Guddoomiyaha Guurtidda Oo Farriin U Diray Wasiirrada Beeraha Iyo Caafimaadka

0
Saturday July 25, 2020 - 22:23:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Guurtidda Oo Farriin U Diray Wasiirrada Beeraha Iyo Caafimaadka

    Xildhibaannada golaha guurtidda ayaa ku doodday in Wasiirrada Beeraha iyo Caafimaadku aannay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada golaha guurtidda ayaa ku doodday in Wasiirrada Beeraha iyo Caafimaadku aannay

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), ayaa fadhigii maanta ee Golaha Guurtiddu yeesho waxa uu farriin u diray Wasiirrada Wasaaraddaha Beeraha iyo Caafimaadka.



Guddoomiye Saleebaan oo shir-guddoominnaayay kalfadhigii 72aad ee golaha guurtidda waxa uu sheegay in labaddaas Wasiir ay si deg-deg ah u hor iman lahaayeen golaha si wax looga waydiiyo hawlaha ay qaranka u hayaan.
DAAWO: Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaal ...

Xildhibaannada golaha guurtidda ayaa ku doodday in Wasiirrada Beeraha iyo Caafimaadku aannay ka soo qayb-gelin kulan ay la balansannaayeen Guddiga joogtadda ah ee Guurtidda.

Guddoomiyaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in Ayaxu uu halis badan ku hayo wax soo saarkii beeraha ee dalka, waxaannu sheegay in Ayaxani uu ka khatar badan yahay Ayaxii hore ee aynu arki jirnay, waxaannu Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed uu ku amray innuu hor yimaaddo golaha Guurtidda. Sidoo kale waxa uu amray innuu golaha hor yimaaddo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Badde si su'aallo looga waydiiyo xaaladda Caabuqa COVID19.

"Waa ciqaab oo bahalkii (Ayaxii), tagi waa, ciiddana wuu ka batay ileen awalba waynu arki jirnee, markaa Ducadda aan baddino, Wasiirkanna waa qasab in loo yeedho oo uu Warbixin ka bixiyo, wixii lagu kordhinnaayanna isaga (Wasiirka), iyo qarankabba dan bay u tahay, laakiin Ayaxani maaha mid guurraaya, kuwii hore ee aynu arki jirnay waa guuri jireen. Labaddaas Wasiir ee Caafimaadka iyo Beeraha waynu u yeedhaynaa haddii Alle ka dhigo" Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Gaal.

Dhinaca kale, Gudduumiyaha guddiga joogtadda ah Xildhibaan Siciid Yaasir ayaa Golaha ka jeeddiyay Warbixintii guddiga joogtadda ee Guurtidda, waxaannu sheegay inay la kulmeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, Wasiirka Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Hay'adda dhawrista tayadda ay dhammaantood isla qaateen in la joojiyo Isticmaalka Tubaakadda Lifti oo Caafimaadka bulshadda halis ku ah.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...