Maxay Tahay Ujeedada Weftiga Wasiir Shide Ee Itoobiya U Soo Dirtay Somaliland?

0
Saturday July 25, 2020 - 16:32:27 in News by
  • Visits: 2399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Ujeedada Weftiga Wasiir Shide Ee Itoobiya U Soo Dirtay Somaliland?

    Maxay Tahay Ujeedada Weftiga Wasiir Shide Ee Itoobiya U Soo Dirtay Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Tahay Ujeedada Weftiga Wasiir Shide Ee Itoobiya U Soo Dirtay Somaliland?

Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, Md. Axmed Shide, ayaa booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland Arbacadii, waxaanay ka wadahadleen Somaliland cilaaqaadka labada dal.
Somaliland President Arrives in Ethiopia | Somaliland Standard


Sida uu daabacay Warsidaha East Africa Business Week, ee ka soo baxa Uganda, oo warkan ay ka soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo ku warramay in JSL ay u soo jeedisay Itoobiya iyo Masar inay dhex-dhexaadiso khilaafkooda la xidhiidha biyaha Webiga Niilka.


Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen masaalixda labada dal.


Warsidaha East Africa Business Week, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin xulafo aad iskugu dhow oo ku yaalla Geeska Afrika, waxaanu tilmaamay wargeysku in labada dal ay shuraako ku yihiin casriyeynta marsadda Berbera oo Itoobiya ku leedahay Saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban.


Waxa kale oo uu wargeysku tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka wada shaqeeyaan jidka dhererkiisu yahay 250Km oo isku xidhaya Berbera iyo magaalo xudduudeedka Wajaale, kaasi oo ay gacanta ku hayso dhismihiisa Hay’adda Abu Dhabi Fund ee dalka Imaaraadka Carabta.


wargeyska East Africa Business Week ayaa sidoo klae tilmaamay in ay Somaliland xidhiidh iskaashi la yeelatay dhawaan dalka Taiwan, kaas oo ay dawladda Shiinuhu ka xumaatay.


Loading...
Loading...