War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raysal Wasaare Ku Meelgaadh Ah U Magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed

0
Saturday July 25, 2020 - 19:06:48 in News by
  • Visits: 3043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raysal Wasaare Ku Meelgaadh Ah U Magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed

    War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raysal Wasaare Ku Meelgaadh Ah U Magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Farmaajo Oo Raysal Wasaare Ku Meelgaadh Ah U Magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu igmaday Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

Image may contain: 1 person, sitting


Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed.


Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020.

DHAMMAAD

Loading...
Loading...