Baaq Qurbajoogta Beelaha Reer Nuur Ee Dalka Sweden

0
Sunday July 26, 2020 - 08:46:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Qurbajoogta Beelaha Reer Nuur Ee Dalka Sweden

    Eng Cabdi Ceelabe Guuleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng Cabdi Ceelabe Guuleed

Waxa bulsho waynta beelaha Reer Nuur dhalinyarteeda, Aqoonyahankeeda, Culimaa’u diinkeeda, dumarka iyo dhamaan bulshadeeda kala duwani ee dalka sweden waxa ay hambalyo iyo taageero u dirayaan dhalinyaradda ee gobolada Galbeedka somaliland ee dhawaan ku dhawaaqay Baaq Culus oo Ay Ku Rabaan Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiilada.

 

Waxa maanta marag ma doon ah in nidaamkii dawladnimo maanta meesha ka baxay oo wax wal oo bulshadu ay eeganaysayba uu maanta meesha ka baxay mudadaa ay jirtay xukuumada maanta talada haysa oo wadankii dib ugu celisay qabiil, musuqmaasuq, Cadaalad daro, maamul xumo, eex, nin jeclaysi, ixtiraam la’aan beelaha aan la qadarinayn oo aan saamigay xaqa u laahaayeen aan la siinayn.

 

Waxaan dhammaan ugu baaqayaan beeslaha Samaron in ay is daba qabtaan una soo jeestaan sidii loo soo celin lahaa midnimo beelaha.

 

Waxaa kale oo ay gaar ahaan u dirayaan baaq Awdalnimo, una soo jeedinayaan dhammaan beelaha reer Awdal, Salal iyo gabiley, annagoo ugu baaqayna:

 

1- Raali gelin an ka bixinayno hadalkii Suldaanka Guud ee beelaha reer nuur, Saleban cali ismcaiil oo aha hadal an qabanin Beelweynta Samaron. Oo laga joojiyo hadalka xun ee nacaybka abuuraya ee lagu ganayo suldaanka baraha social mediaga.

 

2- In beesha jibril yonis looga fadhiyo raali gelin ka bixiso wixii ay ku kaceyn oo aha in ay sami qaybsiga ay ka horjeestan. Hadi kale Reerku waxay ka dhigantahay in ay Xeer Cusub sameysten balse la arki doonaa Cidda ay la xumaato ee Farta dhexda ka Qaniinta. Waxan leenahay Raggow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado.

 

3- Waxaan ugu baaqaynaa in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan midnimada dadkooda, gobolkooda iyo guud ahaan dalkoodaba.

 

4- Waxaan ugu baaqaynaa in dhammaan beelaha reer Awdal, salal iyo gabiley is abaabulaan una guntadaan sidii ay u samaysan lahaayeen golee ay ku midobaan oo ka kooban oday dhaqan, culimada, aqoonyahan, dhalinyaro iyo haweenka ee beelaha deegan (Samaron + Ciise + Gabooye) u dhan yihin una horseeda nabad, horumar iyo caddaalad

 

5- Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan beelaha Galbeedka in si wada jir ah looga hortago wixii keeni karo khilaaf reer Awdal, salal iyo gabiley.

 

Gudoomiyaha shir guddoonka

Eng Cabdi Ceelabe Guuleed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...