Xildhibaanno Ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiillada Oo Ganafka Ku Dhuftay Heshiiskii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda

0
Wednesday July 22, 2020 - 20:09:36 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno Ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiillada Oo Ganafka Ku Dhuftay Heshiiskii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda

    Xildhibaanno Ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiillada Oo Ganafka Ku Dhuftay Heshiiskii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno Ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiillada Oo Ganafka Ku Dhuftay Heshiiskii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda


Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada Guurtidda iyo Wakiillada kaga jira gobolka Awdal, ayaa waxay ka soo horjeesteen heshiiskii Xisbiyadda iyo Xukuumadda ee qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.
https://www.caasimada.net/muuse-biixi-oo-abaal-marin ...


Xildhibaannadan labadda gole ee Wakiillada iyo Guurtidda ayaa si gaara uga hadlay, isla markaanna salluug wayn ka muujiyay Saami-qaybsiga gobollada oo muddo dheer uu ka taagnaa khilaaf cakirrani. Mudaneyaashan oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta aqalka golaha Wakiillada ayaa taageeray Mawqifkii ay Waxgaradka iyo Dhalinyaradda gobolka Awdal ay ka qaateen Saami-qaybsiga, waxaannay sheegeen inaanay aqbalayn in siddii hore lagu galo doorashooyinka Wakiillada iyo goleyaasha Deegaanka.

"Halkan waxaannu kaga hadlaynaa tabashadda reer Awdal. Somaliland marka la yidhaahdo reer Awdal waxbay ku leeyihiin ee maaha dad marti uga ah, masiirkani ma noqonnaayo mid cid marti looga yahay, wax baynu wada leennahay, wax baynu wada samaysannay, haddii wixii ay noqotay inay ciddi qoorta iskaga duubto, noqon mayso in wixii sii jiraan bay ila tahay" Ayuu yidhi Xildhibaan ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland oo ka soo jeedda gobolka Awdal.

Xildhibaan Obsiiye oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland waxa uu sheegay in sidda maanta socotaa ay tahay si aan la aqbali karin, isla markaanna aan la qaaddan karin, waxaannu yidhi

"Reer Awdal waxaan leeyahay sida maanta socotaa ay sidaa tahay, oo wax la idin soo waddo oo la idin ogol yahay aannay jirin gudhanneey dhab u qaaddo, waxaan leeyahay dadkaas Masiirkiinna Nin iyo laba toonna kama talin karraan" Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo mida Mudaneyaasha Wakiillada ee gobolka Awdal.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...