Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hargeysa U Soo Diray Wefti Uu Fariin Gaar Ah Ugu Soo Dhiibay Muuse Biixi

0
Thursday July 23, 2020 - 14:12:34 in News by
  • Visits: 2068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hargeysa U Soo Diray Wefti Uu Fariin Gaar Ah Ugu Soo Dhiibay Muuse Biixi

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hargeysa U Soo Diray Wefti Uu Fariin Gaar Ah Ugu Soo Dhiibay Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hargeysa U Soo Diray Wefti Uu Fariin Gaar Ah Ugu Soo Dhiibay Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Dawladda Itoobiya ayaa Hargeysa u soo dirtay wefti culus oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.




Weftiga oo ka koobnaa saddex xubnood, ayaa waxay wateen diyaarad gaar ah, waxaana madaarka Hargeysa ku qaabilay wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire. Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka weftigan, laakiin ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in weftigu markii ay dalka yimaadeen ay kulan toos ah la yeesheen Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegay inay Madaxweyne Biixi gaadhsiiyeen farriin ay ka sideen Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.


Weftiga ayaa isla shalay saacado ka dib imaanshahooda Hargeysa waxay dib ugu laabteen Addis Ababa iyadoo diyaaradii siday ay ku sugaysay madaarka Hargeysa.


Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in ujeedada socdaalka weftiga Itoobiya yahay mid xambaarsan arrimo miisaan ku leh Addis Ababa oo ah dareenka ay Itoobiya ka qaadatay wefti dawladda Masar ka socda oo dhawaan socdaal ku yimid Hargeysa. Warbaahinta Itoobiya ee madaxabanaan ayaa warbixino dhawr ah ka diyaarisay socdaalkii weftiga Masar ee Hargeysa.


Masar iyo Itoobiya ayaa si adag isugu maandhaafsan biyo xidheenka ay Itoobiya dhisanayso oo ay dawladda Masar u aragto khatar soo waajahaysa nolosheeda iyo ammaankeeda.

Loading...
Loading...