Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyey Inuu Dano Ganacsi Oo U Gaar Ah U Xanibay Shirkadihii Shiidaalka Oo Dekeda Ku Xayiran

0
Thursday July 23, 2020 - 14:15:06 in News by
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyey Inuu Dano Ganacsi Oo U Gaar Ah U Xanibay Shirkadihii Shiidaalka Oo Dekeda Ku Xayiran

    Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyey Inuu Dano Ganacsi Oo U Gaar Ah U Xanibay Shirkadihii Shiidaalka Oo Dekeda Ku Xayiran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyey Inuu Dano Ganacsi Oo U Gaar Ah U Xanibay Shirkadihii Shiidaalka Oo Dekeda Ku Xayiran


Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyey in uu ganacsi dhinaca shidaalka ah oo dano gaar ahi kaga xidhan yihiin u xannibay shirkadihii muwaadiniinta ahaa ee dalka shidaalka keeni jiray kuwaasi oo muddo ku xanniban Dekedda, khasaare lacageedna ku socdo iyada oo sababtu tahay dano Ganacsi oo Madaxweynaha u gaar ah oo dhinaca shidaalka ah iyada oo dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lagu eedeeyey in uu dalka keensanayo shirkad shidaal oo gaar ah oo reer Yurub ah taasi oo uu muddooyinkii dambe gorgortan kula jiray.




Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Sanaag ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku dhaliilay qaabka uu u wajahay Ganacsigii shidaalka ee dalka iman jiray isaga oo Boqorku Madaxweynaha ku tilmaamay Madaxweyne Ganacsigii galay oo si gaar ah u cadaadiyay shirkadihii dalka shidaalka keeni jiray oo uu sheegay in ay Afar Markab oo shidaal ahi wakhtigan ku xanniban yihiin Dekedda sababta Madaxweynaha dartii.


Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo waraysi dheer siiyay Telefishanka BULSHO TV isaga oo ku sugan waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qaybtan waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray eedo culus oo uu u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in uu curyaamiyay shirkadihii shidaalka, waxaanu yidhi: "Arrinka Ganacsiga, Annaga beel ahaan waad ogtihiin markii horeba dagaal buu nagula jiray balse imika waxa ay u gudubtay ganacsatadii kale ee shidaalka. Waad ogtihiin shirkadihii shidaalka muddo afar bilood ah ganacsi ay galeen ma jiro. HASS oo kale oo aad ogtihiin in ay yihiin beelihii dalka innala lahaa ee Madaxweyne Siilaanyo dalka ku soo dhaweeyey ee ka shaqaysanayay muddo afar bilood ah shidaal may keenin, kuwii kale ee Red Sea lahaa iyo Som Petroleum lahaa iyo Afar Markab baa hadda taagan mid walba Milyan iyo Kun iyo siddeed Boqol oo Dollar oo dhimareej ah ayaa ku socda. Ganacsigaasi waxa uu u taagan yahay dan khaas ah oo Madaxweynuhu leeyahay oo aanu qaranku lahayn oo jeebkiisa ah. Shirkaddii berigii dhawayd heshiiska lala galay ee Singapore ta ahayd Madaxweynaha ayaa lahaa. Imikana shirkad Yurub ah ayuu heshiis kula jiraa oo illaa hadda la wadaa gorgortan.


Shirkadihii muwaadiniinta ahaa ee intaasoo kun oo qof ka shaqaysanaysay ayaa maraakiibtoodii dekadaha ku xanniban tahay. Wax umaddu qaadan karayso, xammilina karayso, loona dul qaadan karayo ma aha runtii. Taasi waxa ay keenaysaa kacdoon umadeed. Umadda marka doorashona loo qaban waayo, runna loo sheegi waayo. Labada xisbi isku dir, shacabka isku dir meel walba. Inuu shirkadahaa leeyahay waa caddaan. Maxaa ganacsigii xorta ahaa ee dastuurka lahaa ee xorta ahaa ciddan ay u xidhan tahay haddaa waa ayo bal adigu sheeg. Annagu waxaannu ognahay oo xog oagaal u nahay in ii isagu leeyahay shirkadahaasi. Haddii uu doonayo in uu dalka ka taajiro oo aanu wax magac ah ka doonayn horena u soconayn. Anigu caa’iladiisa ma soo qaadayo, cid kalena ma soo qaadayo. Caruurtiisa sheeg sheegi maayo. Illaa diyaaradahan ayuu ganacsigooda u xannibayaa oo waxa uu doonayaa in uu isagu wakaaladooda qaato”.


Loading...
Loading...