Wax Tegay W/Q Cabdisalaan-Ceeryaamo

0
Saturday July 25, 2020 - 09:40:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Tegay W/Q Cabdisalaan-Ceeryaamo

    Wax Tegay W/Q Cabdisalaan-Ceeryaamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax Tegay W/Q Cabdisalaan-Ceeryaamo



Maro cad, oo wax kasta ka cad ayaa laygu ceejiyay. Tin iyo ciribba, waa laygu dhuujiyay, dhuujin adag! Si caddiban, baa la’ ii sirqiyay, siriq xun. Cunaha, curuuqyada, lugaha iyo lafahana, xarig baa laygu cadaadiyay. sidaas awgeed, way engegeen, dhibic dhiig ah iyo dheecaanna kumuu harin. Jirkayga oo dhan waa la qariyay, qarin aan dib loo arkayn. Hawo aan qaadanayay iyo mid aan soo saarayay, toona may jirin. Xaalku waxa uu ahaa, xarsh ha sugin, madaxna ha sugin.

Afar nin oo xoog leh, ayaa ila booday: Labo hore iyo laba gadaale. Intooda oo qura, may ahayn…Dad ciidda ka badan ayaa sidii dhasaha, ii daba yulyulayay, qaar kalena way i reed socdeen. Fool-murugo ka hoortay, ayey igu eegayeen, iyaguna isku eegayeen. Sidii ciidan soo jabay, ayey madaxyada, hoos u raaracsheen luquntana hoos u laabeen. Waan hubaa, midkoodna muu faraxsanayn. Sidaas oo kale, midkoodna muu caraysanayn. Maba ay ahayn goor la qosli karay iyo goob la farxi karay ama la camalloon karay. Dadka kan ugu roon, wuu naxsanaa sidii wax taagan, tiirka toogashada. Kan ugu liitana, wuu ooyayey sida qof waayi doona, qof kaloo ku qaaliya. Waxa ay iska ahayd sidaas… Sidaas xun iyo galabtaas xun.

 

Wax kasta waayahaa ka qaraar, iyagaana ka macaan. Sida shinnada ayey u mici kululyihiin ama malab u yihiin. Waqtigu, ma fududa, mana adka. Xusuus-gocasho ah ayaan dib u durduurtay. Illin diiran sidii biyo la karkariyay, ayaa labada dhaayood, murugo kala soo boodday. Afar iyo labaatan ayuun bay ahayd. Intaas oo qura! Intaas baan jiray. Laxaad iyo xoog is gaaray ayaan lahaa, sida rati ka tallaabay xadka qaalinnimada. Lafo adag oo cuf iyo culays beegan leh, ayaa haraggayga madaw-xigeenka ah, la hoos geliyay. Sidii kubbeerto oo kale iyo qof ku hoos jira ayey isku ahaayeen . Sidaas baan u xoogganaa oo u tagoogo bararnaa.

 

Toddobaatan iyo afar geel ah, ayaan shan iyo toddobaatan ku ahaa. Hadduu hawd galo, waa aan la gali jiray. Cagaagga daran iyo ciganka, waan la mari jaray. Hadduu qado, waan la qadi jiray, hadduu quutana waan la quudan jiray. Waxa aan lahaa muuqaal dad iyo jir geel. Noloshu waxa ay ku dhisantahay afar xiriir oo midba midka kale ka sii muhiimsanyahay: Xiriirka Alle, kan waalidka, kan saaxiibbada iyo kan aad adigu isla leedahay, laakiin anigu intaasba waan gabay. Ogaalse, waan u lahaa. Xiriirradii oo dhan, ka aan geela la leeyahay uun baan ku soo koobay. Sidaas ayey iska ahayd..Sidaas xun iyo xaaladdaas xun.

 

Waxa ay ahayd nolol adag oo laga qoommammooda, sida geela ayaad u fikiraysaa, sidiisa oo kale ayaad u dhaqmaysaa. Dabeecadiihiisa ayaad dhaxlaysaa, muddo koobanna dabbaqaysaa. Isku cadaw iyo iska dan baad noqonaysaan: Libaaxa, tuugada, waraabaha iyo shabeelkuba waa idiin wada col. Laakiin geelu ma garto murtida. Macnaha nolosha waxba kama yaqaan. Weedhaha miidda ah midna kama fahmo, << Cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa>> Falsafaddaas kuma noola, kumana noolaan weligiis. Wax uu aamminsanyahay ayaanba jirin, aan ka ahayn dhirta dhaadheer oo harfaha ka guro iyo tan gaagaaban oo hilfaha u qaado. Intaas buu yaqaan, aqoon iyo xirfadna ugu filan.

**

 

Waxa ay barqo! barqo ay cadceeddu kulushahay. Keymaha ayaan kaligey dhex qaaday…Geelii oo i soo eegaya, ayaan galbeed foolka aaddiyay, dhabarkana bari. Geeljirnimooy gurgaa ba’! Ayaan laabta iska iri. Waan xusuustaa, xusuus aan duugoobayn dheh! Hasha geela ugu hebedsan BOOL baa la oran jiray. Way i soo eegaysay, ilaa aan ka mirqo. Olol ayey la dhacday, ooyin buuna ka dhignaa. Ololka Bool, aad buu ii taabanayay, waxaadna moodday in ay ka xumaatay safarkayga. Saaxiib xun oo cidla uga tegay ayaan ahaa—Qudhayda waan garwaaqsanaa, laakiin noloshaas xilka leh, kuma aan qanacsanayn.

Subixii xigay, barqadiisii ayaan Hargaysa soo galay. Indha ayey isku haysatay, sidayda oo kale. Hargaysa way aammusnayd sidii mas carooday. Laba qayb ayay ahayd oo kala madax banana. Guri wayn oo gumeystuhu degganaa ayaa iridka ka istaagay. Nin Soomaali ah ayaa qori laabta iga saaray, dabadeed beerka iigaga cadaadiyay. Afka hore ee qoriga ayuu laba jeer bogga iiga muday. Matag ayaan gadaal u siiray, kol kalena isaga ku seyray. Gaajo daran iyo harraad, ayaa beerkayga qalay oo dhuuntayda qallajiyay, sidaas darteed waxba uma aan jeedin. Waa aan wareersanaa, warna uma hayn meel aan joogo.

Wajigiisu wuu gubnaa, indhihiisuna way guduudnaayeen, afkana biijo ayuu ku lahaa. Caato ayuu ahaa, ilna way ka maqnayd. Waxa uu ahaa, qof muuq shaydaan leh, dadka caadiga ahna wax badan ka geddisan. In aan ooyo ayaan damcay, haddana waa aan ooyi waayay. "Waar dib nooga deg…..Qudhmoonyahay xuni…Waa xay waxani” buu si carol eh ii yiri. Laba tillaabo, ayaan dib u degay. Dhagax wayn oo aad mooddo kii Haabiil madaxa looga bajiyay ayaan dhulka ka haabtay. In aan sidii Qaabiil madaxa uga bajiyo ayaan uurka ka jeclaystay. Faraha ayaan aad ugu xajiyay. Intaan xoog lahaa ayaan isla kala bixiyay, isna qori Sayr ah ayuu foolka iiga beegay. Riishadda, ayuu murugsatada cuskiyay, oo foodda uga xadanteeyay. Nin cad ayaa na soo dhex-gelay oo dabadeed na kala badbaadiyay. Waan ogaa in dhegaxa iyo xabbaddu aannay isku awood ahayn. Sidaas oo kale, waan ogaa in aanay isku tiiro iyo tabar midna ahayn, laakiin isagu waxa uu ahaa nacab xun, oo dalkiisa ka shaqaysta. Shilimaadka xun ee gumeystuhu siiyo, ayuu ka jeclaa qofka Soomaaliga ah. Dantiisa xun mooyee cid kale muu aqoon. Daba-qodhi xun ayuu ahaa, Hargeysana caan buu ka ahaa. Waxaa loo yaqiin UUR-GAAL, laakiin Cigaalna waa loo yaqiin.

 

Hooyadii waxa ay ahayd reer Burco, nin Hindi ah ayaana markii dambe guursaday. Aabbihii, waxa uu taliye u ahaa ciidan Ingiriisku tababbaray oo fuliya danaha gumeytaha. Murankaas iyo gacan-ka-hadalkaas meesha xun gaaray ka dib, waxa aan u gudbay rag dhallinyaro ahaa oo geed-hoostii jaraysanayay. Qaarbaa igu qoslayay, qaarna waxa ay ka xumaayeen waxa igu dhacay. Dadku isku dareen maaha, isku damiirna maaha. Dhallinyaro loo qaaday mashruucii kala xadaynta Soomaalida ayey u badnaayeen. Iyagaas ayaan isku dhex daray, ka mid banana noqday. Muddo yar dabadeed, waxaa naloo qaaday meel ingiriisku u bixay Hawd. Xudduud dheer aan dhul Ilaahay ah ayaanna illaynay. Daqiiqaddaas gudeheedna dadkii meesha degganaa bar baa xabashida , xoog loogu daray, bar kalena halkoodii ayay ku baaqi noqdeen. "Xuduud” af ingiriisiga waxaa lagu yiraa " Border” Waana halka la iigu bixiyay Cilmi Boodhar, markii dambena " Cilmi Boodhari”

Berbera, ayaan u soo wareegay, xilli ay folkaanaha ka kululayd oo ay tubaal shidan ahayd. Isla jeerkaas ba, shaqo ayaan meel walba ka doonay. Nin han leh, haddana da’yar oo aan shaqo hayn wuu hanjebayaa. Sidaas oo kale wuu bahdilmayaa, taasi waxa ay igu riixaysay qabashada shaqo walba oo culus, si aan isu maareeyo. Naftu iima oggoleyn jiifka iyo xitaa joogga. Berberi oo dhan, boqol iyo soddon guri ayay ahayd, boor guurayana way laahyd. Waa lays garanayay, badina dadka ehel buu ahaa. Waxaa dibadda ka ahaa in yar oo carab ah, inta badanna Yaman ku maqan balse hoteello iyo ganacsiyo kale ayaa magaalada ugu yiillay. Mid mid ayaan maharadahaas ugu wareegay, markii dambena, middood ayaan dhexda iska liqay.

***

 

Woqooyiga waxaa looga yaqaan " Muufo” Koofurna " Foorno” Muufadaas ayaan adeege xun oo bahdilan ka ahaa. In muddo ah, baan halkaas joogay. Waxaa muufada lahaa niman carbeed oo eegmo kulul oo hadal kulul. Wajigoodu waxa uu ka kululaa wax kastoo la malayn karo. Had iyo jeerna fool duuduuban oo caro saarantahay ayay nala hor imaan jireen. Rag badan, ayaa shaqada laga buriyey, shaqooyin kale oo ay qabtaanna may jirin. Waxaa bandarka jiifay ninkii foorno ka shaqeeya iyo kii maharad shaah leh. Noloshuba waxa ay ahayd mid ka maran yididiilo, laakiin inta ladan iyo inta aan Muufa carbeed ka shaqayn markaa, rajooyin baa ka buuxay. In kastoo shaqaale nimadu gumeysi uun tahay, haddana kuma sii jirto kolkuu maareeye kuu yahay maammule qaab-daran. Waxaa taas ka sii liita, markuu shisheeye yahay oo weliba carab xun oo guna yahay. Sidaas uun bay iska ahayd.

Dhexda ayaan ka taagnaa Muufada, dhamac ayaana ka shidnayd. Waxa ay iiga dhignayd meel ka mid ah meelaha ugu kulul ifka, anna sidaas oo kale qof kulul oo dabeecad xun baan ahaa. Deegaanka ayaa sidaas iga dhigay, waayo dabeecadahaba qudhiisa ayaa sameeya. Xanaaqa badan, farxadda badan, bashaashnimada, raxmadda iyo fool-kaduudku, konton boqolkiiba waa u dhalasho, inta soo hadhayna deegaanka iyo dadka ayaa laga kasbadaa. Sidaas baan aniga meel kulul iyo dad bilaa raxmada, ugu dhex-noolaa.

 

Barqo ayay ahayd, Berberana way ahayd…Muufada ayaan joogay anigoo walbahaarsan, laakiin si uun u dhibsanaya shaqada " Walaal roodhi iga iibi” cod qafiif ah oo nuxuus ah ayuu ahaa. Cod dumarna wuu ahaa " Yaa walaal? Roodhi….Roodhi baa walaal” baan si dareen leh ugu celiyay. Lix iyo toban jir bay ahayd aan lafo cuslayn. Jir is heysta oo aan jucna lahayn baa lagu fidiyey qalfoofteeda, kolkaas baa maqaar cas lagu sii kor-goglay. Xaaddu, sidii gocosada ayey dhabankeeda iyo jidhkeedaba uga celdhersatay, sii caws roob helay. Faayo siman oo cadcad ayaa dibno yaryar oo dhiin ah lagu meeleeyay. Way bilnayd, bilicna way lahayd. Farsamo Eebbe! Fool ballaaran oo sonniyo qalin ah lagu qoray ayey indhahygu qooraansadeen. Waan hinqaday, haddana waan hakaday. Waxa ay ahayd mar-soobax aan laga malaysan karin Berbera dhexdeeda. Qorrax soo baxday ayey u qaab ekeyd. Sida Xareed god ku qabowday oo xarfanaysa ayey u xays lahayd una qaboobayd.

Qof sidaas u qurux badan hadduu kuu soo galo, dareenkaagu inkee wuu ku dilayaa. Ma xusuusto mar aan rootiga u dhiibay iyo tirade intay ahayd, laakiin in aan daba kacay oo muddo sii eegayay ayaan xusuustaa. Waan muraaqoodaa mar kastoo aan dib-milicsado, waana ilmeeyaa. Taa waan xusuustaa! Foornadii oo ballaqan ayaan ka dhaqaaqay, dabadeed roob da’ayay ayaa dushayda ku dhammaaday. Intaas, iyadana ayuun baan daba joogay, nasiibdarradiise maalinkaas indhaha kama qaadin. Mar kale ayaana dareen xawaaraynayaa laabtayda miray, jidhkaygana shacaac ku firdhiyay.

 

Run ahaantii may ahayn qof caadiya ee waxa ay ahayd inan araggeeda oo qudha wax badan dareennadu ku dagaali karaan. Hubaashii, waxa ay ahayd noole aan la heli karayn ereyo lagu muujiyo quruxdeeda iyo suugaan lagu sawiro hummaageeda. May dheerayn mana ay gaabnayn, waxa ayse ahayd dhirir-xigeen cabbaarro suubbaan oo qaararkeedu kalsooni ku qotonsadeen. Isla jeertaas ayaa lay dhuftay oo aan sabbeeyay mowjado aan if iyo aakhiro midna xiriir la lahayn anna sidaas ayaan labadii xiriirba nabdiga uga bixiyay. Curuuqda iyo jidhkaba dareen baa hareeyey, gudeheygana baro ayey ku yaalatay. Waan xusuustaa sii socodkeedii. Dadka oo dhan aniga ayey i eegayeen, sidii dilaa fara maran, oo magaalada soo galay.

 

Weligey ismaan oran qof baa dareenkaaga, si fudud kula tegi kara. Marna nabdiga maan gelin taa. Waayo, waxa aan ahaa qof qalbi adag. Geel-jire laabta damallo ka fuuleen ayuun baan ahaa. Si kastaba ha ahaato, wax walba way is beddeleen. Sidii macdan dab lagu shiday ayaa dareenku ii dhalaaliyey. Dubaaqayga waxaa galay Hodan oo taagan. Jeerna may fariisan jirin, mana ay nuuxsan jirin. Sidii geed hawd ka baxay, ayey ii dhex liqdaarsatay. Sidii waran rays lagu muday, ayey isugu kay taagtay. Suugaan iyo waxa aan hal abuur lahaa ayaan ku baadi goobay. Sida iyo meesha kaliya oo aan ku kulmi karnay Muufada ayay ahayd..Laakiin waxa ay ahayd qof aad u xishood badan. Ma aysan fahmayn waxa aan ka hadlayo, waayo gayigaba kow baan ahaa qof jacayl ku dhacay. Taas baa iga dhigtay midka ugu ayaan daran iyo kan dadka ugu liita.

Habeenkii, waxa aan daawan jiray dayaxa, maalinkiinna doogga. Balliyada iyo buuraha dhexdooda ayaan boqor harradsan ku haa, Berberana doqon waalan oo sabool ah, ayaan ka ahaa. Baalallayda haadda iyo dabaysha xawaaraha ku socota, ayaan jeclaysan jiray in aan farriimaha u faro Hodan. Suugaan miid ah ayaan buuraha, bartamaha magaalada iyo bannaankeedaba ka tirin jiray. Xeebta iyo xeeligeedaba waa aan la eegan jiray. Waxaa igu batay cidlo joogga, kalinimada iyo isla hadalka. Sidaas awgeed dad badan ayaa igu tuhmay waalli. Tuke baal cad ayaan ka noqday Berbera. Waa laysu kay sheegay, yar iyo waynna sheekadaydu way gaadhay. Waalli ayaan ku caan baxay oo dadkii la’ iiga gartay. Dhibtayda, cidi ma ay fahmayn, kaan u sheegtaana muu rumeysan karin.

 

Nin oday ah, oo aan xigto ahayn ayaan la wadaagey, una sheegay in aan u dhimanayo Hodan. Garab baan ka filayay, balse af-lagaaddo xun ayuu igu firdhiyay. Waxa uu igu canaantay in aan meel kaga dhacay heybadda iyo sharafta rag-waynaha. In qof jacayl u ooya aan la arag lana maqal, ayuu ii sheegay, sidaas oo kale in aan deegaanka waxaa laga aqoon buu iigu sii daray. Nin jacayl u ooyaa gayiguu u kow yahay. waa aan naxay, in aan wax u sheegto qof sidaas ahna, aad baa aan ugu qoomamooday. Illeey qof walba looma xog warramo? Qudhiisu wuu dareemay taa, laakiin in uu xaq ii sheegay, ayey la ahayd. Sida wadaadka diinta ayuu weedha kolba dhinac, iiga afuufay, qudhiisuna ugu dadaalay faah-faahin barax tiran. Si kastaba ha ahaatee, gacanta ayuu i qabtay, dabadeed hablo koox ah, ayuu i dhex-geeyay. " Taad doonto ka xulo, maxaad ugu waalan qof maqan” buu si deggan ii yiri. Mar kale ayaan naxay maxaa wacay? Hodan kuma ay jirin. Horaantii waxa aan u heystay in ay iyadu ku jirto, laakiin malo beenowday ayuun bay ahayd.

 

Beeshu waa ay shirtay, shir aniga iga dhan. Dareen igu beeran awgii, ayaa la’ ii colaadiyay. Waxaa talo lagu gooyay, in nafta layga gooyo, si ifka la’iiga raacdeeyo. Cambaar iyo ceeb soo muuqatay ayey ii arkayeen. May doonayn in qof iyaga ka mid ahi uu jacayl gidaarrada ugu ooyo, waayo arrinkaas ragga oo dhanba gef buu ku ahaa, si gaar ahna wuxuu ugu sii ahaa ragga beesha. Sidaas bay wax u arkayeen. Dhowr jeer ayaa toorreey iyo warammo cad-cad laygu weeraray, balse taydu may gelin. Hujuumkaas daran, ayaan Berbera uga cararay, Jabbuutina ugu badbaado doontay. Si kastaba ha noqotee, waa aan la qabsan waayay noloshii adkayd ee dhulkaas, laakiin sida Berbera dambiile wayn kama ahayn.

 

Galab iyo habeen, duhur, casir, maqrib iyo cisheba, waxa aan ka fikirayay Hodan. Kolkaan cidloobo, ilmada ayaan weheshan jiray. Xubin kasta oo jirkayga ka mid ayaa meehaannow daran, la muquuran jirtay. Boholyow daran, ayaan beerka ka barooran jiray, wadnahana ka booyi jiray. Dhaayaha ka ilmayn jiray oo daamanka ka hoori jiray. Bushimmuhu kala tegi jireen oo dabadeed qallayl oomman uun, noqon jireen. Kolkaan biyo cabo, in ay iyadu ku jirto ayaan malaysan jiray. Darxumadaas ayaa qorraxdu iigu soo bixi jirtay, iiguna dhici jirtay.

 

In kastoo aan Hodan reerkeedii ka doontay, haddana waji-gabax iyo jab ayaan kala soo noqday. Waxaa laygu xiray shuruud adag oo loo meel deyey. Konton geel ayaa laygu shardiyay. Mehar mise Diyo? Labadaba! Sidaas oo kale saboolnimo daran oo i haysay, baa la’ igu caayay oo laygu ceebeeyay. Taasna illin qubata mooyee, qoboow-raaxo kuma helin. Gu’ kasta, ninka guur doonka ahi, wuxuu u halgamaa, in uu guursado? Kolkuu baaluqo oo uu xooggeysto ayaa dareenka doobnimadu laba dible u xiraa? Gabadhuu jalleecaba, way soo jiidataa. Hadduu ku darsado, way is macnaysaa, taan is macnaynna, waxaa adag in lagu helo jidkii anbiyada. Wax lala yaabo ayey dhaqankeenna ku tahay taas. Dareenka raaxadu sow in la simo maaha? Si is la eg, in loo wadaago sow maaha? Maxaa dumarkeenna, ragga looga iibiyaa? Sida ari suuq la keenay, ayaa dhabankooda hanti badan la saaraa. Waa lagu gorgortamaa, sida badeecada oo kale. Sida in dareenku ninka u gaar yahay ayaa xoolo badan, laga xayuubsadaa, laakiin dareenka guurku waa wax loo simanyahay, loona wada baahanyahay, sidaas darteed hantida laysku aroosayo, waa in dhexda lagu dhifsadaa. Naagtu waa in ay bar keentaa, ninkuna waa in uu bar keenaa, markaas ayuu jiri karaa midow-nololeed. Wixii intaas ka hara, waa uun guur gees ka raran, kana arradan.

 

Waxa aan isu keeni jiray ciidda kolka dhulku roobsado oo tigaaddu is-gasho. Rayska, ayaan dhuubi jiray…Dabadeed hummaaggeed ayaan u yeeli jiray. Geedaha, ayaan masaar, ku jarjari jiray, kolkaas baan qof iyada u eg, ka qori jiray. Dharkii guduudnaa ee hiddiyo dhaqanka, ayaan u soo iibi jiray oo aan dhexda ka geli jiray. Runtii Hodan may ahayn, balse waa hummaag la mala awaalay, laakiin loo malayn karay. Dadku markay arkaan, way muraaqoon jireen. Qudhooda ayaa ka heli jiray. Iyagu geed la qoray ayey sidaa uga heleen, maxaad u malayn haddii ay iyada arki lahaayeen? Sidayda ayuun bay noqon lahaayeen. In badan oo ka mid ah, dhulkaa laga xaabin lahaa, ama badwaynta waallida ayey ku mirqi lahaayeen, yaxaaska caashaqa iyo Libiriga jacaylka ayaana laqi lahaa ama labadooda ayaa laba cad oo isla eg u kala qaybsan lahaa sidayda.

 

Waa aqal dumay, sida dareenkeyga. Wuu gaboobay sidayda, wuuna cidlooday sida jacaylkayga. Batalaale, ayuu bartanka kaga yaallay. Hugunka iyo hirarka gugcaya ee baddu dabaylo ay soo tureen, ayaa gadaal ka soo gelayayey oo dabadeed tubbooyinka neefta qaada, dirqi iskugu garbinayay. Ma xusuusto qof ila joogay, hummaagga Hodan walanwal mooyee. Sariir duntay ayaan dusha ka iil. Sidii bay ii dhex-taagnayd, iyadoo xariir xiran.

Waa aan sii taag darreeyey, walbahaarkiina, unugyada jidhka ayuu isku raseeyay. Walaacii badnaa, nudayaasha ayuu jarjaray. Galkacaylkii, waabaayo iyo xunuun, buu isu rogay oo tiftaafyada ayaa jirka ku butaaciyay. Beerku wuu i qaybsamay, wadnuhuna shaqada wuu joojiyay. Dhiiggu wuu istaagay, maskaxduna ammarrada way hakisay. Sidii matoor damay, ayaan hawada uga baxay. Afku wuu kala tegay, indhuhuna way caddaadeen, sida birta ayeyna u engegeen. Laydhii, sawaxankii, dadkii, xoolihii, cirkii, dhulkii iyo wax kastoo dul-saarnaa waa layga qariyey. Xubnuhu way aammuseen, xiskuna wuu xasilay. Dhase iyo dhuuracaso, ayaa dhuuxayga ka ladaabtay; dabadeed gudcur iftiinku ka abaaday ayaan dhex sabbeeyey.

 

W/Q Cabdisalaan-Ceeryaamo

Muqdisho- Somaaliya

July 2020


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...