Taageerayaasha Ilhaan Cumar Iyo Kuwa Trump Oo Dhigay Banaanbaxyo Iska Soo Horjeeda

0
Tuesday April 16, 2019 - 15:41:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Ilhaan Cumar Iyo Kuwa Trump Oo Dhigay Banaanbaxyo Iska Soo Horjeeda

    Taageerayaasha xildhibaanka Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhaan Cumar iyo kuwa madaxweynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageerayaasha xildhibaanka Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhaan Cumar iyo kuwa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigay banaanbaxyo iska soo horjeeda xilli Trump uu booqanayay magaalada Minnepolis ee ay Soomaalida ku badantahay iyo taageerayaasha Ilhan.


Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku sugnaa magaalada Minnesota, halkaas oo ka samaynayay hadal jeedin ku saabsan wareegtada dib u habeynta canshuuraha.

Boqolaal qof oo taageersan xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Trump ku eedeeyay in uu maagis iyo daandaansi ku hayo Ilhaan Cumar.



Madaxweynaha ayaa dhowaahan aad u hadal hayay Ilhaan, isaga oo ku eedeeyay wax u muuqday in ay u qiil samaynayso weeraradii 9/11 ee lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee New York.

Dhanka kale taageerayaasha Trump ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhegyo ay ku taageerayaan madaxweynaha iyo ololihiisa dib usoo doorashada ee sannadka 2020-ka.


Madaxa hay'adda u doodda xuquuqda Islaamka ee Caira Jaylaani Maxamed ayaa yiri "Arrinka ugu weyn ee aan maanta meesha u nimid waa in aan taageerno walaasheen Ilhaan, tan labaadna waa in aan muujino in dhaqdhaqaaqa uu madaxweynaha sameeyay aysan ahayn wax reer Minnesota ay diyaar u yihiin".

Habboon Cumar oo sidoo kale ka mid ahayd dadkii banaanbaxa qeyb ka ahaa ayaa sheegtay in Ilhaan weerar lagu yahay.


Ilhaan oo loo hanjabay

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in maalin kasta ay hesho hanjabaad kaga timaada dad aysan garanaynin, taas oo ah halis nafteeda ku wajahan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne Trump uu Ilhaan ku eedeeyay in u geftay Maraykankanka kadib hadal ay jeedisay oo si aan sax ahayn loo fasirtay.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay inay weerarki September si xun uga hadashay, balse dimoqaraadiyiinta ayaa si weyn u difaacay, iyaga oo sheegay in si qaldan hadalkeeda loo tarjuntay qaarkoodna waxay ku eedeeyeen Trump inuu iyada iyo muslimiinta kale ku kiciyay dadka Mareykanka ah.


Muxuu yahay hadalka lagu heysto Ilhaan ?

"Dadka qaar ayaa qalad sameeyay"oraahdaan ayaa ku jirtay khudbadii Ms Cumar ay ka hor jeedisay koox u doodda xuquuqda rayidka, ee golaha xiriirka muslimiinta Mareykanka ee (Cair), 23 bishii Maarso.

Khudbad 20 daqiiqo soconeysay ayaa waxay uga hadashay arrimaha saameynaya bulshada sida islaam-neceybka iyo weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday masaajid ku yaalla New Zealand.


Hadaladaasi oo lagu soo daray muuqaal uu bartiisa Twiterka soo dhigay madaxweyne Trump ayaa laga qaatay qodob ay uga hadashay sida loola dhaqmo muslimiinta Mareykanka kaddib weerarkii September 2001.


"Runta ayaa ah. Inaa in muddo ah kusoo nooleyn inagoo neceb ahaanshaha muwaadiniin heerka labaad ah, si run ahna markii loo hadlo waan ka daalnay arrintaas, qof walba oo muslim ah oo ku nool dalkaan waa qasab inuu necbeystay arrintaas.Gollaha muslimiinta Mareykan ee Cair waxaa la aasaasaay 9/11 maadaama ay qirteen in dadka qaar ay sameeyeen qalad inaga dhana aan bilownay inaa noqono dad luminayay xuquuqdii iyo xuriyadoodii sababo la xiriira qaladkaas dhacay."


BBC.

Loading...
Loading...