayaa Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur Wuxuu Todobaadkii tegay isagoo ku fadhiya Kursi loogu Talo galay Xisbiga WADDANI ayuu ka qayb galay Munaasibadii lagu shaacinayay Bilowga Dhismaha Berbera Corridor,waxaannu barbar fadhiyey Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Iyadoo Madaxdii ka Saraysay ee Xisbiga aanu xilka ka hayn ku Sugan yihiin Caasimadda Hargaysa Isla makaana aanay ka qayb gelin Kulankaas.

Guddoomiyaha Guddida anshaxa ee Xisbiga WADDANI Siyaasi Cali Cantar ayaa Mar kale ku celiyay dhawaaqii hore ee anshax-marinta, waxaannu meesha ka saarray inaanu Duur ku matalin kulamadda u gaarka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Xisbigooddu ka soo saarri doonno War qoraal ah.

Dhanka Kale, Siyaasi Duur ayaa Qoraal Kooban oo uu Ku faafiyey Barta uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook waxa uu ku sheegay inuu la Dhacsan yahay Isla markaana uu taageeransan yahay Horumarka balaadhan ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ''Waan ka xumahay hadalka Ali Canter. Anigu Xisbiga WADDANI kamaan bixin laakiin waxaan taageeraa horumarka balaadhan ee Madaxwayne Muse Biixi uu sameeyay mudadaas kooban ee uu xilka hayay.'' ayuu Yidhi Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur

Si kastaba ha ahaate waxay is weydiintu noqonaysaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro raali ma ka noqon doonaa anshax marin lagu sameeyo Siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur, taasoo haddii ay dhici weydo Suurto gal ka dhigi doonta in Mas’uuliyiinta Sare ee Xisbiga WADDANI ay ka qayb-galaan Kulamada uu xisbigu diidan yahay inay la yeeshaan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

[email protected]

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...