Guddida Caddaalada Somaliland Oo Sannadka Samaysay Musuqmaasuqii Ugu Waynaa

0
Saturday July 25, 2020 - 17:40:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Caddaalada Somaliland Oo Sannadka Samaysay Musuqmaasuqii Ugu Waynaa

    W/Q: Jimcaale Saleebaan Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Jimcaale Saleebaan Cumar

Guddida caddaaladda jsl oo ah halkii loogu soo eeranlahaa caddaalad , maamul wanaag iyo hufnaan ayaa waxa uu noqday sannadihii u dambeeyey xarunta musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta iyada oo aanay jirin cid la xisaabtanta .



Halkan waxaan ku soobandhigayaa qaar ka mid ah musuqa ay guddidu samaysay:-

1- Miisaaniyaddii maxkamadda sare loo qorsheeyey inay ku qaadato shaqaale cusub oo rasmiya sannadkan 2020 ayaanay jirin haba yaraatee wax shaqaale ah oo lagu qaatay miisaaniyadaas oo dhan 64,000,000 slsh lacagtaasi laga soobilaabo bishii koowaad ee sannad ilaa iyo bishan 7aad waxay ku soodhacdaa bil kasta xisaabta maxkamadda sare , lacagtaasna waxa qaata guddoomiyaha guddida caddaaladda iyo ciddii la halmaasha , lacagta shaqaale ayaa leh waxay ahayd inay shaqaale ku qaataan ama laga joojiyo.


2- Waxa jira garsoorayaal afar ilaa shan sanno mushahar qaadan musharkoodiina la musuqmaasuqay guddoomiyaha maxkamadda sare markii loo sheegayna yidhi kaaliye qof ah baa qaadan jiray oo musuqay wax talaabo ah oo uu qaadayna ayna jirin haba yaraate.


3- Waxa kale oo jira garsoorayaal iyo shaqaale kale oo is casilay boosaskoodiina aan la buuxin ilaa iyo manta mushaharkoodiina uu u soodhaco maxkamadda sare lacagtaasna gudoomiyaha ayaa lunsada.

 

Guddida caddaalada waxa ku jira saddex xubnood oo muhim u ah qaranka kuwaas oo kala ah:-

1- Xeerilaaliyaha guud ee jsl.

2- Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha jsl.

3- Guddoomiyaha maxkamadda sare ahna guddoomiyaha guddida caddaalada.

 

Saddexdaasi haddii ay indhaha ka ridayaan qarankii Somaliland qaranku xagguu u ciirsanayaa??!!.

 

Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu ku kacay maamul maroorsi iyo musuq baahsan isaga oo ka faa’idaysanaya awoodda xilka uu hayo , waxana ka mid ah awood maroorsiga uu sameeyey:-


1- Xil garsooreyaal hore banneeyeen inuu ku buuxiyey garsoorayaal uu isagu qortay guddidana aanu horgaynin sidaasna ay ku mushahar qaataan kuna hawl galeen taas oo ah sharci daro wayn.


2- Fadhiyaddii guddida oo aan u qabsoomin sidii la rabay una qabsooma si kala fogfog oo mudo dhaaf ah.


3- Guddoomiyuhu waxa uu sooshaqo tagaa 11:00Am inta badanna xafiiska ma yimaado , taasina waa hawl gudasho la’aan .

 

Dhaliilaha kale ee jira waxa ka mid ah:


1- Mudo dhaafka garsoorayaasha kaga shaqeeya maxkamadaha kumeelgaadh kuwaas oo ay ahayd in la rasmi gareeyo 3 bilood ka dib sida xeerku dhigayo , waxa maxkamadaha ka shaqeeya garsoorayaal kumeelgaadh ku shaqaynayey labo sano ilaa saddex sano taas oo ah xeer jabin iyo sharcidaro.


2- Gobalada bariga siiba magaalada Burco oo uu ka jiro garsoor yari iyada oo ay jireen garsoorayaal badan oo xilkoodii banneeyey oo aan waxba loogu soo bedelin gobalka halka shaqaalaha garsoorka ee ka hawl gala Burco saddex meelood meel laga keenay gobalada galbeedka taas oo gobalka dhaxalsiisay inay dhalinyartiisii tahriibto.


3- Qiimayn la’aan garsoorayaasha iyo kaaliyayaasha iyo maamuus la’aanta garsoorayaasha iyo kaaliyeyaasha sida wanaagsan u shaqeeyey. Halka shaqaalaha kale ee qaranka sannadkiiba hal mar ay soogudbiyaan wasaaraduhu qiimaynta shaqaalaha kala duwan una gudbiyaan haayadda shaqaalaha.

 

WQ/ Jimcaale Saleebaan cumar

[email protected]

24/07/2020 Hargeisa- somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...