Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaxoonti Suurriyaan Ah

0
Wednesday July 22, 2020 - 20:44:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaxoonti Suurriyaan Ah

    Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaxoonti Suurriyaan Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaxoonti Suurriyaan Ah

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha Cabdikarriim Axmed Maxamed (Xinnif), waxa uu ka hadlay Qaxoonti Suurriyaan ah oo soo gaadhay Somaliland, waxaannu Shacabka Somaliland ka codsadday in la soo dhaweeyo Qaxoontigaas oo aan la dhibaatayn.
Guddoomiye Xinif Oo Sheegay Inay Jagada Guddoomiyaha iyo ...


Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif), oo Caasimadda Hargeisa ee xarunta Somaliland kula hadlay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta, waxa uu Bulshadda reer Somaliland u soo jeeddiyay inay dadkaas Ilaaliyaan oo aan wax dhibaato ah loo gaysan.

"Dad aan hore u joogi jirin Somaliland oo Suurriyaan ah oo jidadka iyo Masaajidada dawarsannaaya ayaan doonnayaa inaan wax yar ka idhaahdo. Runtii dawladda Somaliland iyaddoo aan ka mid ahayn dalalka la aqoonsan yahay, ayaa haddana waxay waajib iskaga dhigtay inay dadka dhibaataysan ee dalalkooddii ay dagaaladda iyo dhibaatooyinku ka dhaceen ee ugu yimaadda magan-gelyada inay magan-gelyo siiyaan, gaar ahaan dalalka sida gaarka ah loo xusay ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Axmed Siilaanyo uu gaarka u xusay oo ay ka mid yihiin Suurriyaanka, Yemen, Ciraaq iyo Afgaanistaan, wixii berrigaas uu Madaxweynuhu go'aamiyay mooyee wixii kale dariiq kale oo yay marraan. Ayuu yidhi Guddoomiye Xinnif

"Dawladda Somaliland waxay balan-qaadday oo ay ogollaatay inay dadkaasi Somaliland si Nabadgelyo ah ugu noollaaddaan oo ay Waddanka joogaan, oo ay dalka degannaadaan inta dalalkoodii u hagaagayaan, oo wax dhibaato ahi soo gaadhin, hase yeeshee daryeelkoodda, ilaalintoodda, Waxbarashadooda, Cuntaddooda, Caafimaadkoodda iyo waxyaabaha la xidhiidha waxa qaabilsan Hay'adda UNHCR oo Hay'adda Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa u xil saartay.

Somaliland waxay iyaddu qaadatay Nabadgelyadooda iyo inay si xor ah ugu noollaadaan dalka inta dalalkooddii hagaagayaan, waxaan ugu baaqayaa dadka reer Somaliland ee Illaahay wax siiyay inay dadkaas wixii ay tarrayaan ee ay ku sadaqaysan karaan inay dadkaas u tarraan hor Alle, waxaa kale oo iga baaq ah in dadkaas la ilaaliyo oo aan la dhibaatayn." Ayuu yidhi Guddoomiye Xinnif

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...