Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Safar Joogiisu Hooseeyo Ku Yimid Somaliland

0
Wednesday July 22, 2020 - 16:20:11 in News by
  • Visits: 3027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Safar Joogiisu Hooseeyo Ku Yimid Somaliland

    Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Safar Joogiisu Hooseeyo Ku Yimid Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Safar Joogiisu Hooseeyo Ku Yimid Somaliland


Hargeysa(HWN):-Wasiirka Maaliyada Dawllada Itoobiya Axmed Shide, iyo Wafti uu gadhwadeen ka Yahey, ayaa Goordhawryd Kasoo Degay Gegida Diyaaradaha Hargeysa Waxaana Lagu Waddaa in Axmed Shide(Wasiirka Maaliyada Itoobiya), iyo Xubnaha Waftiga Ku Wehelinaya oo u Badan Diblamaasiyiin Wasaarada Arimaha iyo Gaashaandhiga ahi, in ay Kulan xasaasi ah la yeelan Doonaan Madaxweyne Muuse Biixi, kulankaas oo lagu Wado in uu Galinka Dambe ilaa Caawa ku Qabsoomo Madaxtooyada Maadaama aaney Walow aan LaSheegin inta ay Hargeysa ku ekaanayaan, Waxa Suurtagal ah in aan Socdaalkoodu Wakhti badan Qaadanayn.

Image may contain: 1 person, sitting


Waa Markii Labaad ee Nooceeda ah, ee uu Somaliland soo gaadho, Axmed Shide Wasiirka Maaliyada Itoobiya, oo ah Soomaaligii u Horeeyay ee Qabta Xilkaa (Jagada Wasaaradda Maaliyada).


Lama Sheegin ujeedada Socdaalkooda, haseyeeshee, Waxaa loo Sibir-saarayaa Xaalada Mandaqada ee Wakhti Xaadirkan, iyo Xukuumada Somaliland xidhiidhada ay Indhawaale Sameysay.


Guud ahaanba Siyaasada Dawllada Itoobiya ayaa iyaduna isabadel Noociisu Ku Cusub Yahey Dalkaasi Ku Yimid, Marka loo Eego Sida ay Wakhti Xaadirkan u Wada Socdaan Qawmiyada Axmaarada inta ugu Badan, oo Raysalwasaare Aby Ahmed hormood ka yahey iyo Dawllada Elatariya, oo Gees u Wada Socda halka Geesta kalena, ay isku Marxalad yihiin Qawmiyada Oromo iyo Qawmiyadii Xukunka ka Degtay ee Tigreega, oo labaduba Mucaarid Xoogan oo Dhinac u Wada Socda Yihiin.


Waxyaabaha kale ee Ku Cusub Dawllada Itoobiya Waxaa Kamid ah, Soomaali Haya Xilka Wasaaradda Maaliyada, oo kamid ah Xilalka ay Itoobiyaanku halbawlaha Dawllada รน arkaan, Waxa uu Door Ka Qaadanayaa Siyaasada hada in uu Qeyb ka Noqdo Xidhiidhka Soomaalida iyo Dawllada Raysalwasaare Aby oo uu Saaxiib Kalsooni Siyaasi ah isu Qaba Yihiin, Maxaa Yeelay Mar Horena Waxa uu Shide Booqasho ku Tagey Muqdisho.

Loading...
Loading...