"M. Biixi Wuxuu Madaxtooyadda La Galay Siyaasad Gacan Maroojis ah Iyo Siyaasad Indho La'aanna"

0
Wednesday July 22, 2020 - 22:01:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "M. Biixi Wuxuu Madaxtooyadda La Galay Siyaasad Gacan Maroojis ah Iyo Siyaasad Indho La'aanna"

    "Muuse Biixi Wuxuu Madaxtooyadda La Galay Siyaasad Gacan Maroojis ah Iyo Siyaasad Indho La'aanna"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Wuxuu Madaxtooyadda La Galay Siyaasad Gacan Maroojis ah Iyo Siyaasad Indho La'aanna"

Hargeisa(HWN):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), oo ka mida Madaxdhaqmeedka reer Somaliland ayaa ka hadlay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, waxaannu ku tilmaamay Nin siyaasadda ka yaqaanna gacan maroojis iyo dagaal uun.



Boqor Cismaan Buurmadow waxa uu ku eeddeeyay Muuse Biixi Nin lacag aruursi ku jira, isla markaanna aan qaban karin doorashooyin, waxaannu sheegay inaanu siddii Siilaanyo aannu lacag u quudhi karin, isagoo ku tilmaamay in Muuse Biixi uu markii la doorannaayay-ba uu ahaa Nin shaani iyo qaraxyo sita, imikanna uu Shaannidii iyo Qaraxyaddii uu la galay Madaxtooyadda Somaliland.
Boqor-Buurmadow - Geeska Afrika Newspaper

"Horta Wasiirrada uu hoggaaminnaayo Wasiir Maxamed Kaahin waan Hambalyaynayaa si fiicanna way u shaqaynayaan, Odayaashii deegaanka Fadhi-gaab labaddii beelood ee dhibtu ku dhex-martayna waan Hambalyaynayaa, weliba beesha Axmed Faarax oo gacanta ku soo dhigtay ninkii dhibta loo tirinnaayay waan Bogaadinayaa, waxa kale oo aan Hambalyaynayaa mawqifka ay shalay isla qaateen ee ahaa Nabadgelyadda iyo in la wada-hadlo, waxaanan ku boorrinayaa inay tanaasul, Walaalnimo iyo isu soo dhawayn si aynu Masiirkeenna iyo Aayaheenna uga tashano oo deegaankeennaasi Nabad noqdo oo aynu salka dhigno." Ayuu yidhi Boqor Buurmadow oo u waramaayay Telefishanka Bulsho TV.

"Horta siyaasadda uu dalka ku hoggaaminnaayo Madaxweyne Muuse Biixi waxaan u arkaa Siyaasad indho la'aanna, oo meel ay ku jihaysan tahay aan la garanayn. Taiwan xidhiidhkeedda in badan ilaa Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal laga soo bilaabo Wasiirkii Arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale wuu tagay, Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuu tagay, Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye wuu tagay waynu qarin jirnay, arrimaha aynu kala xidhiidhi jirnay waxay ahaayeen Caafimaad, waayo dawladdaha waa-wayn gacan maroojis waxba lagagama helo, haddaad Nin kaa xoog wayn gacanta maroojiso dhib baa kaaga imanaysa aannad filayn, markaa Muuse Biixi siyaasadda waxa uu ka yaqaannaa gacan maroojis. Maanta waxa uu gacanta wada maroojiyay China iyo Ethiopia oo laba dawladdood oo waa wayn ah.

Ethiopia waa dawladdii ugu horraysay ee inna soo dhawaysay, waxa innaga dhaxeeya xidhiidh ganacsi, waxa innaga dhaxeeya Xuduud dheer, Masar-na waa dawladdii Somaliland godka ku riday, waxaannay qabatay laba shir oo ay shirkii Qaramadda middoobay iyo kii jaamacadda carabta oo ay labadda shir-ba ka sheegtay inaan Soomaaliyi kala go'i karin, markaa maanta in aynu Masar soo dhawaysanno oo Ethiopia gacan maroojis ku samayno waa meel ka dhac, haddii laga maarmi waayo waxay ahayd in aynu mawqif dhexdhexaad ah ka istaagno Xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Ethiopia, Siyaasaddii arrimaha dibadda iyo arrimihii aynu raadinaynayna god madow ayay ku ridaysaa talaabaddaasi." Ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.

"Horta anigu ma qabo in Beeshayaddu cabatay, Beeshayaddu Muuse Biixi gobonnimo ayay u samaysay, Ixtirraam iyo Sharaf bay u samaysay oo godob bay u gashay oo rag tol ah ayay godob uga gashay oo Kursigaa la saarray waa tii aan ku lahaa Siyaasadda gacan maroojiska ah ayuu yaqaannaa annagoo dooranayna ayuu Shaanni, Qarxin, Hanjabaad iyo Mashaakil ayuu ku jirey, waxaan qabaa innuu Shaannidii, Qaraxyaddii iyo Mashaakilkii uu Madaxtooyaddii la galay oo Xisbigii la galay oo Caddaawaddii uu beesha ku wado, oo Ganacsigeeddii ku wado oo Inankii yarraa ee Xafiis joogay ilaa Inamaddii yar yarraa ee Xafiisyadda diyaaraha joogay uu Caddaawadii ku wado, markaa mar qudha beeshu may cabban, balse markasta Wasiirradiisa ayaa hoos loogu diraayay oo uu ugu tun wayn yahay Wasiirkiisa Daakhiliga Maxamed Kaahin iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), hadda oo u danbaysay 23 Suldaan iyo Ugaas ayaa Qoraal ixtirraam leh u soo gudbiyay oo cidkasta laga qarinnaayay, waxa la yidhi Madaxweyne beesha ganacsataddeedu ammaan hakaa hesho haddii ay yihiin ganacsatadda waa wayn iyo haddii ay yihiin kuwa Shidaalka keenna, xitaa Hotel muu dhaafin, waxa weeye Madaxweynuhu dagaalkiisii gacan maroojiska ahaa ayuu waddaa" Ayuu yidhi Boqor Buurmadow

Isagoo hadalkiisa sii watanna waxa uu yidhi "Beeshu aayaheedda ayay dib uga tashannaynaa dib baannay uga baxaysaa Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweynahaba, waayo Nin la isku halayn karo maaha, Nin wax lagu darsan karo maaha. Anigoo ah Odaygii xagga dhaqanka siyaasadda u matali jirey beesha hadda waxaanu wada-hadal kula jirnaa labadda Xisbi mucaarid, inkastoo aannan qabin in doorasho dhacayso oo haddii Sanadkan 2020-ka doorasho dhici waydo ay Somaliland burburayso, waayo Digtaatooriyad loogama baahna Somaliland, Madaxweyne Daahir Rayaale 23-kii ayuu Kursiga fuullay 25-kiinna doorasho ayuu qabtay, Madaxweyne Siilaanyo 2010-kii ayuu Kursiga fuullay 2012-kiinna doorasho ayuu qabtay, markaa Muuse Biixi saddex sanno ayuu jogaa isku dir iyo in dadka been loo kala sheego mooyee nin meel u socda maaha.

Doorashadduna sababta aannay u qabsoomayn waxa weeye dhaqaale ayay u baahan tahay ilaa 8 Million ayay u baahan yihiin Komishanka Doorashooyinku, siddii Siilaanyanna innuu lacag geliyo ma doonnaayo oo waa Ninkaas lacag uruuriska ku jira. Arrinka kale ee ganacsiga annaga beel ahaan dagaal buu nagula jirayoo waad ogtihiin, laakiin Shirkaddihii kale ee Shiddaalka afar bilood ganacsi ay galleen ma jiro, Hass oo kale oo ahaa beelihii dalka aynu wada lahayn ee Siilaanyo ku soo dhaweeyay Afar billood Shidaal may keenin, kuwii kalenna wax Shidaal ah may keennin, Nin welbanna waxa ku socda lacag baa ku socota, haddana waxa taaggan afar Markab." Ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...