Dhalinyarada Qurbajooga Beelaha Arab Oo Luuqad Kulul Kula Hadlay Muuse Biixi, Fariina U Diray Salaadiinta Iyo Siyaasiyiinta

0
Saturday July 25, 2020 - 18:48:39 in News by
  • Visits: 4134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarada Qurbajooga Beelaha Arab Oo Luuqad Kulul Kula Hadlay Muuse Biixi, Fariina U Diray Salaadiinta Iyo Siyaasiyiinta

    Dhalinyarada Qurbajooga Beelaha Arab Oo Luuqad Kulul Kula Hadlay Muuse Biixi, Fariina U Diray Salaadiinta Iyo Siyaasiyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyarada Qurbajooga Beelaha Arab Oo Luuqad Kulul Kula Hadlay Muuse Biixi, Fariina U Diray Salaadiinta Iyo Siyaasiyiinta


Hargeysa(HWN):-Dhalinyarada qurbajooga ah ee beelaha Arab ayaa ka hadlay dib u dhaca xukuumada Muuse Biixi sababtay ee ka jira deegaanada ay beeshu degto ee gobolada Maroodijeex, Hawd, Saaxil, Togdheer iyo Daad Madheedh.

Madaxweyne Muuse Biixi oo kala laabtay Heshiiskii Shirkadihii ...


Dhalinyarada qurbajooga ah ee beelaha Arab oo soo saaray war murtiyeed ay ku midaysan yihiin ayaa si weyn u faah faahiyey halka ay ka taagan yihiin qaabka ay dawlada Muuse Biixi ula dhaqmayso deegaanadooda oo ay sheegeen in laga hortaagan yahay mashaariicda horumarineed iyo adeegyadii ay xaqa u lahaayeen ee dawladu bixinaysay.


Sidoo kale dhalinyarada qurbajooga ah ee beelaha Arab waxay war murtiyeedkooda kaga hadleen saluug ay sheegeen inay ka qabaan saamiga uu Muuse Biixi xukuumadiisa ka siiyey oo ay ku sheegeen cad quudheed ay adag tahay in la aqbalaa iyaga oo xusay in xubnaha qaatay xil quudheedyadu aanay beelaha Arab ku matalin xukuumada ay ka tirsan yihiin.


War murtiyeedka ay soo saareen dhalinyarada qurba jooga ah ee beelaha Arab ayaa u dhignaa sidan:--


Marka hore guud ahaan khayr ayaanu rajaynaynaa cid kasta oo beelaha Arab ku abtirsata meel kasta oo ay aduunka kaga sugan yihiin, waxaanu warsaxaafadeedkan ku faah faahinaynaa xaaladaha aan la dhayalsan Karin ee beesha ku hareeraysan iyo hagar daamooyinka qarsoon iyo kuwa laga badheedhayo ee taliska Muuse Biixi ku hayo guud ahaan deegaanada Beelaha Arab.


Mudo laba sanadood iyo badh uu somaliland ka talinayey Muuse Biixi waxa soo baxday colaada gaamurtay ee uu u hayo beelaha Arab isaga oo markii uu dawladiisa dhisayeyba ka bilaabay inuu ka siiyo saami aanay u qalmin oo cad quudheed ah kuwaas oo uu u soo xushay waliba masuuliyiin aan kalsoonida beelaha Arab haysan balse dantooda u xoogsanaya kuwaas oo ilaa hada tirsan dawladiisa.


Labada wasiir ee waraabe u taaga ah iyo wasiir ku xigeenka aan awooda lahayn ee Muuse Biixi saamiga uga dhigay beelaha Arab waxaanu leenahay maaha wax la qaadan karo, waxaanan ugu baaqaynaa xubnahaasi wasiirada ah inay dib ugu soo laabtaan waxgaradka beelaha Arab si danta guud looga midoobo.


Muuse Biixi inuu fulinayo colaada gaamurtay ee uu u hayo beelaha Arab waxa markhaati ka ah sida ay deegaanada beelahaasi uga qatan yihiin mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadiisu sheegato inay dalka ka fulisay, waxaana laga dharagsan yahay sida ay deegaanada Arab uga aradan yihiin mashaariicda waxbarashada, caafimaadka, biyaha, beeraha, tamarta, adeegyada dawlada iyo guud ahaanba wax kasta oo horumar la xidhiidha.


Waxaanu soo dhawaynaynaa baaqii ay dhawaan soo saareen qaar ka mid ah dhalinyaradabeelaha Arab kaas oo ay banaanka ku keeneen sida ay dawlada Muuse Biixi hagardaamada iyo dib u dhaca ula taagan tahay beelaha Arab iyo deegaanadooda, waxaanan dhalinyarada gudaha u soo jeedinaynaa inay abaabulaan shirar lagaga arinsanayo dawlada Muuse Biixi.


Fariin Ku Socota Madax Dhaqameedka Beelaha Arab.


Madax dhaqameedka kala duwan ee beelaha Arab waxaanu ka codsan lahayn in iyaga oo isku duubni muujinaya ay qaataan doorkii looga baahnaa inay ku hogaamiyaan bulshada beelaha Arab, maantana waad la socotaan salaadiintu kaalinta ay beel walba ugu jirto waana la dhaafay wakhtigii aad ka aamusnaan lahaydeen hagardaamooyinka inagu socda iyo hab dhaqanka uu muuse Biixi u muujinayo beelaha Arab.


Madax dhaqameedka Beelaha Arab waxa la gudboon inay siyaasada saamayn toos ah ku yeeshaan oo ay raadiyaan xaqii ay beeshu lahayd iyo saamigii deegaanadu ku lahaayeen mashaariicdan Muuse Biixi iyo dawladiisu uga dhaarteen.


Madax dhaqameedka beelaha Arab waxa kale oo aanu ka codsanaynaa inay jaangooyaan mustaqbalka siyaasadeed ee beelaha Arab iyo halka uu ku jihaysan yahay.


Siyaasiyiinta:-Siyaasiyiinta Beelaha Arab inkasta oo ay kala aragti duwan yihiin oo badankooduna ku kala safan yihiin xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani waxaanu u soo jeedinaynaa inay ka shaqeeyaan danaha guud ee beelaha Arab oo u baahan in wadda jir loo wajaho.


Dhalinyarada:-Dhalinyarada kala duwan ee beelaha Arab gobol kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqaynaa inay abaabulaan shirar ay iskugu imanayaan isla markaana lagaga tashado sida lagu wajahayo dawladan Muuse Biixi iyo ee hagardaamada iyo dhibta la daba taagan deegaanada beelaha Arab.


Guud ahaan qaybaha kala duwan ee beelaha Arab haday tahay madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, cuqaasha, haweenka, dhalinyarada iyo wax garadkaba inay si dhaw ula socdaan qorshaha lagu galayo doorashooyinka goleyaasha deegaanada iyo wakiilada oo Muuse Biixi u dhigayo qaab beeshiisa u danaynaysa beelaha kalana dhibaato ku ah.


Ugu dambayn waxa aanu ugu baaqaynaa beelaha Arab meel kasta oo ay ka joogaan caalamka inaan in laga wada hawl galo sidii ay beelaha Arab u heli lahaayeen xaqooda uu duudsiyey Muuse Biixi.


Magacyada Dhalinyarada War Murtiyeedka Soo Saaray

1.Ridwaan Cabdi Muuse

2.Mustafe Maxamed Siciid

3.Mubaarig Teedhi

4.Mujaahid Jibriil Abiib Colow

5.Mahad Maxamed Faarax

6.Axmed Xirsi Caalin

7.Cabdikariin Cali Xuseen

8.Cismaan Aadan Siciid

9.Musharaxa Maayarka Hargeysa Mukhtaar Axmed

11.Nimcaan Cabdi Axmed

12.Farxaan Cabdi Ciise

13.Suhuur Mukhtaar Cali

14.Nimco Daahir Caro Cade

15.Saleebaan Cawil Cismaan

16.Barwaaqo Cabdilaahi

17.Khadar Cabdi Daahir

18.Mukhtaar Maxamuud Col-haye

19.Cabdikariim Cali

20.Nimcaan Diiriye Axmed

21.Cabdishakuur Axmed Faarax

22.Dalmar Sulub Xirsi

23.Wardi Xasan Biixi

24.Xasan Qaadi

25.Ismaaciil Cabdi Jacfaan

26.Xabsa Cabdi Muuse

27.Warda Cabdi Cali

28.Ayaan Cabdilaahi uur

29.Asad Maxamuud Xasan

30.Maxamed Cabdi Yogol

31.Cabdisamad Yuusuf Xasan

32.Cadnaan Cismaan Cali

33.Ismaaciil Maxamed Xaashi

34.Xasan Maxamed Muxumed

35.Kayse Ibraahin Yuusuf

36.Cabdishakuur Jaamac Xasan

37.Maxamed Xaaji Xasan Biixi

38.Cabdikariin Khadar Diiriye Xalaawo

39.Maryan Cali Xuseen.

40.Nimco Daahir Dhagawayne

41.Warda Maxamuud Cali

42.Ibraahin Ciise Xaashi

43.Khaalid Naasir Dhiico

44.Xamse Cabdsamad Qaadi

45.Axmed Gaas

46.Mukhtaar Maxamed Farotaag

47.Ikraan Khadar

48.Mustafe Cabdi Jaamac

49.Kinsi Cumar

50.Cabdilaahi Gaanbiyaale

51.Abwaan Khaalid Cabdi Yuusuf Miino

52.Khadar Cabdiraxmaan Xasan

53.Afhayeen Cabdicasiis Mataan Haybe

54.Fihiima Xariir Calimahdi

55.Hibaaq Cabdilaahi Aw Aadan

56.Hinda Cabdiraxmaan Maxamuud

57.Warda Cabdi Jaamac

58.Hana Ismaaciil Buteeye

59.Farxiya Cabdisalaan Cilmi

60.Tayasiir Dacar

61.Cabdicasiis Maxamed Cabdilaahi Cado

62.Abwaan Sidiiq Muxumed

63.Khaalid Yaasiin

64.Maxamed Yuusuf

65.Rooda Cabdi Aw Jaamac

66.Cabdirixiin Siciid Ismaaciil

67.Cabdiwali Xariir

68.Saleebaan Cabdi

69.Nuura Faarax

70.Sidiiq Ciise Diiriye

71.Abshir Maxamuud Dhulcun

72.Sharmaarke Axmed Ismaaciil

73.Maxamed Xasan Yuusuf Shactiroole

Loading...
Loading...