Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Lagula Cashaynayo $ 180,000 Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

0
Sunday March 03, 2019 - 20:03:33 in News by Super Admin
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Lagula Cashaynayo $ 180,000 Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa samaynaya casho sharafeed balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo horumarinta caasimadda Addis Ababa ee Itoobiya. Casho sharafta ayaa lagu martiqaaday bulsho badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa samaynaya casho sharafeed balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo horumarinta caasimadda Addis Ababa ee Itoobiya. Casho sharafta ayaa lagu martiqaaday bulsho badan.

Warbaahinta BBC qaybteeda dunida la hadasha ayaa baahisay in casho sharaftaas uu qof kasta oo ka qayb galaa bixinayo $ 180,000 (Boqol iyo siddeetan kun oo dollar), taas oo uu macnaheedu yahay in qofkiiba uu bixinayo $ 180,000 si uu ula casheeyo Raysalwasaaraha. Lacagtan ayaa waxay u dhigantaa shan milyan oo birr oo lacagta Itoobiya ah in qofkiiba bixinayo habeenkaas.

Waxa la filayaa in halkaas lagu ururiyo lacag gaadhaysa 1 bilyan oo dollarka Maraykanka ah siloogu caawiyo horumarint caasmadda Addis Ababa.

Waxa la qorsheeyay inay cashada ka qayb galaan tujaarta, diblomaasiyiinta iyo weliba madaxda hay’adaha caalamiga ah, waxaana ay Itoobiya sheegtay in talaabadan looga jeedo si loo xoojiyo in Itoobiya kelideed isku tashato halkii ay deeq shisheeye doonan lahayd. Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa ganacsatada, beesha caalamka iyo dadka caanka ah ugu baaqay inay ka qayb galaan cashadaas "Dhammaan ganacsatada, madaxda ururada caalamiga ah iyo xubnaha diblomaasiyiinta beesha caalamku waa inay ka qayb galaan casho sharaftaas.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

BBC waxay sheegtayin Abiy Axmed uu dhawaan iibiyay saacadiisa oo uu siiyay $ 175,000 (Boqol iyo shan iyo toddobaatan kun oo dollar), mar uu ka qayb galay munaasibad loo qabtay mashruuca Ambo ee duleedka addis Ababa oo lagu ururiyay dhaqaale dhan 14 milyan dollar.

Qorshahan waxa isticmaala oo caan ku ah siyaasiyiinta Maraykanka si ay murashaxnimadooda ugu urursadaan lacag ay kaga qayb galaan ololaha doorashada.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama casho noocan oo kale ah oo uu sameeyay wuxuu ku ururiyay lacag dhan 700 oo milyan oo dollar hal maalin ka dib markii uu sameeyo casho qaali ah oo qofkiiba laga qaadayay 30,000 ilaa 40,000 oo dollar (Soddon kun ilaa afartan kun oo dollar), waxaanu Raysalwasaare Abiy Axmed oo isbedelo badan oo yaab leh ka hirgeliyay Itoobiya u muuqdaa inuu doonayo inuu hoggaamin cusub oo dhinacyo badan ku soo kordhiyo qaaradda Afrika.




Loading...
Loading...