Wasiirka Deegaanka Oo Ceel-Afweyn Ka Dhagax Dhigtay Xarunta Kobcinta Dhirta

0
Wednesday July 22, 2020 - 22:14:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Deegaanka Oo Ceel-Afweyn Ka Dhagax Dhigtay Xarunta Kobcinta Dhirta

    Wasiir Shukri Baandare, oo dhagax dhiga labadan xarumood ka hadashay ayaa sheegtay in xaruntaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Shukri Baandare, oo dhagax dhiga labadan xarumood ka hadashay ayaa sheegtay in xaruntaasi

Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta ka dhagax dhigtay degmadda Ceel-Afweyn xarun lagu kobcin doono dhirta iyo xafiiska wasaaradu ku yeelanayso degmadaasi.


Xaruntan dhir kobcinta ayaa loogu tallo galay in kumanaan dhir kala duwan ah lagu xanaaneeyo, iyadoo dhirtaasi loo qaybin doono magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda degmadda Ceel-afweyn.


Dhagax dhiga xarunta kobcinta dhirta iyo xafiiska wasaaradda deegaanku ku yaalanayso Ceel-afweyn waxaa wasiir Shukri Baandare, ku wehelinayay guddoomiyaha degmadda Ceel-afweyn iyo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka u jooga degmadaasi.

Wasiir Shukri Baandare, oo dhagax dhiga labadan xarumood ka hadashay ayaa sheegtay in xaruntaasi ay noqon doonto mid dhirta laga qaybiyo.


Waxaanay tidhi, "Degmadda Ceel-afweyn, waxaa hoos yimaadda 33 isugu jira magaalooyin iyo tuullooyin iyo degmooyinka kale ee ku xeeran in ay xarunta dhexe u noqoto, si looga sameeyo xarun weyn oo kobcinta dhirta (Nursery) ah. Si ay u noqoto meel dhirta looga qaybiyo degmooyinka kale”.

Wasiirka deegaanku waxay ku tilmaantay u jeedadda ay ka leeyihiin goobta ay dhagax dhigtay ee kobcinta dhirta in ay tahay sidii loo heli lahaa dhir cusub, maadaama dhirtii hore ee dabiici ahaan deegaankaasi uga bixi jirtay ay sii dabar-go’ayso.


"Dhirtu aad bay jiidan ugu yar tahay. Galloolkii, Qudhacii iyo dhirtii ay xooluhu cunayeena way sii dhamaanayaan, oo Dhuxul ayaa laga shiday. Markaa waxaanu ka wasaarad ahaan isla qaadanay, in aanu halkan xarun weyn oo dhir kobcinta ah ka samayno, oo iyada na dhirta laga qaybiyo, oo meello fara badan looga qaybiyo”ayay tidhi Shukri Baandare.

Wasiirka hadalka sii wadatayna waxay tidhi, "Gobolku waa gobol weyn, markaa halkani waxay noqon doontaa, meel soo saarta kumaan kun dhir ah.
Anaguna ka wasaarad ahaan gacan weyn baanu ka siinaynaa. Waana loo heelan yahay, oo dawlad dhexe iyo dawlad hooseba, way u wada heelan yihiin sidii wax looga qaban lahaa”.

Geesta kale Shukri Xaaji Baandare, oo ka mid ah xubnaha wasiirrada ah ee hawlaha nabadaynta beelaha u jooga degmadda Ceel-afweyn, ayaa sidoo kale mudadda ay deegaankaasi joogto waxay uga faa’iidaysataa hawlaha wasaaradeedu qaranka u xil saran tahay.

Sida uu sheegay maayarka degmadda Ceel-afweyn C/raxiin Aw Yuusuf Axmed, oo xusay in ay aad ugu faraxsan yihiin xaruntan iyo xafiiskan ay wasiirku dhagax dhigtay.

Waxaanu yidhi, "Aad iyo aad ayaanu ugu mahad celinaynaa, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, oo isagoo hawlo nabadeed deegaanka Ceel-afweyn u joogay, hadana hawlihiisii wasaarad ahaaneed, wax badan oo deegaankani u baahnaa noo balan qaaday.

Ugu horayn waxay wasaaradda deegaanku la wareegtay, meelihii ay wasaaradu hore u lahayd ee magaaladda dhexdeedda, oo ay ka mid yihiin Qaw-qawle iyo Hayaysa”.

Waxaanu intas raaciyay "Waxa kaloo ay wasiirku noo balan qaaday in ay dhisi doonaan, xafiisyadii ay wasaaradu ku yeelan lahayd degmadani. Intaas oo wax qabad iyo horumar ah, wasiirka waanu ka gudoonay” ayuu yidhi maayarka Ceel-afweyn.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...