Kacdoonka Dhalinyarada Gobolada Galbeedka Waxay Noqon Doontaa Tii Somaliland Ku Baabi lahayd ama Ku Sii Hore Mari Lahayd ...

0
Sunday July 26, 2020 - 09:03:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoonka Dhalinyarada Gobolada Galbeedka Waxay Noqon Doontaa Tii Somaliland Ku Baabi lahayd ama Ku Sii Hore Mari Lahayd ...

    Ali Abdi Farah (abrar)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ali Abdi Farah (abrar)

Waxaan wadda ogsoonahay in muddo 30 sano ay dulqaadanayeen bulshada ku nool gobolada galbeedka somaliland,taasi waxay keentay in ay saamigoodii dawlada ay goboladoodku ku dhiseen ay ka waayaan,waxaanan wadda ogsoonahay dadka ku abtirsada qoomiyada somalida in cadaalad daro ay u badheedhaan si cad oo aan gabasho lahay waanan sababta ay maanta adduunaydu 30 sano ugu wareertay in ay nabad ka dhaliyaan somaliya ,somalilandna waa soomali markaa way addag tahay in saami sax ah ay somalilnd siiso beel kasta oo dega ariliga somaliland.

 

Waxaa naasiib daro ah in wasiir somaliland ah uu yidhaahdo reer awdal waxba kama maqnee siyaado ayey haystaa,wuxuuna illaaway in somaliland oo dhan uu wasiir u yahay ee uuna beel u aheyn laakiin isagu wuxuu u haystaa in uu beeshooda uun uu wasiir u yahay ,kaas oo kale ayaa masuul ummadeed loo dhiibayaa waa wasiirka gaadiidka iyo jidadka abdillahi abokor, muxuu ka hadlayaa saami wasaaradii loo dhiibay waa wasaarada ugu liidata  wasaarada somaliland,somaliland waay noqotay meesha geeska africa ugu shil baabuur ugu badan waxaa ku dhinta boqolaal shacabka somaliland ,waan aragnaa xaga wadooyinka magaalada caasimada lagu sheegaayo hargeysa boodhka ka duulaaya dadkii iyo baabuurtii meel ay maraan bay laayihiin ,markaa wasiirkaasi isagoo shaqadii loo igmaday ka soo bixi waayey muxuu saami ka hadlayaa markaa hadladkiisu af noolina wuu hadlaa eyna waa ciyaa weeyi arintiisu.

 

Haddii aan u soo laabto qodobkayga waxaan maalin dhaweyd ka arkaayey nin qurbo joog ah oo fikir aad u xun ka soo jeediyey shaahadaha oo lagu magacaabaa cabdiweyne ,anigu waxaan ku ogaa nin geesi ah laakiin waxaan u malaynayaa qurbaha waa lagu asaaasaqa wuxuu yidhi qurba jooga reer awlad baa ila qaba fikirkaa waxaan taageeraynaa in doorshada la qabto,arintaa qof la qabaa ma jirto waa ku keli ,qurba jooga reer awdal aad iyo aad ayey uga xanaaqsan yihiin sida saami qaybsiga loogu sameeyey reer awdal qaar baa xitaa somaliland ku nacay kaasina waa intaa.

 

Midna waxaan oronyayaa ama u sheegayaa dhalinyarada reer awdal waa in aad isku duubnaataan oo la idin kala dhex galin waanad ku saxan tihiin in aad saamigiina ka heshaan jamuuriyada iskeed ku magacday,waxaanad ku dadaashaan in aanan reer reer la din dhex dhigin .anagu haddaan nahay qurbo jooga reer awdal waan la soconaynaa sida ay wax u dhacaan waanan idin garab taaganay .

 

Mida kale waxaan wararka ka daawan odayaal isku magacaabay odoyaasha jibriil yoonis oo leh waxaa taageeraynaa wadaadka ka soo hor jeestay saami qaybsiga ,waa wax lagu qoslo ,haddii aan wax yar ka taabto beesha jibril yonis waxaan u malaynayaa gabaygii habaarka ahaa ee sheekh faarax xabiib ee tusaale u soo qaatay (miraamirada afac malaha oo la quutaaaye jibril yoonis waa midaase )waan ka xumahay ma hayo gabaygaa in la fahmo uun baan u soo qaatay intaa yar,markaad eegto doorshadii doorashada maddaxweynaha somaliland lagu doortay beeshani waxay ahayd beeshii kala daadatay qaarbad dhinac bay u socdeen taasina waxaa ugu wacan waa (leader)la,aan waayo beelaha kale beel walba leader kooda ayaa hor socday waana nasiib daro ku habsatay markii suldaanadii hogaaminaayey dhinteen kii musqmaasuqa lagu sameeyeyna mooyi meel uu maray ,waxaan kula talin lahaa baaha samaroon dhinac ka raaca,maaha arintani beel beel ee waa masayrkii reer sh samaroon taasina waa oga talo..

 

Guntii iyo gabgabadii waxaa mahad iska leh dhalinyarada is oo abaabusha si saamigoodii uga helaan jamuuriyad iskeed isagu dhawaaqday goormaa saami laga heli iyadoo aan la citiraafin baa saami qaybsi qaldan ummadda siisee ,arintaa waa in somaliland xalisaa doorashada ka hor ,haddii kale calaa geel laayey ha odhan ,

 

waad mahadsan tihiin dhamaan

Ali Abdi Farah (abrar)

Toronto Canada

 [email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...