Raysal Wasaaraha Kalsoonida Lagala Noqday Iyo Wasiiro La Socda Oo Muqdisho Ku Soo Wajahan

0
Saturday July 25, 2020 - 16:18:55 in News by
  • Visits: 2266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Kalsoonida Lagala Noqday Iyo Wasiiro La Socda Oo Muqdisho Ku Soo Wajahan

    Raysal Wasaaraha Kalsoonida Lagala Noqday Iyo Wasiiro La Socda Oo Muqdisho Ku Soo Wajahan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Kalsoonida Lagala Noqday Iyo Wasiiro La Socda Oo Muqdisho Ku Soo Wajahan



Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu maanta Baarlamaanku uu sheegay inuu kala laabtay kalsoonidii ayaa goordhow kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

Raysal-Wasaare Khayre oo Dalka Qatar u safray. - Horseed Media ...


raysal wasaare Khayre oo ay safarkiisa ku wehelinayan xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumadiisa la sheegay in kalsoonidii lagala noqday ayaa ku soo wajahan Muqdisho.


Xasan Cali Kheyre oo ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa usoo ambabaxaya Muqdisho, kadib markii uu ka war helay xil ka xayuubinta Baarlamaanka.


Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale aqbalay go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonida uga laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka ay kasoo horjeesteen xubno kamid ah xukuumadii Kheyre.


Xasan Kheyre ayaa la filayaa in marka uu kasoo dago magaalada Muqdisho uu ka hadlo xil ka xayuubinta lagu sameeyay xukuumadiisa iyo arrimaha taagan.


Ilaa hadda ma cada qaabka uu Kheyre uga hadli doono xil ka xayuubintiisa, inkasta oo wasiiro ka tirsan xukuumadiisu ay gebi meel adag iska taageen xil ka xayuubintasi.


Loading...
Loading...