Muranka Ethiopia iyo Masar 26/7/020
Muranka beryahan danbe soo shaac
baxay ee u dhexeeya itoobiya iyo Masar ,waligiiba wuu soo jiray ,kolban
marxalad buu soo maryey,hadab markii ay Itoobiya fahantay faaiidad biyah in loo
isticmaalo lagan dhaliyo Bue nile awood
tamareed oo 6000 ku megawatts oo konronto ah ,oo lag dhalindoono 70 billion
cubic meters oo biyo ah (water) ,taasin ay la mid tahay badh biyaha niilka,
Taasiina waxay kicisay xiisada u dhaxay
sa itoobiya iyo Masar maxaa yeelay 80% biyaha dalka Masar gaadhaa waxay ka
yimaadaan Blue nile (Ethiopai)
Ethiopia waxay qorshasay in buuxiso jiilaalaka july 2020grand renaissance Dam (,November 2019kii ,Ethiopai.Sudan,iyo Masar waxay galeen heshiisyo badan oo sadex geesood ah ,oo ku saabsan buuxinta iyo howlaha Damka(, Kuwaas oo ay dhexdhexaadinayeen marykanka iyo Banka aduunku, ugu danbayntiina Ethiopia way ka baxday wadada hadaldii ,maxaa yeelay muran dublamasiyadeed ee u dhaxeeya Addis Ababa iyo Cairo ma cusba,laga bilaabo sanadkii 1990 labada dal waxay qabsadeen wadahadlo kala duwan. Inkata oo dalalka Africankii ay arinta soo dhexgaleen ,hadan waxaa doorka ugu wayn ciyaaray waa qodobadii ay dhigeen gumaysatayaashii reer galbeedku , kuwaas oo kala duwan, kawaas oo u dhaxeeyey .Sudan, Kenyan,Tanzania , and Uganda iyo Egyp ,waxaana heshiisyadaasi ka mabnuuceen dalka Nile ka ka sareeeye isticmaalka biyaha iyadoon lala heshiin dalalka ka hooseya wabiga Nile. Natiijadaan waxbadan ayey u janjeedhay dalka Masar iyo Sudan . Waxbadan Masar waxay doonaysay in ay xoojiso heshiisyadaas ka horeeyey in tii aanay dalalkaasi xoroobin.
In kastoo aanany waxba is bedelin ,hadan Wabiga Nile waxa uu faaiido u yahay dalalka gobolkoo dhan. Hadan Ehiopia ma awoodo in ay isticmaasho biyaha Nile waxayna ku tiirsan tahay biyo roobaadka oo ay beeraheeda ku ku isticmaasho ,inkasta oo million Ethiopian ah ay u liitaan faqiirtimo. Iyadoo taasi jirto ayaa hadan heshiisyadii biyaha Nile waxa lama huraan in la xaliyo muranka biyaha Nile, loona helo jid hore logu soconayo wadahadalada biyo xidheenka , heshiisyadaas oo aynu ka soo qaadan karno.
Heshiiisyada Nile ,sandkii 1902 ee
ka dhcay Angol- Ethiopian ee u dhaxeeye
Great Britain iyadoo matalaysa Sudan (under british rule) iyo Ethiopia
,ujeedada heshiisakan waxay ahayd in la qaabeeyo xuduudka u dhexeeya Ethiopia
iyo Sudan ,waxaanu dhigayey in Ethiopa in aanya dhisin karin
aana loo ogolayn waxa dhismo ah oo ku
saabsan Blue nile ,Lake Tana ,taas oo ay Sudan u saxeexday (Britannic
majesty’s) dowlada suudaan.
Heshiiskii 1929 ee Anlo-Egypty ee u dhaxeeyey laba dhinac ah oo u dhaxeeyey Egypty iyo Britain oo matalaysa Sudan iyo dalalkii Geeska ee ay gumaysan jirtay sida ( Kenya, Uganda, iyo Tanganyik) heshiiskan waxa uu u aqoonsaday Masar mid siiya xuquuqda dabiicigaa waxaanu siiyey awooda (veto ) mushruuc kasta oo dhismo ah oo biyo xidheeno looga dhisayo Blue Nile Nile.heshiiskaa ka dib waxaa dhacay heshiiskii 1959kii oo loo qoondeeyey biyaha Nile Masar in ay ka hesho 55.5billion cubic meters (BCM) amaba (66% ) biyaha wabiga guud ahana yahiin 84 BCM ,sudaan waxaa loo qodeeyey 18.5 BCM oo u dhiganta (22%) ,10 BCM ee soo hadayna oo u dhiganta (12%) .loo qoondeeye arimo kale , heshiisku muu aqoonsan xuquuqda dalalka ka sareeya Nile ka oo ay ku jirto Ethiopia ,dalka Ethiopiana waxa ka soo burqada 85% biyaha wabiga Nile.
Heshiisyadan wabiga Nile waxay ku xeeran dulmi badan ,dalalka nile sare dhacaana waxay rumaysan yahiin in heshiisyo cusub lagu bedelo kuwii hore ee Gumaystaashu dhigeen ,inkastoo Masar ku adkaysanayso waxa kasta oo laga bedelo heshiisyadii hore in ay yahiin waxba kama jiraan . Isla waqtigaa gumasysthii Britain ee bariga afrika uu diiday in wax laga bedelo heshiisyada biyaha Nile ,waxaanu ku dooday in aanay iyagu ka mid ahayn heshiisyada , maxaa yeelay iyagu may madax banaanayn manay ogayn manayna awoodaan qaabaynta iyo gababagada heshiisyada.
Iyadoo halkaas maraysa ayaa Ethiopia waxay ku adkaysay in ay xaq u
leedahay in ay isticmaasho biyaha wabiga
Nile, waajibaadkii lagu soo rogay sandkii 1902dii ee heshiiskii Anglo-Ethiopia kama reebayo Ethiopia in ay
isticmaasho biyaha Blue Nile,
Iyadoo taasi jirto ayaa hadana ay sandkii 2015kii wada saxeexdeen heshiis bayan mabda-eed (declaration of principles ) oo u dhaxeeyey Masar, Sudan , iyo Ethiopiaya , waxaanu heshiiskasi tilmaayey kuna celiyey in biyaha Nile loo wadaago si cadaalad ah, iyo in la iska kaashado wadashaqayntiisa.taas oo ay Masar diiday maxaayeelay Masar waxay haysataa awood wax laga bedeli karo heshiisyadii biyaha wabiga Nile,sidaas la ajligeed sadex jid uun baa waxa laga bedeli karaa heshiisyadaii hore , kuwaas oo kala ah wada hadalo (negotiation) , dhexdhexaadin ( mediation ) iyo in ay maxkamadi soo faragaliso( judicial intervention)
By: khadar adam aw muuse
La soco bari
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!