Ilko Aboor Isma Aaminaan ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday July 23, 2020 - 17:43:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Ilko Aboor Isma Aaminaan ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Kuwo aan iyaku isu dhiiban baa calanka idiin sidda, ah qaataye-qaado adna, waana kan daliilkii. Aqooneey ba', garashooy wax-ba ha tarin? Qof aan dareen uu wax ku dhaado lahayni waa " Rabbi khalaq wa dalaq"  Ah laguma dhaamee dhaqaaq, Damiir dhintay-na lama toosin karo, naf goday dib uma soo laabato ( Dal-kiinii waa uu socday), doofaar abidkii ma daahiro, inkastuu durdur iyo dabaal galo, is-mana doorsho weliggii, Dameer sayax daaqay iyo sabool dibirey-ba danaani-goodda baa laga baxaa, doqon laguma daalo, ee ushaa lagu dilaacshaa, loo mana dan sheegto. dabaal lama dugsado ee waa laga durkaa. Abuur lama dooriyo oo oolimaad ma tago, nin fadhi-gaaga arkana looma sare kaco. Nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaa, tuug wax dagan arkayaa dib ugama istaago, qaran iyo qabiil qolqol ma wadda fadhiis-taan, nin tolaay yidhi taag daruu sheegtay, beeni taag ma leh ee run baa lagu tanaadaa. tawsi tahan kuma geyso. tallo xume taageero me leh, qof baahani bakhti kama baydho, bello intay kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay. Waayo'arag la'aani wadnagay ku qoysaa, weel waliba waxa ku jira buu dhididaa, daayeer qadhaab daayey dan baa u run sheegtay, nin dantaa daa lama yidhaaho, Akhristaw intaas oo odhaahood, maah-maahood, sarbeeb iyo murti soomaaliyeed ahiba, kuli meel keliya bay ku wadda biyo shubama-yaan ah " Qofka lagu sheegaana aanu mid abdo leh ahayn, ee ay wax ka si yihiin"  Waa sidda askariga ku jira Guriggii Moorgan  ee loo yaqaan " Xaafad-tootadda Hargeysa". "Qof mar waashay, wuu ladan yahaye mooyee, wuu bugsaday ma leh, askari-ganina ma dhama ee siiddii laan dabayli ruxayso buu walhanayaa, inta ku xeeranina wax-ba kama gelin dal iyo dad ee waa ku dul ceesha, iyaka oo og in aanu caadi ahayn.

 

Waxaas oo dhami mid-ba meel bay ka haysataa, askariga aan goror-ba loogu shubin madaxa ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo askariga kale ee Geenyo shaaximan, waa ka uu ku shaqaysto'e iyo maammul-koodda qasanaaya'e. Ummad yahay horaa loo yifhi "Ishii qaate ninka la yidhaahaa, waxa uu kaaga baydhaa ama kugu yimaadaa, waa kolba inshuu kaa arkaa"  Waana dhab oo marka uu arko in aanu kaa liqayn, dhabo buu kaa marayaa, haduu-se il-daabaano kaa hello, waa ka aakhiro kuu jiiday, shakina kuma jiro, oo maah-maah baaba ahayd " Lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa"  Waa halkii uu Maxamed Mooge ka lahaa " Ma og-tahay askari jaahil ah baan amar ka qaataaye", Muwaadin kan aanay wax-ba dhulka ka oolini iyo iyo koron-koradda  uu ku siidaayey,  ee ah macaan jecesha dalkii  iyo dadkii ku dikaday, siddii dulin ay xoolo xero u galeen, waxa ugu wacan waa ishuu inaga arkay, ee ah kala qaybi, dabeed ku dul kaadi. waana sabbata uu idiinku yeelaayo sidaas.Waxan hadaba uga socdaa, oo aan u soo dul maray, kan meesha Bef-bef leh, oo wax uu ku wanaagsan yahay aanay jirin, intaas oo arimood dhakadda bay ka wadda saaran yihiin Jaahilkan dad-la-moodka ah, laakiin dugaaga xaywaanka ka xun. yam-yam iyo qadaad weyntii uu wadaadkii waallaa ee Ina Cabdalle Xasan, waan isaga taag la'ahay, oo ka badan yuuq iyo yamaa-yuugii uu Qu'raaanku inoo sheegay, ba ameesha isku biir-saday, halka ay idin dhigena waad aragtaan, ee ma aydin ka tashan mise, kolba meel baa nalka qaaday baad war-bahainta soo dhihi doontaan, oo ka aad u shatakoonay-saan uu yahay ka amarka soo bixiyey.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan murtiddii ahayd "Ilko aboor isma aaminaan" oo micna-heedu yahay, isuma dhiibtaan ee way u kala beretamaan, wixii ay baylah ku helaan, kol ay calal maryo ah tahay-na, wax ka hambeeya ismana yidhaahaan aboor kalaa qatan, Sidaas oo ay tahay, waxa dhaqan-kaas leh, oo ku jira hadda hawshaas uu aboorku ficil-tanka xooga ah uu saaray, kuwan meesha jooga ee maamulka sheegta, oo uu ilig kastaa uu gara-kiisa, gees kale u wareegaayo, siddii mishiinkii ciidda lagu walaaqi jirey, uu misana kuligood isku mar u xiimaayo, oo aan wax lagu soo gaadhin bed qaba, inta ay gacanta ku hayaan kuwani ka xoog-sadda uun leh, bakhtiiyey ummaddii. Bal waxad qiyaas-taan ayax beer soo baxday ku habsaday, wax ma ka tegayaa? Ilaa xoog lagaga kiciyo?  Waa su'aal idin hor taala'e. Ujeedo iyo haatan, Wuxu yidhi qaasim (Ihun)" Ragu iga tag kagama tago, ee xumaha taab-siiya" Sidaas weeyee, hadaad rabtaan in aad aboorkan iska qaba-taan xiiryaa, ee wax-ba aan ka xishoo-naynin, idiin soo shaqo tegay, wax is qabta lahayn, is xambaar beelaysan ku yimi meesha iyo ana ii dhiib ilo-dhaqaale, rajaddii dadkan lahaa iyo waxay ku naaloona-yeen, xabaal bilaa iil ah oo madaw ku riday, sidda laguu jaqay iyo sacab garaacaagu Is ma laha, ee dib u wax fiiri baa ku odhan lahaa, waa ka halkaa ku dhigay, tolaayeey yaa reer hebel ah baad ku raacdaye, oo dal iyo dad kama aad fekerayne, hadda jooji oohinta ah dhul baa la iga qaday, 600 oo qoys baa buurta kala jeexan debedda la waddhay, iyo Askariga walaalkii baa baloodh iga qaaday, wax aanad hore isu yeelini kuduma ay dhicin, ee wax-ba hays kaga kay oohin.

 

*.N.B Waayo'arag La'aani Wadnahay Ku Goysaa! 

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...