Mudo Sadex Sano Ku Dhaw Oo Muuse Biixi Ka Talinayey Somaliland Muxuu Ka Shaqaynayey?

0
Thursday July 23, 2020 - 14:20:55 in News by
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudo Sadex Sano Ku Dhaw Oo Muuse Biixi Ka Talinayey Somaliland Muxuu Ka Shaqaynayey?

    Mudo Sadex Sano Ku Dhaw Oo Muuse Biixi Ka Talinayey Somaliland Muxuu Ka Shaqaynayey?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo Sadex Sano Ku Dhaw Oo Muuse Biixi Ka Talinayey Somaliland Muxuu Ka Shaqaynayey?



Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw ayaa afka furtay, islamarkaana waxa uu weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Isagoo sheegay in saddexdii sannood ee uu joogay aanu waxa u soo kordhin Somaliland balse uu isnacsiiyay Shacab, Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu beesha Bariga Burco uu si gaar ah u beegsanayo Ganasigooda iyo arimahoodaba, islamarkaana aanu waxba uga ogolayn.

Wareysi: Kulankii M. Biixi iyo Abiy Ahmed


Boqor Cismaan Oo Waraysi khaas ah Khadka Telefanka ku siiyay Telefishan Bulsho isagoo Imaaraatka ku sugan ayaa waxa uu yidhi "Ma qabo beeshayadu inay cabato, beeshayadu ixtiraam iyo Sharaf ayay Muuse Biixi u samaysay, Godob ayay u gashay, oo rag tol ah ayay Godob uga gashay, oo Kursiga ayaa la saaray, Siyaasadda Gacan maroojiska ayuu siyaasad u yaqaanaa, waad arkaysay isagoo aanu dooranayno ayuu waxa uu nagu waday hanjabaad, Shaani iyo qarxin, Waxaan qabaa inuu shaanidii iyo Qaraxyadii uu Madaxtooyadda lagalay,oo uu xisbigii lagalay oo uu Cadaawaddii uu beesha ku wado oo uu Ganacsigeedii ku wado, oo inankii yaraa ee Xafiis ka shaqeeya illaa iyo Diyaaraddihii inamadii yar yaraa ee ka shaqaysanayay illaa iyo Ganacsatadii, marna beeshu may caban, waxa qudha ee mar walba si hoose loogu diray waxa ka mid ah Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan”


Waxa kale oo uu yidhi "Haddii ay Doorashadu 2020-ku dhici waydo, Somaliland way burburaysaa, sababtoo ah Kelitalis iyo Boqortooyo loogama baahna, Daahir Riyaale Laba sanno ayuu Doorasho ku qabtay, Axmed Siilaanyana isna Laba Sanno ayuu ku qabtay Doorashada, Muuse Biixi, Saddex sanno ayuu joogaa, isku dir, dadka in lakala faqo iyo Been in lookala sheega mooyee, Nin meel u socda maaha”.


Sidoo kale waxa uu yidhi: "Anaga beel ahaan markii horeba dagaal caadi ah ayuu nagula jiray laakiin hadeer waxa uu u gudubtay ganacsatadii Kale ee shidaalka, Waad ogtihiin shirkadihii shidaalka Ganacsi ay galeen majiro, Shirkadda Hass petroleum,oo ahaa Beelihii eraadada lahaa ee Siilaanyo ku soo dhaweeyay inay dalka ka shaqaystaan afar bilood shidal may keenin”.


Ugu dambayn waxa uu yidhi "Anaga beel ahaan way noo kala dhamaatay Madaxweyne Muuse, Maxaa yeelay, waxaad arkaysaa xiitaa Wasiiraddiisii la socday ayuu kala dhilayaa oo uu curyaaminayaa, Xasan Gaafaadhi laba wasaaraddood ayuu hayay oo wuu ka eryay, Ninka layidhaa Jaamac Xaaji Maxamuud, Wasaaraddii uu hayay wuxuu ukala saaray Tamar iyo Batrool, waxaan arkaa xiitaa Xisbiga Cid uu wax uga ogol yahay majirto, Waana ninkaas lacagta urursanaya”.


Loading...
Loading...