Kootada Haweenku Ma Dastuuribaa Mise Waa Qayrul Dastuuri? Q2aad

0
Thursday July 23, 2020 - 09:35:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kootada Haweenku Ma Dastuuribaa Mise Waa Qayrul Dastuuri? Q2aad

    Qareen/Bare Sharci: Khadar Mohamed Ahmed 20/07/2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qareen/Bare Sharci: Khadar Mohamed Ahmed 20/07/2020  



QAYBTA 2 AAD: DOODAHA SHARCI-YAQAANADA EE KA SOO HORJEEDA KOOTADA HAWEENKA IYO DHALLIILAHOODA SHARCI

 

 

1.  Kootadu Ma Sinnaanbay Keenaysaa Mise Sinnaan La’aan?

 

Haddaba yaa kasoo horjeeda kootada haweenka fikir noocee ah ayayna qabaan?

 

Hadaba waxaa jira sharci-yaqaano qaba aragtida ah kootadu in ay kala saarayso muwaadiniinta oo ay ka dhigayso lab iyo dhadig sidaasina ay kaga soo horjeedo sinnaantii muwaadiniinta ee uu dastuurka qodobakiisa 8 aad uu damaanad qaadaayay?

 

Macnaha erayga sinnaan waynu ku kala aragti duwanaan karnaa ,balse waxa is-waydiin mudan marka hore ma jirtaa hadda sinnaanta uu dastuurku tilmaamaayo markaad eegto dhinaca matalaadda siyaasiga ah? Haweenku miyay ka sadbursadeen ragga metalaadda siyaasadeed wakhti xaadirkan? Hadday jawaabtu tahay haa. Haweenku ma waxay hasytaan tiro ka badan tan raggu uu hada haysto ,kootaduna ma waxay keenaysaa markaas in ay haweenku sii badsadaan kuraastii. Markaad is waydiiso ma matahay sinnaan sida ay u dhasan yihiin aqalladeenu wakhti xaadirkan?

 

Jawaabtu waa mid aad u cad oo aan marag ba u baahnayn markeynu eegno tiradda ay kuraas ahaan haweenku ka yihiin aqallada sharci-dajinta qaranka iyo goleyaasha deegaanka. Tiradda aqallada wakiiladu waa 82, sinnaantuna waxay ahayd in ay haweenku helaan 41, balse taa badalkeeda waxay ku leeyihiin 1 xildhabaan oo kaliya. Halka guurtida oo tirada kuraastoodu la mid tahay tan wakiillada aanay wax matalaadda ama kursi ah haba yaraatee ku lahayn. Goleyaasha deegaanka ee hada jiraana tiradooda oo ah marka lasyku wada geeyo dalka oo idil 375 ama afar boqol ku dhawaad waxay haweenku ku leeyihiin 10 xildhibaan oo qudha. Tani

 

 


markaa ma sinnaantii uu dastuurku sheegaybaa? Waa maya oo sinnaantii

 

uu   dastuurku sheegay majirto .Hadaba hadii aanay jirin sinnaani oo la waayay miyaanay haboonayn markaas in la la yimaado hab kasta oo lagu gaadhi karo sinnaan sida kootada ama hab kale oo ka sii fududba? Haddii kale keen sinnaanta jiritaankeeda aan iskaba dhaafno kootadee si loo xaqiijiyo xaqa sinnaanta ee dastuurku u damaanad qaadaayo muwaadiniinta.

 

2.  Kootadu Ma kala-Saaris Muwaadiniinta Ragg iyo Haweenloogu kala-saarayaa sida ay Qabaan Sharci-yaqaanada Qaar?

 

Maya ee ma kala saarayso oo hadayba jirtaa kala saaristu ( ama sinnaan la’aantu) balse waxay u saamaxaysaa wadamatalaad bulsho lab iyo dhadigba in ay helaan. Mana aha mid lagaga qaadaayo ragga xaq balse waa mid u suuro galinaysa haweenku iyana in ay helaan xaqoodii sinnaanta matalaadda siyaasadda ee ay bulshada ku lahaayeen dastuurkuna u damaanad qaaday.

 

Sidoo kale sharcigu ma diidana kala-saarista taban ee cidi xuquuqdeeda ku helayso balse wuxuu diidanyahay kala-saarista togan ee ay cidi xuquudeedii ku waayeyso ama lagu duudsiinaayo. Kootadu hadaba ma aha mid cid xaq ka qaadaysee waa mid cid xaq ka maqnaa lagu siinaayo. Xaqaasi oo ah xaqii siyaasiga ahaa ee uu damaanad qaaday dastuurku gaar ahaan qodobkiisa 22aad, kaasiyoo u dhigan sidan:

 

"Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed….Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Leeyahay in la doorto, waxna uu doorto.”

 

Haddaba dawladda waxaa ku waajib ah in ay fuliso waajibaadka dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, si ay taasi u fulisana waa in ay la timaado barnaamjiyo ay ku xaqiijinayso sida kootada ama habab kale oo ka fudud ama lamid ahba. Kootaduna waa mid ka mid ah hanaankii ama tubtuu lagu gaadhi lahaa sinnaanta uu dastuutku waajib yeelaayo, maadama oo anay hada haweenku haysan xaqii sinnaanta ee metalaada siyaasadda ama kuraasta. Sidoo kale ma keenayso oo kaliya kootadu in sare loo soo qaado haweenka si ay meel uga wada tartamaan ragga, balse waxay keenaysaa

 

oo  kale in ay haweenku helaan xaqoodii dastuuriga ahaa ee ahayd in ay isa

 

6


 

sharaxaan lana doorto sababtoo ah ma aha xaqa siyaasiga ahi in ay codeeyaan oo kaliya , balse waa in loo codeeyo oo ay isa soo sharaxaan iyana.

 

Kootaduna waa xaalad ku meel gaadh ah oo looga dan leeyahay in haweenka sare loogu soo qaado si ay sinnaani u timaado oo ay meel isku mida tartanka siyaasiga ah uga wada bilaabi karaan ragga. Mana aha mid waligeed jiraysa balse haddii haweenku isku filaansho dhinaca siyaada ah gaadhaan oo ay ka midha dhaliyaan sinnaani in ay timaado waa laga maarmi doonaa, si aanay u keenin sinnaan la’aan. Sidoo kale hadii ay haweenku ku guul-darraystaan in ay haweenka matalaan oo ay ku milmaan xisbiyada siyaasadda , sidoo kale iyana meeshaa laga saari karaa marba haday ka baydheen ujeedadii ahayd in ay haweenka metalaan si ay bulshadu hesho matalaaad loo dhan yahay oo la is ka wada dhex arko.

 

3.  Dastuurku Kootada Ma Sheegay? Se Haddii Aanu Sheegin Ma Xaraan baa oo Waa Sharci darro?

 

Waxaa jira sidoo kale sharci-yaqaano qaba in aanu dastuurku xusin kootada haweenka, maadaama oo aanu dastuurku sheegina ay tahay sharci darro ama xaaraan in haweenka kooto la siiyo.

 

Waxaynu leenahay haa, oo dastuurku wuu ka aamusay oo meelnaba haba yaraatee kumuu sheegan erayga kooto amaba in haweenka kooto lasiiyo. Balse hadii aanu dastuuku sheegin maxay noqonaysaa? Sharci mise Sharci darro?

 

Mabda’ ahaan wixii aanu xeerku si cad kaaga reebin ee aanu kuu diidin la imaatinkiisa ama samaytiisu sharci ahaan waa xalaal waana sharci, dadkuna in ay la yimaadaan oo ay sameeyaanna xor bay u noqonayaan markaas. Sidaa awgeed hadii uu dastuurku diidanyahay si cad buu u sheegi lahaa in ay xaraan tahay. Sharciguna mabdi’iyan kama aamuso wixii sharci darro ama xaraan ah ee si cad buu u sheegaa si ay dadku uga digtoonaadaan la imaatinkiisa.

 

 

 

4.  Kootadu Ma Shareecada Ayay Ka soo Horjeedaa?

 

 

 

 

7


 

Markale waxaa jira Sharciyaqaano ku doodaaya in ay kootadu kasoo horjeedo shareecada, balse may sheegin nas cad oo shareeco ah (sida aayad quraan ah ama xadiis) mamnuucaya in haweenka loo garto mansab siyaasadeed oon tar-tan lahayn.

 

Hadii ay shareecadu ka aamustayna, waa arin inoo furan. Waayo shareecadu kamay aamusteen wax xaaraan ah, mabda’ ahaan. Tana waxay ku fadhidaa Qaacidadda diiniga ah ee tidhaahda (يةحابلإا ءايشلأا في لصلأا"ةدعاق") "aslul fil ashyaa ibaaxa” oo macnaheedu yahay sharcigu wuu xalaaleeyay ilaa wuxuu NAZ ka reebay mooyee (wuxuu nas xaarantinimeeyay mooyee!)

 

Guntii iyo gabo-gabadii kootadu waa sharci waana dastuuri oo waxaa keensanaysa fulinta xaqa siyaasiga ah iyo xaqa kale ee sinnaanta ah ee uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta (lab iyo dhadigba) si loo helo bulsho siman taasiyoo ugu danbayna keenaysa in la halo hanaan siyaasi ah oo bulshada wada matala oo loo dhan yahay cid kastaana iska dhex aragto.

 

Sidoo kale qaybaha kale ee bulshada ka mid ka ahina way heli karaan kootada haddii aanay ku lahayn cid matasha aqalada qaranka oo ay tabanayaan sinnaan la,aan. Waana xaq ay leeyihiin.

 

Sharci ahaanna waajibka sharci-yaqaanku waa inuu taageero u muujiyo cida doonanaysa xaq ka maqan, cidii aan doonan karayna ay iyagu u doonaan, balse ma, aha in ay kuwa doonanaaya ka hor istaagaan iyagoon u hayn xujo sharci oo cad.

 Email Address: [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...