War Deg-deg ah:-"Waxaan Go'aansadday Inaan Ummadda U Noqdo Tusaale Oo Aan Is Casilo"

0
Sunday July 26, 2020 - 00:46:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-deg ah:-"Waxaan Go'aansadday Inaan Ummadda U Noqdo Tusaale Oo Aan Is Casilo"

    War Deg-deg ah:-"Waxaan Go'aansadday Inaan Ummadda U Noqdo Tusaale Oo Aan Is Casilo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg-deg ah:-"Waxaan Go'aansadday Inaan Ummadda U Noqdo Tusaale Oo Aan Is Casilo"


Muqdisho(HWN):-Ra’iisal-wasaaraha Xilka laga qaaday ee Federaalka Soomaaliya Xasan Ali Khayre, ayaa ka hadlay xilka-qaadistiisa oo uu ku tilmaamay mid aan sharci ahayn ee xeerarka dalka baal-marsan, balse uu isagu isu casilay danta dalka iyo dadka, waxaanu ka digay qalalaase siyaasadeed oo uu sheegay inuu ka socdo Villa Soomaaliya.



Xasan Cali Khayre oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu u mahad-naqayo Madaxweyne Farmaajo oo xilka u magacaabay 23 February 2017, halka ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyeen 1-dii Maarso ee isla 2017-kii. Xasan Cali Kheyre waxa uu shaaciyey in uu is-casilay, ka dib markii guddoomiyaha golaha shacabka uu maanta ku dhawaaqay in Xildhibaannadu kalsoonidii kala noqdeen Xukuumaddiisa.

"Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed u hayay.” Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Kheyre ayaa carabka ku adkeeyey in uu garwaaqsanyahay in wixii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka aysan sharci aheyn, balse uu u tanaasulay umadda Soomaaliyeed si uu tusaale ugu noqdo, sida uu sheegay.

"Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka. Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho,” ayuu yidhi Kheyre.

"Waxaan ka shaqeynay isu keenidda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan isugu keenay Dhuusamareeb, si go’aan loo dhanyahay looga gaaro doorashada dalka ku soo fool leh, iskastoo kulamadii Dhuusaamreeb laga gaaray horumar, hadana waxaa muutada in weli uu jiro fekerkii ku aadanaa mudo kororsiga, oo salka ku hayey wixii maanta ka dhacay golaha shacabka, oo aan mar hore ka digay, isla markaana aan aaminsanahay in qal qal uu dalka ku keeni karo, hadana dadka Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in ay khasab tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo afartii sanaba mar.” ayuu yidhi Xasan Cali Kheyre.

Hadhwanaagnews,Office
Muqdisho,Soomaaliya


Loading...
Loading...