Muuse Biixi oo Maxkamadda Sare u gudbinaya Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumadda ee Doorashooyinka

0
Wednesday July 22, 2020 - 18:25:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Maxkamadda Sare u gudbinaya Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumadda ee Doorashooyinka

    Muuse Biixi oo Maxkamadda Sare u gudbinaya Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumadda ee Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi oo Maxkamadda Sare u gudbinaya Heshiiska Xisbiyada iyo Xukuumadda ee Doorashooyinka

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bilaabaya qorshe cusub oo uu ku wajahayo xiisada saami-qeybiga oo ka taagan gudaha Somaliland, kadib markii ay fashilmeen dadaalo uu ku qancinayay madax dhaqameedka.


Madaxweynaha iyo xisbiydda mucaaridka Somaliland ayaa iyagu ku heshiiyay in xiligan doorashooyinka Somaliland lagu galo saami-qeybsigii hore ee 2005-tii, xili taasi badalkeed ay qabaan qaar ka mid ah beelaha dega Somaliland.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku howlan qorshe cusub oo uu ku wajahayo xiisada saami-qeybsiga oo guux badan ka dhalisay Somaliland, isla markaana uu si qasab ah ugu jiidhsiinayo beelaha qaadacay arrinkaasi.

Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu maanta dalab culus u gudbiyo maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, kaasi oo uga dan leeyahay inay ayido go’aankii xisbiyada ee ahaa in Somaliland ka dhacdo doorasho lagu saleynayo saami-qeybsigii hore.

Biixi ayaa qorshahan door biday kadib markii wax natiijo ah ka soo bixi weydday kullamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka oo isaga iyo xisbiyada mucaaridku ugu qancinayeen in doorashooyinka lagu galo tira-koob la’aan cusub, iyadoo la raacayo saami-qeybsigii hore ee doorashooyinka.

Inkasta oo aan si dhab ah loo sheegi karin jawaabta maxkamadda ee ku aadan dalabka Madaxweyne Muuse Biixi, haddana waxa suurtagal ah in maxkamaddu ay qeyb ka qaadato rabitaanka Madaxweynaha iyo xisbiyada ee saami-qeybsiga.

maalmihii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland laga dareemayay xiisada ka taagan arrinka saami-qeybsiga, iyadoo ay beelo ka tirsan ay qaadaceen ka qeyb-galka doorashada, maadaama ay ku doodayaan in aan dheg-jalaq loo siin rabitaankooda ku aadan saami-qeybsi loo dhan-yahay.

Bulshadda goobaha lagu caweeyo iyo meelaha shaaha lagu cabbo iyaguna ku faaqidday heshiiska xukuumadda Iyo xisbiyadda oo dadka qaar sheegayaan in xukuumadda iyo xisbiyaddu ku deg-degeen heshiisa oo ay ahayd inay la tashaddaan beelaha ka cabanaya saami-qaybsiga si doorasho hufan dalka uga dhacdo. Taas oo calaamad su’aal galin karta haddii aan la qancin beelaha cabanaya in dib u dhac ku iman karto doorashadda Wakiiladda iyo Deegaanka.


Loading...
Loading...