Baqdaadi vs Mark Carney, Is barbar Dhig Laba Gudomiye Bangi oo Canada ay kasoo kala qaateey UK iyo SL.

0
Thursday July 23, 2020 - 23:49:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baqdaadi vs Mark Carney, Is barbar Dhig Laba Gudomiye Bangi oo Canada ay kasoo kala qaateey UK iyo SL.

    W/Q: Maxamuud Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamuud Biixi



Mark Carney: Waxa uu dhashey 1965,aqoontiisuna waa Hardvard, iyo Oxford University, waxaanu heystaa shahaadada PhD cilmiga dhaqaalaha. Mr. Carney waxa uu kasoo shaqeeyey goobo kala duwan, sida wasaaradaha maaliyada ee Canada, Bangiga dhexe ilaa uu Gudoomiye ka gaadhey, macalin jaamacadeed, cilmi baadhe,la taliye macaahidda dhaqaalaha wax ka qora iyo Banka aduunka iyo hay’ada lacagta aduunka.



Waa maxay Guulaha uu gaadhey: Sajid Javid oo ahaa wasiirka maaliyada ee UK waxauu ku amaaney in Mr. Carney,ka dhigey dalkaCanada dalkakaliya ee reergalbeed ah, dhaqaale Tiriliondhaafey leh, noqdey dalka ka bad-baadey dhaqaaleburburkii aduunka galbeedka(Credit Crunch) la dagey2008-kii. Sababo ay ka mid tahayin uu 2007-kii markii xidigadhaqaalahu soo madoobaanayey Mr. Carney waxa uu dariiq cusub u jeexey qaabkiiloo kala iibsadohantida ma guurtada (feature of Tenure)oo uu bil gudaheed kaga jarey 50 dhibcood.


Halkaas oo uu dhaqaaleburburkii aduunka ku fidey, Canadawaxey sameysay in uu qorshehoosaad u gaara, ku badbaadiyey dhaqaalihii dalkiisa (Non-standard moneytry policy) arinkanina waxa uu ahaa March 2008. Sidoo kale July 2009 waxa uu bilaabey mashruuc ugu magac darey "Conditional commitment oo daarnaa in mudo sanad ah la hakiyoRibada(interest rate), ilaainta uu dhaqaaluka dhiigeysanayo, oo kalsoonidii suuqalasoo celinayo. Arinkaasoo aakhirkii keeneyisla sanadkaas in shaqoabuurkii bilaabmey, Canada biloowday kobacdhaqaale oo cusub.


Bangigii dhexe ee Canadawaxa uu diyaariyey in la helolacag cash ah,oo lagu dhaqaajiyo hay’adihii ganacsiga, balan qaadnauu siiyey in mudo sanadah aanu kordhindoonin qiimaha faa’dadaRibada, sirtana oo horebaislaamku ku baaqey,ayuu dhaqaalihii Canadaku weydaartey, dalalkakale ee reer galbeedka.


Maanta, Mr. Carney waaGudomiyaha Bank of England, waxa uu udub dhexaadu yahay in aaney UK shuruud la’aan kaga bixinsuuqa reer Yurubilaa inta ay heshiis lasameysanyo, si halis ku timaadadhaqaalaha UK laga gaadhayo. Waanaka aqlabiyada Parliment ku qaateen in la dhaqangaliyo.


Ali Baqdaadi: waxa xoogasaarey social media,si sumcad u sameysto, badhaadhihiisana ka sheego. Intaba badan-na xataabalamaha dadka laleeyey uu galiyey FB-ga.


Dhanka sicir-bararka 26 kiiAugust waxa VOA-daka sheegey wareysiuu baqdaadi bixiyey,in ay cadaalad tahey, in 8,500SL Shilings in uu taagnaado isagoo ku doodaya,dadka biilasha dibadahalooga soo diro ayaa happyku ah. Mase oga intabiilka qaadata inteeyka tahay, umadabalaadhan ee danyartaah ee gudaha SL ku silcaysa.


Mase ogyey Baqdaadi in heerkan sarifkumarayaa in qoor-gooyo ku tahay shicibka, adeeg guudna loo habayaraatee aan dawladiu qaban, kaliyala shacabku waxauu Baqdaadi arkaanmaalinta cashuuraha lasii kordhinayo sanadka horaantiisa, markalaga reebo noloshaqurxoon ee uu ku naaloonayo ee Face- book-ga soo dhigo, iyoshaqooyinka siyaasadeed ama koofiyad-bacleyn ee aan loo igman ee inta badan ku foogan-yey.


Ali Baqdaadi wareysigaa waxauu ku sheegey ilaa 195 meheradood in ay hilib,caano, timir, maryoiyo shaahba kaga soo adeegteen oo dalka oo dhan intubawaxay noo sheegeenin ascaartii ay dhimeen,kadib markii sarifkiihoos u dhacay.


Waa islaantii kaligeed roobukuhelay ee daad wararc tidhi,miyaanu ogeyn in intii uu bangiga horjoogaha ka ahaaay Hargeysa 3,800meheradood ay kaceen.Sida Sheekh Adan Xiirey(Siiro) soo xaqiijiyey.


Dhanka kale markeynu ka eegno, Baqdaadii waxa lagu adkeeyey sicir bararka in uu wax ka qabto,si uu maamul xumiddadalka ku habsateyindhaha dadweynaha uga jeediyo. Hadanawaxey daba dhigeen Ahmed xasan Carwo, oo ahaa ninkiika taliyey, in la iibiyoin kabadan 1400guri oo hargeysa u badan iyo 20km square ah oo shacabka hargeysa ah. Guryahaas iyo dhulkaas oo lagu iibiyeyin ka badan hal Bilyan oo doolar, 2013-2016, aan la marinwax tar-tan ah(tander). Jeebadaha shaqsiyaad khaasah ayeey ku aroortey, shacabkiilahaana, wey ku dhaxal wareegeen.


Hadaba, hadii uu sidaasBank of Somaliland shaqadiisii loo xayirey. Waqtiga dheeraadka ah ee badan muxuu Gudoomiye Baqdaadi ku buuxiyey.


1) In uu isagoo wakiilka ah wasiirka warfaafinta bilaaboin uu curyaamiyo saxaafada xortaah xiyiraad iyo xadhig ba isugu daro,iyadoo dariiq sharciu laheyn xabsigau taxaabo wariyayaashii Hadhwanaagnews oo SL ugujirta Halka Aljazeera Carabta ugu jirto,New-york times na ugu jirto USA, Guardian ugu jirto UK. Macneheeduna yahey hala laalo qadyadii ictiraaf raadiska, mar hadii wajigiilaga aqrisan jirey(soft-power) SL, la burburinayo, Xamar baa hadhwnaag laga baabiin mooye, Hargeysaa xabaal looga qodi,haabka kuma heyn.


2) Baqdaadi,waxa uu bilaabey xayeeysiin business-ka cusubee soo socdaisagoo soo bandhigey, waxa uu ku soo kordhin doonomaqaayadiisa casriga ah hoos ka aqri bogiisaFB-ga soo dhigey Adeer Baqdaadi,markuu gadh-casta ku biiro.


Magacyadda Meerayaasha ( Planets ) iyo Iskujooga Qoraxeed ( SolarSystem ) Jimce wanaagsan Marwooyin & Mudanayaal.


Mudane Taysiiriyo Xubno badanayaa isoo waydiiyay magacyadda meerayaasha iyo iskujooga qoraxeed ( solar system ) oo tarjuman ( English & Somali ).


Moon ( Dayax) ; Mercury ( Dusaa) ; Venus ( Waxaroxidha); Jupiter(Cirjeex) ; Mars ( Farraare) ; Saturn ( Raage) ; Uranus (Uraano); Neptune ( Docay).


Waxa ayagynajira : SaturnRings ( Garaangeraha Raage) ; Nubulae( Ciiyaamada Xiddigaha); Asteroids( Dhadhaabyo); Meteorites ( Shiidmadobe); Black-holes ( Dalool madowbaha ); Asteroids ( Dhadhaabyo ); Meteor ( Jibin ).


Kuwaa qaarka mid ah waxaydin ka daawan doontaa" Sky View Cafeteria, WhiteHorse Hotel " ,Hargeisa, Insha Allaah.


Gunaanadkii sidaasaa u dambeysay ninkiila yidhi dhaqaale ka tali, wakaasxidigaha sidii odeyadii baadiyaha gidaarada kulashaxaya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...