DUUBCAD / DUBBATs WQ: Aar Aw Fiqi.

0
Saturday July 25, 2020 - 10:12:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DUUBCAD / DUBBATs WQ: Aar Aw Fiqi.

    Hooggaas la baday, Talyaani, Eebbe wax kuma tusin, wax kuma qaadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooggaas la baday, Talyaani, Eebbe wax kuma tusin, wax kuma qaadan

Talyaaniga ayaa si ba'an ugu jabay dagaalladii uu la galay Itoobiya. March 01, 1896 ayaa ay ahayd markii 6394 askari oo Talyaani u badan maalin cad la daaduumiyay oo la ganguumay. Degmada Adwa ayaa ay ahayd meeshii, mar qura, Talyaani badan askaxda looga dhigay; lagu qafaashay oo lagu silacdilooday.

Maantaas, boqortooyadii guunka ahayd ee Itoobiya waxa ay gaashaanka u daruurtay gumaysiga bahdilan ee Talyaaniga. Ganafka ayaa ay ku dhufatay qorsho walba oo uu Talyaani lahaa. Iskacaabbin ayaa ay ka la hor tagtay dagaal walba oo uu Talyaani soo rogo.

Hooggaas la baday, Talyaani, Eebbe wax kuma tusin, wax kuma qaadan oo inta baraarugo qorshihiisa gurracan kama uu laaban. Intaasba ma uu yeelin ee waxa uu yeelay:

Markii uu dhab ahaan u dhaaday mayal-adaygga geeljiraha Soomaaliyeed iyo mintidnimadiisa ayaa uu wax walba oo kale ka doorbiday. Wiilal geeljirayow u badan buu ururiyay, markaas buu guutooyin ka yeelay. Cudud uu Itoobiya kula diriro ayaa uu ka dhigtay.

Ciidankaas Soomaalida soocan ah ayaa uu u bixiyay "Duubcad/Dubbats." Waxa uu u kala dhigay ciidan anaakici ah oo uu ka maagganaa in ay fadqalalleeyaan Itoobiyaanka, iyo ciidan raddigal ah oo ahaa kayd marka wax la weerarayo loo kaydiyo difaac ahaan. Kolkaas bay, Duubcad, tabaraysteen oo taabbagaleen.

Qaybtii kowaad ee ciidankii Duubcadda ayaa 1924 lagu soo bandhigay dooxada Bixin.

Waxa ay dagaallo faraha la isaga gubtay la galeen Itoobiyaankii tiqraarka ahaa; waa ay hafeefiyeen, hawireen oo hoojiyeen ilaa ay gundhada u galeen Addis Ababa, 1936, oo ay dhexdeeda ka gambalaaliyeen.



WQ: Aar Aw Fiqi.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...