Xukuumada Somaliland Oo Wafdi Udirtay Jigjiga

0
Thursday July 23, 2020 - 08:48:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Wafdi Udirtay Jigjiga

    "Waxaa Duleedka Magaalada Jigjiga Kaga Horyimid Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Dawladda Deegaanka Somalidda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa Duleedka Magaalada Jigjiga Kaga Horyimid Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Dawladda Deegaanka Somalidda"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa Gaadhay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

 

Waxaa Duleedka Magaalada Jigjiga Kaga Horyimid Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Dawladda Deegaanka Somalidda ee Itoobiya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Dawladda Deegaanka Soomaalida Cali Beddel, Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Warfaafinta Marwo Hibo Axmed,Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Bashiir Shaafi Cumar Iyo Madax Arrimaha Xisbiga talada Deegaanka haya Faysal Rashiid Nayruus.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa lagu qaabilay si diiran, Waxana loo galbiyey Gudaha Magaalada Jigjiga ee Xarunta deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Maaha Markii u horreysay ee Wasiirka Warfaafinta Somaliland gaadho Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Tagi taanka wafdigan ayaa ku soo beegmaya xili dawlada Itoobiya ay wafti usoo dirtay Somaliland.


Loading...
Loading...