Xildhibaannada Reer Awdal Ee Baarlamaanka Oo Ka Digay In La Qabto Doorasho Bilaa Saami-Qaybsi Ah

0
Thursday July 23, 2020 - 09:54:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Reer Awdal Ee Baarlamaanka Oo Ka Digay In La Qabto Doorasho Bilaa Saami-Qaybsi Ah

    Xildhibaannada Reer Awdal Ee Baarlamaanka Oo Ka Digay In La Qabto Doorasho Bilaa Saami-Qaybsi Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Reer Awdal Ee Baarlamaanka Oo Ka Digay In La Qabto Doorasho Bilaa Saami-Qaybsi Ah

Hargeisa(HWN):- Xildhibaannada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ugu jira Gobolka Awdal oo Shalay Saxaafadda si wada jir ah ula hadlay ayaa taageeray inaan la qaban doorasho, illaa laga heshiiyo Arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.


Xildhibaannadan oo bogaadiyey Odayaal dhaqameed la kulmay Madaxweynaha iyo dhalinyaro Boorama ka sameeyay isku soo baxyo ay ku diiddan yihiin in la qabto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada iyadoon la samaynin Saami-qaybsi.
Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good - Sayruuq News

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Mudaneyaasha Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi "30 Sanadood ayay Shuruucdeenu Qabyo tahay, loogama baahnayn (Xisbiyada Qaranka) inay meel yar oo xagga sare ah ka bilaabaan oo ay sameeyaan Muuqaal ah in saddex Nin oo isku jifo ahi Masiirka Ummadda ka Talinayaan, waxay ahayd inay si Qaran u eegaan oo wax laga qabto waxyaabaha aasaasiga ah ee innaga qabyada ah. ..”

Xildhibaan Tukaale waxa kale oo uu sheegay "Annagu haddaanu nahay Xildhibaannada nahay raalli kuma nihin Golaha fadhiyey 15-ka sanadood oo in berri la qabto ayaa la doonayaa, laakiin duruufaha ku gedaaman in meesha laga qaado ayay ahayd oo Saami-qaysiga iyo Awood-qaybsiga (la saxo), Waayo? 13-kan Xildhibaan laga hadli maayo ee Qaranka oo dhan baan weli la wada lahayn…”ayuu yidhi.

Xildhibaan Abuubakar Cabdiraxmaan Good oo isaguna ka mid ahaa Xildhibaannada Shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Xaaladda Saami-qaybsi la’aanta ka dhalatay ay meeshii ugu xumayd marayso, sidaasi darteed loo baahan yahay wakhti la siiyo in Saami-qaybsiga iyo Awood-qaybsiga guud ee Qaranka la hagaajiyo "Waxa yimid (Xukunka) Muuse Biixi, waxay maraysaa Maalintay ugu darnayd, waxa iman doona Mid axmaqa, haddaan Maanta qaydhiinka lagu soormin Awood-qaybsiga oo wax la isku ogyahay aan lagu heshiin, waxa iman doona Mid Axmaq ah oo aan waxba isku wadayn oo aan Ummadda Somaliland eegayn, haddaan Maanta Awood qaybsiga la samaynin waxa iman doona mid Axmaqa oo maba jirtaan odhan doona, sidaa darteed Maanta waxaanu u baahan nahay in qaydhiinka lagu qaybsado awood-qaybsi Raalli laga wada yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Ummaddan Ilaahay Somaliland wada dhigay oo marna kala tagi mayso, markaa waxaanu u baahan nahay wax cad oo la isku ogaado oo mustaqbalka oo dhan lagu xisaabtamo..”

Xildhibaan kale oo reer Awdal ah oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay tagayaan Gobolka Awdal, isagoo bogaadiyey dhallinyarada reer Awdal iyo Odayaasha dhaqanka "Nin yidhaahda Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen baad doonayaa dee Masiirkiina ma hayo, annagaa hayna waanuna idinku raacsan nahay sidaa aad yeesheen, inaanu idiin nimaadnana diyaar baanu u nahay..”ayuu yidhi.

Loading...
Loading...